|

Faallo:Garaadada Khaatumo ma gabeen masuuliyadoodii, maxaase ka hadalsiiyey maanta?

Waxaa sanadkii 2011 ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool shirkii ugu weynaa ee cariga soomaaliya ka qabsooma ee ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 13-ka Garaad ee deegaankaas, cuqaal kor u dhaafaysey 63 cuqaal, iyo in kabadan 6000 oo ergo, iyo 5000 oo kale oo waday hawlaha farsamada oo ay ka mid ahaayeen qurbo jog iyo siyaasiyiintii lahaa fikirka shirkaas ee Group-6 ama G6.

Akhristoow waxa shirkaas oo socday mudo dhowr bilood ah, oo ay dadka deegaanka

ay cunayeen xoolahooda, iyo dhaqaalaha ay jeebkooda ka soo saareen, oo an haba yaraateen wax taageero ah, ha ahaato mid dhaqaale ama mid taageeroba aan ka helin dawlada soomaaliya ama beesha caalamkaba ay isku tashadeen oo ay ku guulaysteen ugu danbayntii inay dhidibada u taagaan maamulka khaatumo oo noqday maamulkii ugu horeeyey ee iyada oo aan siyaasiyiin shiyeeye ama dawlada soomaaliya aanay ku dhex jirin ku guulaystay inay heshiiyaan oo ay maamul loo dhan yahay dhistaan.

 

Hadaba akhristoow qoraalkaygan oo ujeedadiisu tahay inaan iftiimiyo kaalinta ay ku lahaayeen garaadada iyo oday dhaqameedka reer Khaatumo dhismaha maamulkaas, iyo siday u dhaarteen iyo inay ka soo baxeen hawlihii loo igmaday, Ayaan waxaan ku bilaabayaa ugu horeyn inay dhamaan oday dhaqameedka ama Garaada SSC ay ku dhaarteen goobtaas oo laga dhigay mid ka mid golayaashii la siiyey masuuliyada cayiman ,loona sameeyey xeer aanay dhaafi karin, mid walba markii shirkii dhamaaday la faray inuu ku noqdo jifadiisii oo uu keeno ciidan iyo xoolaba si loogu dhaqaajiyo hawlaha maamulka curdanka ah, waxaana ugu danbayntii loo saaray kitaabka gacanta oo ay ku dhaarteen inay daacad u yihiin dadka iyo deegaanka Khaatumo.

 

Waxaa akhristoow isla markiiba qaar ka mid ah ragii dhaartay oo masuuliyiinta ahaa ay u baqooleen xagaa iyo Garoowe, iyagoo fadhiistay Garoowe meeshay ku noqon lahaayeen deegaamadoodii oo ay keenan ciidna iyo xoolaba, waxaana ay isaga goosheen Garoowe iyo Gaalkacyo dhexdooda, waxayna gabeen wixii loo xil saaray.

Akhristoow, waxaa taa xigtay in dagaalo badan ka dhaceen goobo badan oo ka mid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay is fara saareen ciidamada Khaatumo iyo kuwa Somaliland, lamana maqal 3 ama 4 garaad mooyee intoodii badnayd kama hadal ama waxayba si dadban ama si toos ah ula shaqeeyeen maamulada kale, waxayna gabeen xilkoodii.

Waxa taas xigay akhristoow,in qaar ka mid ah madaxdii khaatumo ay u baqooleen xagaas iyo Garoowe,isimadii qaar ka mid ahna ay ku taageereen ama aanay ka hadalba.

Waxaa xigtay in shirkii labaad lagu dhawaaqay in lagu qabanayo mar labaad Taleex oo qaar ka mid ah Garaada ay diideen inay yimaadeen, oo ay shir doc fur ah ka fureen magaalada Boocame oo ayba diideen inay tagaan Taleex oo ay si cad u sheegeen inaanay tagayn Taleex oo shir kale la isugu yimaado,taasoo ku tusaysa inay qoorta isga duubayaan wax kasta oo talo iyo tusaale ama wanaag u ah umda Khaatumo.

 

Waxaa taa akhristoow xigtay in shir kale oo docfur ah oo lagula dagaalamayo shirkii Taleex2 lagu qabtay magaalad Sarmaanyo, oo lagu maleegay in SNM qabsato magaalada Taleex oo iyada oo shirkaasi socdo la qabaday Taleex oo aanu jirin isim ka hadlay ama dhaleeceeyey.

