|

DAAWO:Ramaax Iyo Musfe Shiine Oo Kabihii Baqdinta Kala Gudoomay Kuna Masooday Hadalo Aan La Mahadin-VDEO+Maqaal.

Waxaaa Shalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka sool ka dhacday madal ay isku yimaadeen qaybo kamida horgalada ka guna qaata maamulka soomaaliland ee hargaysa dowladnimada ka camaamaday,madashan waxaa sida ay sheegeen ay ahayd madal xilka ay kula kala wareegayaan laba sal madoorshe waa Mustafe shiine oo ahaa ninka gobalka sool siilaanyo ugu so dirsaday in uu dhaqaalaha uga soo uruuriyo balse uu ku fashilmay arrintaas kadib markii ay soo wajahaday xaalad adag oo dhanka amaanka ah iyo wareero is daba jooga kuwaas oo uga imaanayey ciidanka maamulka khaatumo iyo shacabka deganka oo is kaashanaya,intas kadib Mustafe shiine waxaa uu noqda waraabe qutur waxaana luntay kalsoonidii iyi isku halayntii uu ku sii joogi lahaa magaalada laascaanood,waxaana uu waraaqo fara badan kuwaas oo uu qaylo dhaan ugu dirsanayo siilaanyo gaadhsiiyey Hargaysa.

 

Siilaanyo waxaa uu marar badan ka dhaga adayga codsiyada is daba jooga ahaa ee kaga imaanayey sool oo uu soo dirayo Mustafe shiine oo ahaa badhaaabka been abuurka ahaa ee siilaanyo qaabka dhaqaale uurrinta iyo hagar daamaynta shacabka degaanka usoo xil saaray balse ay uga suura gali waday isku dayo badan oo uu la damacsanaa degaanka waxaana mar kasta faraha saarayery ciidanka khaatumo oo gacan mugleh ka helaya shacabkooda.

 

Codsiyadii Mustafe Shiine oo siilaanyo ka jawaabi wayey Mustafe shiine oo xaaladii ku adkaaday cabsi daran iyo walwal joogta ahna saaxiib dhow la noqday waxaa dhacday in uu iskaga cararo laascanood isla markaana uu Hargaysa ilaa deegaankii laga soo masaafuryey ee beeshiisa uu dabada kasoo jeediyo isla markaana uu halkaas warbaahinta cay kasoo miiso iyo waa la i weerara khaatumo waa nabad diid iyo hadalo lamida oo shalini kama biiqday ah.

Xalaadu markay halkaas marayso siilaanyana uu ku hungoobay ujeedkii uu Mustafe shiine ugu soo magacaabay sool oo ahayd in uu dadka degaanka ka dhaadhiciyo arrinta dorashada in siilaanyo loo codeeyo,in citiraafka looga hor leexdo,in cashuurta la bixiyo,oo ah dhaqaale uruursiga siilaanyo ka lahaa Musfe shiine oo lagu tiriyo dadka aan kartida iyo hal adayga lahayn isla markaana ah raga dhanka mucaaradnimada ugu jilicsan,ayaa silaanyo gobalka sool hadhuub xoorle kaga waaye.

 

Qaylo iyo sawaxan badan iyo baroorta Mustafe shiine oo xitaa gaadhay in ay beeshiisu warbaahinta ka hadasho iyagoo dalbanaya in wiilkoodu ahaa wiil yaroi dhalinyaro ah isla markaana aan xabad waligii arag iyo arrimo la hal maala siilaanyo wuxuu ajiibe waraqihii faraha badnaa ee Mustafe shiine kuwaas oo mudaba dhasbiinka ku ururiyey.waxaana dhawaan xil kala badbadel siilaanyo kooxdiisa ku sameeyey Safka hore Kaga soo dara in uu Musfe shiine badlay isla markaana u magacaabay badhasaabka gobalka awdal Ramaax oo ahaa badhasaabkii Awdala u soo magacaabay sool.

Badhasaabja cusub ee maamulka siilaanyo sool kusoo halgaaday si uu dhaqalehii iyo arrimhii Mustafe shiine ku guul daraystay isna bal iskugu dayo ayaa mudo badan oo uu ka caga jiidayey in uu tago sool maanta si dabo kariix ah kusoo gaadhay isagoo ay ka muuqato niyad jab iyo cabsi ka daran tii haleeshay mustafe  ayaa maanta isdaaqalad ama reeryada lacag raadinta ku kal wareegay Mustafe shiine oo isagu isbuucyadanba alle ku madahdinayey in uu sool mar uun dhaafiyo waxaana maanta sida wararku sheegayaan markii jagadaas kaga badaly kasoo axsaday qosol aad u badan iyo indho ka duwan kuwii hore loogu yaqaanay sababtaas oo uu qof kastoo aqoon u lahaa mustafe shiine ama sool ku bartay layaab ku noqtay.

Maxamuud Saleebaan Ramaax waa ninka maanta lasoo badalaye kadib markii uu ku fashilmay in uu reer Awdal oo ah bulsho aad u qadiyad adag isla markaana aaminsan soomaalinimada iyo midnimada umada soomaaliyeed balse nasiin daro ay xoog iyo ciidan ku horfadhiyaan beelo gaara oo awood ciidan iyo dowladnimo been ah u shegatay kuwaas oo caadaystay in ay xidhaan haldoorkooda waxgarkooda iyo aqoonyahanka degaankaas ee fahamsan siyaasada qaawan ee maamulka beesha isaaq ee soomaaliland la magac baxay .

Ramaax waxaa uu ku fashima sida Mustafe shiinba sool kaga dhacday in uu badalo waxna ka qabto mabda,a dadka degan Awdal State iyo guuud ahaan gobalkaas waxaana ay ku gacan saydheen ujeedooyinka qariban ee uu la maaaganaa isaga iyo maamulka uu gadhwadeenka ka yahay siilaanyo oo gobalkaas ku tala galay in uu dhaqaale uga raadiyo xukuumada siilaanyo isla markaana uu bulshadaas ka soo dhaadhiciyo waxa madaxtooyada hargaysa iyo qqaybi kamida dadka ku dhaqan waqooyiga loogu sheekeeyo ee ah dowlad baan nahay madax banaan.

Ramaax marka la eego waa nin ka aardan sida hadaladiisa ka muuqata nadaamka siyaasadeed iyi hanaaka xogagalnimo la dhaqanka bulsho iyo fahamka waaqicaba waana nin xidhxidhan oo yaqaan uun amarada siilaanyo iyo ku dhaqankooda waxaana la filayaa in uu ku hungoobo sidii Mustafe shiine iyo saaxiibadiiba ka raacday sool in uu kabahayga iga siiyey in ay dhawaan soo yeedhi doonto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mustafe shiine ayaa markii maanta xilka lagala wareegayey waxaa uu soo jeediyey hadalo lagu qoslay iyo waxyaabo lamida ,,maalintii aan halkan imi waxaa i garab yaacayey tigniko badan waana la ii digay oo run ban moode,,

Ramaax oo oo naxsan indhihisa ay cabsi ka muuqato ayaa isdha dhankiisa hadalo daciidnimo ka muuqato halkaas ka yidhi,,maanta halka hadalba iigama banaana,,

Wararka Horufadhi.comgmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=23372

Posted by on Aug 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...