|

Safiirka Turkey ee Soomaaliya: Basaaboor Somaliland la dhaho ma naqaano mana aqoonsanin” Somalia waxan dooneynaa inay noqoto dal xoogan oo mid ah”..

 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, isagoo kaga hadlay qaababkii dowladda Turkiga uga fal celisay isku daygii afgambiga ee fashilmay.

Amb. Olgan Bekar ayaa ugu horeyn ka warbixiyay isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga 15-kii bishan iyo qaababkii uu u abaabulnaa, isagoo tilmaamay inay ka dambeysay isku daygaas Koox argagixiso ah oo uu magaceeda ku sheegay FETO.

Safiirka Turkiga ayaa uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya tallaabada ay qaaday ee ay ku cambaareysay isku daygaas afgambi, sidoo kale waxaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen, ugana muragoodeen wixii dhacay 15-kii July.

“Waxaan dowladda Soomaaliya uga mahad celinayaa tallaabadii ay ku cambaareysay isku daygii afgambiga ee ay maleegayeen koox argagixiso oo lagu magacaabo FETO, isku daygaas wuxuu u abaabulnaa qaabab kala duwan”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.

Mar Safiirka wax laga weydiiyay sida laga yeelayo howlihii ay dalka ka heysay Hey’adda Nile Organization ee dalka laga ceyriyay waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ka wada shaqeynayaan sidii howlahii ay heysay loo sii wadi lahaa.

“Anaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay maalmaha soo socda ay soo saari doonaan xilliga dib loo furi doono Iskuuladii ay gacanta ku heysay Hey’adda Nile ee dalka laga ceyriyay, waxaana uu u cadeeyay ardaydii dhiganeysay in waxbarashadooda ay sidooda u wadan doonaan.

Amb. Olgan Bekar ayaa sheegay in Isbitaalka Deva dib loo furi doono 2-da bisha Agosto, isagoo intaa ku daray in howlihii uu hayay Isbitaalka uu halkiisa ka sii socon doono.

Waxaa uu sheegay in Bukaanadii horay ugu jiray Isbitaalka Deva ay ku wareejiyeen Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer).

Safiirka ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta Somaliland ee ku aadan inay aqoonsadeen Baasaboorkooda, maadaama ay wada hadalo u socdaan oo ku saabsan inay deegaanadooda ka ceyriyaan Hey’adda Nile ayuu sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin.

“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaararka aqoonsiga oo kale ee ID CARD, isagoo xusay in qunsuliyadooda Hargeysa ay ku bixiso Viisaha Warqad sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato dalka Turkiga, markii uu afgambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee dhiganeysay Jaamacadaha ay maamulayeen Hey’addaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay in ardaydaas aysan wax dhib ah arki doonin, isla markaana loo gudbinayo jaamacado kale oo dowladda hoos-taga.

“Jaamacadaha Gullen waa xirnay, dowladda ayaa go’aan ka gaartay, ardaydaas waa la wareejinayaa jaamacado kale ayaa loo wareejinaya wax dhib ah ma arkin doonaan, waxaa arintan si dhow ugala shaqeyneynaa Safaaradda Soomaaliya ee Ankara”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.

Shirkan jaraa’id ayaa ahaa kii u horeeyay ee uu Safiirka ku qabtay Xarunta Safaaradda Cusub ee Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho, taasoo uu bishii la soo dhaafay xariga ka jaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

DSC_0870DSC_0928

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=21503

Posted by on Jul 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Safiirka Turkey ee Soomaaliya: Basaaboor Somaliland la dhaho ma naqaano mana aqoonsanin” Somalia waxan dooneynaa inay noqoto dal xoogan oo mid ah”..”

  1. Ali

    Nin teesaro waraaq ah ku qanacsan baad tahay balse 26 Sano Ka dib Sheekadi Ma teesaro bay isku badashay kkkkkkkkk

    Warqadaha Somaliland noo keensadaan waxaan u aqoosanahay Teesaro Minashiibiyo oo qura. Waxaan ku ogaanaa summadooda iyo halka ay ka yimaadeen kol haddii aduunka intiisa kale iska ay iska soo xireen oo Burco iyo Hagaysa isku soo ururiyeen
    safiir-turkiga-1s

    Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in waraaqaha Somaliland ku sheegaan Passport ay iyagu u aqoonsan yihiin Teesao Minashiibiyo

    Source : Allsanaag

  2. iidoor liqe

    saaxiib turkey isaga kolka hore iskeenay, ee anigu maanaan calman.

    isagay faduuli keentay ee kolka horeba lamaynaan haysan ee ingiriis iyo europe ayaynu la haysanay, turkey iyo carab ba iyaga inagu saqajaamay oo ina daba yaaca,

    hadalkan waxa ka keenay kolkaanu diidnay inaan hayda nile academy diidnay inaan biduun sharci ku xukuno. dee nin cadhaysan wuxuu doono ha isaga hadlo,

    ma waxbuu turkey awal i tari jiray, ma waxbuu i siisan jiray oon ka ahayn muqdisho inuu hagaajiyo iyo inuu wadahadal ka dhexda kaga soo dhacay,

    haatana haduu sidaa u hadlay, reer yurub baan odhan turkey wadahadalkii halaga soo wareejiyo sidaas buu u hadlayaa.

  3. turkey ga kolkiisii horeba isaga islaamka iska dhex saaray oo gaalada doortay oo dan mooday.

    waxa keentay ciil iyo bahdalad kolkii loo dhameeyay.

    hadaba nin kolkiisii horeba islaam nimada ka faanay, maanta wuxuu inagaga soo noqdaan jirine, gaaladiisii dib ha ugu laabto oo yurubtiisii ha iska soo barbaryo.

    islaam kan oo isaga baxay haduu moodayo in dhayalka ugu soo laaban karo waa miduu faraha kaga guban doono.

    dadka madow iyo dadka islaamka shaqo kumay lahaynee waa kuwii yidhi yuruban cad cad baanu nahay. dee bess sida haku socdeen.

  4. Ali sxb adigu waa dawakhsan tahay
    Waliba kadhaaf badan ayaad bixinaysaa
    Ilaahay haku sahlo walaahay qoraaladaada
    Waan ka naxaa yacnii isku dhexyaac caadi ah
    Khalkhal badan ayaad bixinaysaa waxaana kugu
    Wacan ictiraafkii oo geed lagu laalay Iyo siyaasadii
    Oo la idinka soo ooday.
    Caasho keneecaa
    Yaabtay

  5. Ali

    Sxb kolkii horeba bay kaga dhegtay bal EEG qoraalkaaga waxaa Ka buuxda kolkii hore uun kkkkkkkkkkkkkkk waa sidii Fardajaan sheegay khalkhal badan baa Ka muuqda Iska naso Sxb kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  6. maskaxisaaqa waa ali gaaas dawakh san wada waalan yihiin qofka waa lan waxba lagama qora ilaa xiskii u soo noqdo

    maalinkasta dawlad bay calmadaan oo yiraahdan waa na ictiraafeen

    sida rer khaatumo bay is aqoon san lahaayeen hahady dad yihiin

  7. Abdi maratoon Darwiish

    Maqajilayaashii turkiga miyaa qaawiyey cuqubaday laqeen miyey

    Qofoceen qoon isqawedey maruun ayey qarxaaneee sandanad qaraweyn

    Oo qqaradaha lagayaqaan ayey amarkoodii qaadan waayeeneee beentii

    Ay naqudhqudhsiiyeen saw turkigu kuma qarxin qoon haday xaqa

    Qariyaan oo been iyo qaxar quutaan qaadirku maqariyo ceebta ay

    Qariya lahaayeeneee cuqubo hadaanay qaadirkay ka gelin turkigu

    Maqaawiyeeneee saacado ayey isqayaxayaaneee maalmaha sooqotoma

    Iyaga oo turkiga qoobabka qabsaday ayaan qada gabay marindoonaaa

  8. Kuwa khalkhal San Waa idinka ee inaga maahan lol

    Erayga aad Ka dhiganayso cayda Waa kolkii hore ee Waa part of Somali language hadaa Ma luuqad kalaa.

    Labadeena idinka hadalo khalkhal ah ku hadla lol
    Een maxaan yidhaa Waa ereyada uu aadka ugu celceliyo indha sheel lol

    Cali khaliif ereyadu ku celcesho waxa kamid ah ereyadan een maxaan kalaytoon idhaah.

    Kolka weedhu ceeb Ma ahan ee Ma waxaad igula doodaan baad waydeen Kolka ereygan kolkii hore ah baad moodeen ceeb Iyo cay. Lol kkkk

  9. Qariidahaye

    Hadaan Khaatumo kuu aqoonsado bil shardi adiguna Waa inaad isu aqoonsata Somaliland. Sheekadan somaliweyn na Waa inaad daaqada Ka tuurta.

    Intaad sheekada xamar ku jirto which is from xamar side rejected you
    Dee Anna ku aqoonsan maayo.

    Hadaad aayar Iska fadhiisataan ood riyadiina Hargeysa Ka doonataan armay kaaga sahlanaan lahayd intaad xamar ku jaah wareerteen Oo jawaab tiinu noqotay puntland hoos fadhiista. Puntland aan iyaduba I dhaamin kaagana sii daran, ileen inagu aanu xooga idinku mucangagsanaane wuxuun waanu qabana. Hadaad Adigu qaadato fikirkayga Somaliland guaranteed weeye inaad adna riyadaada Khaatumo heli doontid Oo xitaa warsengeli lagu hoos keeni doono.

    Laakiin nin dastuurkayga Iyo mabaadii’dayda diidan dhayal Kaa wax igaga heli maayo. Kolkay timaado sheekada somaliweyn waxba Ma dhagaysano, laakiin Kolkay timaado tabasho Dee wax waynu dhagaysana.

    Labo iga ilaali xamar baan u danaynayaa Iyo waan go’aya Ma maqli Karo labada.

    Se hadaad rabto maamul goboleed waan kuu ogolahay Horta Adigu radid tayda Oo fikirkayga Iyo dastuurkayga u hogaansan.

    Hadaad ii hogaamsami waydo Dee bess, qoloda xamar 1961 kii baanu Kala dhamaysanay. CID dambe Oo inagu soo qaadi kartaa Ma jirto waana mabnuuc.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...