Waxaa taa xigtay in madaxweynihii ka hadhay ragii xilka loo dhiibay oo qaar ka mid garaadadu kaxaysteen ay weerar ku soo qaadeen ,magaalada Taleex oo ay ku laayeen dad badan oo ay xasuuq ka gaysteen, dad aad u yar baa ka hadlay xasuuqaas ama dheeleeceeyey, meeshayba qaar ka mid isimadu difaaceen maamulkaas xasuuqa gaystey,waxaana la weeray madaxweynihii khaatumo madaxweyne Indha-Sheel oo ay labada maamul si wadajir ah u soo weerareen, ma jirin isim ka hadlay ama dhaleeceeyey,meesha qaar ka mid ahi ayba taageereen.

 

 

 

 

Waxaa kaloo xusid mudan akhristoow in markii laga soo baxay Taleex ee loo soo wareegay Saaxdheer dib loo abaabulay maamulkii oo shir kale halkaas lagu qabtay oo lagu doortay madax cusub iyo maamul,waxaana shirkaas ku soo beegmay dhimashadii mid ka mid ah garaadadii ugu muhiimsanaa reer Khaatumo,waxaana ku soo biiray golaha oday dhaqameed ama garaad cusub oo la sameeyey maamuus heer sare ah . Waxaa kuwo badan oo ka mid ah garaadadii ay qaadaceen inay yimaadaan shirka Saaxdheer oo qaar fadhiisteen Garoowe, iyo meelo kale, waxaana mudo yar kadib soo weeraray Saaxdheer maamulka Somaliland oo qabsaday Saaxdheer, mana jirin Garaad ka hadlay dhiiga iyo qaxa umada reer khaatumo, ama talo kale keenay,oo arimahooda ayay iska wateen.

 

Waa taa xigtay akhristoow in loo soo wareegay Balicad oo ah magaalo taariikhda ku gashay sharaf iyo taageerada reer Khaatumo, waxaana lagu qabtay shirar badan iyo wada tashiyo badan, waxaana xasuustaa qaar ka mid ah garaadada oo ku sugnaa Dharkayngeenyo oo iyaga oo u socda Buuhoodle dhginac maray shirkaas oo u gudbay Buuhoodle, waxaana mudo kadib la qabsaday magaalada Balicad oo aan Buuhoodle sidaas uga fogayn,wxaana ka dhacay qax iyo dagaalo soo nonoqday, mana jirin isim ma Garaad ka hadlay, ama wax ficil ah ka geystey aan ka ahayn ala ha u naxariistee Garaad Abshir iyo dhowr ism oo kale.

 

Waxaa akhristoow xusid mudan in qaar ka mid ah isimadii reer Khaatumo iyagoon la tahsan bulshada reer Khaatumo ama deegaamda laga doortay ay shir lama filaan ah kula galeen madax dhaqamaeedka beelaha Isaaq khaas ahaan madaxda Hbarajeclo deegaanka Coodinle, oo aan ka xasuusto qaar ka mid Garaadada oo afkooda ka sheegay inam dhamaan dhulbahante isagu masuul ka yahay, oo ay hubka dhigaan ,wax dagaal ahna aa lala geli Karin SNM iyo maamulka Somaliland iyo Puntland, mana jirin kulankaas lala shiray madax dhaqameedka SNM oo masuul ka ahaa maamulka Siilaanyo, cidna ma dhaleecayn ama kama ficil celin, iyadoo weliba lagu bixiyey deegaan ay leeyihiin reer Khaatumo,khaas ahaan deegaanka Adhi-Boob oo aan ka fogeyn Buuhoodle.

 

Waxaa kaloo xusid mudan akhristoow in dagaalo ay ka danbeeyaan maamulka Snm ay ka dhaceen deegaanka Dharkayn Geenyo oo laba beelood oo walaalo ah ay maamulada Puntland iyo Somaliland ka danbeeyaan, waxaana gogoshaa loo saaray qaar ka mid ah garaadada waxaana, ay ku danbaysey inay hawshii soo noqoto oo inay xal keenaan iska daaye ay sii huriyeen colaadii, oo  ilaa iyo manta ay beelihii sidii hubkii isugu haystaan, oo eedo badan iyo dibin daabyo ay ku dhex wadaan beelaha walaalaha ah, taasoo aan tusaale u soo qaadan karno, inay dib u celiyeen ergadii ka timid kililka shanaad oo qaar ka mid Garaadadu ku qanciyeen inay dib ugu laabtaan oo arinta iyaga loo daayo, iyagoo ku qancinya maamulka SNM, si uu u sii joogo deegaamadaas.

Waxaa kaloo dhacday in qaar Dharkayngeenyo labadii beelood midna la yidhi hub ha la soo gelina Dharkayn midna ciidan ka amar qaata SNM loo ogolaaday in joogaan tuulada, kuwaas oo markii danbe geystey inay laayaan ergadii geela wareejinaysey, arinkaas oo loo tirinayo qaar ka mid ah garaadada.

Waxaa kaloo akhristoow dibin daabyada iyo inay qoorta isga duubaan talo kasta iyo wanaag kasta oo umada Khaatumo u soo kordha ay hor istaagaan, oo ay ku xidhan yihiin rag siyaasiyiin ah oo u shaqeeya maamulada, oo xadhig kasta oo la xidho ay u furayaan si ay u qanciyaan Masterka lacaga u soo dira.

 

Waxaa akhristoow ugu danbeeyey in qaar ka mid Garaadadaas ay waxay is qariyaanba badheedheen oo ay banaanka isa soo dhigeen,oo weliba qaar ka mid ah aan weligood afkooda laga maqal iska daa inay taageeraane maamulka Khaatumo ,xataa kala bakhaylay inay ereygaas ku dhawaaqaan ay manta markii ay maqleen in maamulkii horumar sameeyey ama wadahadlo uu la furayo maamulka dhibka bdaan geystey ee Somaliland ay is hayn waayeen oo ay afka furteen,balse haba eedeeyeen madaxweynah Khaatumee, ay si badheedh ah u aflagaadeeyeen Garaadka guud ee reer Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ku sugan degmada Saaxdheer oo aan hadal been abuur ah oo lagu soo daabcay webabka lagu sheegay inuu u dhoofay Duabi,taasoo ah arin aan wxba ka jirin, balse ay ka ilduufeen intaanay hadal in ay la xidhiidhaan Garaadka oo ay hubiyaan inuu joogo iyo in kale, taasoo aan filayo in shacabka reer khaatumo ka jawaabi doonaan si dhakhso ah.

Waxaan ku soo koobayaa reer Khaatumoo maadaamada ilaahay sidaas ka dhigay Garaadadeenii, oo isha ay ku hayaan ninka reer Khaatumo ee dhaqaaqa ama ficil ka sameeya gunimada iyo dhibka la inagu hayo, ay dagaal la gelayaan, oo ay raali ka noqonayaan oo kaliya markay isu dhiibaan cadowga reer Khaatumo.

Waxaa arinkaas tusaale kuugu filan, waxa ka dhacay shirar ay siyaasiyiin iyo dad reer Khaatumo kula galeen heshiisyo ama shirar ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Awr-Boogays iyo Yagoori, ma maqashay ala ha daayee Garaad Saleebaan mooyee nin kale oo ka hadlay.

Hadaba maadaxda Khaatumo oo ay Garaadaa had ahadlay ay siiyeen Mandate ay ku radiyaan waxa danta u ah reer Khaatumo, ayaa waxay doonayaan inay ka hor tagaan, isla markaana waxay hadalkooda u dhigayaan inay kala qaybiyaan shacabka xalaasha ah ee reer Khaatumo, si ay shilimo ama ay afduub u haystaan.

Waxaan ku soo koobayaa reer Khaatumo waa dhamaaday xiligii oday calooshii u shaqayste ahi uu ku naaxi lahaa dhiiga caruurteena ama uu hor istaagi lahaa danteena halkay ku jirto, waa inaan taageernaa madaxdeena aan dooranay ,aana sugnaa intay wadahal gelayaan, oo aan go’aan ku qaadanaa waxay inoo keenaan, iyo inaan u ducayno nimankaas cimaamadaha cascas in ilaahay inoo soo hadeeyo,.AAamiin

Khaatumo Guul iyo gubanimo.

Aragtida maqaalkan waxa ka mas’uul ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjami maayo aragtida siyaasadeed ee Warbaahinta Horufadh Media.

Qore :H. DiiriyeJaamac

Conatact:Hakiimd@hotmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=22457

Posted by on Aug 15 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM