|

Daawo: Baashe Ali Jaamac muxuu ka aamisan yahay jiritaanka maamulka Somaliland-VIDEO.

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal horey looga duubay Baashe Cali Jaamac oo hada Wasiirka ugu Tayada daran ugu magacaaban maamulka Somaliland ee Biyaha, Baashe ayaa markaasi wuxuu sheegayaa inayna Jirin wax la yidhaahdo Somaliland.

“Somaliland wax la yidhaahdo ma jiro, Somaliland waxay kamid tahay maamulada Faraha badan ee ka jira Soomaaliya, Xaqiiqdu waxa weeye waa Qayb kamid ah Soomaaliya, Qayb badan oo Isaaqa kamid ah ayaa Rabta inay Soomaaliya , Laakiin Hargeisa kama hadli karaan” ayuu yidhi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BAASHE CALI JAAMAC 

Sidoo kale wuxuu sheegay inaan la khasbi karan dadka aan doonayn maamulka Gooni goosadka ah “Qof aan isagu rabin inuu la go’o, uma hadli karaan, Reer Waqooyi is ogol ma Jiro, Waqooyiga waxaa jirta Khaatumo, Waxaana samaysmaya  Maakhir, waxaana Jirta Awdal.

Hadaba Baashe cali Jaamac  Goorma ayuu saxan yahay Shalay iyo Maanta ? waa kan maanta leh sanduuqyaan dhigayaa oo somaliland baa sax ah.

 

Horufadhi.com@gmail.com

BAASHE-DAAWO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=21509

Posted by on Jul 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11 Comments for “Daawo: Baashe Ali Jaamac muxuu ka aamisan yahay jiritaanka maamulka Somaliland-VIDEO.”

  1. Oday baashe Cali jaamac runta ayuu ogyahay
    Balse shacabka dhulbahante mid ayay ku xun
    Yihiin taas oo ah Ninka dhulbahante waxa uu
    Somaliland ugu galo waa marka ninkaasi uu
    Dareemo dhaqaalo xumo soo foodsaartay ayuu
    Cadowga u galaa walaahay.
    In sidaasi dhacdana waxaa ka masuul ah dadka
    Maalqabeenka ah ee dhulbahante oo iyagu siyaasigaas
    Musalafay aan waxba u dhiibin ama aan dhaqaalayn
    Qurbo joogtuna qayb ayay eeda ku leedahay ileen hadii
    Aad ninkaaga dhaqaalaysan waydo waa laga kaxaysan
    Markaas ayuu Iidoor Iyo dhabayaco qaadhanka kaniisadaha
    Reer galbeedku siiyo kula dhuuqi weelkooda.
    Calaa Iyo kuli xaal Oday baashe Cali jaamac
    Walaahay waxaa hargaysa geeyay ma aha qadiyada
    Iidoor waqaashe oo uu qaatay ee waa hunguri.
    Hadaba Maxaa la gudboon shacab waynaha dhulbahante

    Talo soo jeedin
    Oday baashe Cali jaamac
    Dib haloo soo celiyo
    Guri wayn ha looga dhiso buuhoodle
    Ama meeshii uu rabo oo ka mid ah
    Dhulka xorta ee Khaatumo state
    Noloshiisa Iyo tigidhada uu ku dhoof dhoofayo
    Meel aynu u saarno.
    WTF

  2. Oday baashe Cali jaamac mid baan odhanayaa
    Waxaan xasuusinayaa adeer baashe Cali jaamac
    Anigoo ah nin Axmed Garaad ah in (200) labo
    Boqol oo wiil oo dhulbahante ah oo u badan Axmed
    Garaad ay ku aasan yihiin Kalaashe Iyo hagoogane
    Adeer baashe Cali jaamacow kaalintii aad hawsha
    Kaga jirtay ha baneenayn ee soo noqo wax kasta
    Tolkaa Ayaa diyaar kula ah waadna naga heleysaa
    WBT

  3. Farsojaan
    Adigu hadad musalafto shiido ma is dhiibeysaa? Waxaasi wax Lala shir yimaado
    Maaha, qof Soori kaa qaaday seefi haka qaado miyey ahayd
    Maah maahdi. Mid hanyar aan qadiyad lahayn reer kasta wa u jooga waxaan
    Xasuusta niman Xasan abshir carta aaday, maxamed xaaji adan Iyo jini boqor oo wasiir salbalaar caydiid sameeyey Ka doontay magac reer iyagoo ma telaya,
    Lakin yaa sharafti ilaashay oo hunguri xumadoodi u dhabar adaygay
    Siyaasiyiin tii kale Iyo shacabkii.
    Muhiimaduse Maaha qof caade qaate ah inaa cudurdaar u samayso.

  4. Baashe goormuu saxsan yahay maanta waa haysataa asagana

  5. Anigu waxaan ka yaabaa kuwa yidhaahda siyaasiyiin nimo ayaan snm u a adnaa
    Oo waa maxay siyaasada reer khaatumo u taal snm oon ka ahayn in tuugsiga sarifkiisa ay ragga aan isaaq ahayn ay ku bahdisho snm

  6. Baashe dhaqaalaha snm laga xanibay buu ogaa hadase dhaqaalahaa wiilka geeljiraha ah iyo islaanta waabka shaaha ku karisaaba ogaade bal car waataase taano haka helo

  7. Shacabku isagaa ah quwadda hadii lala socodsiiyo xaqooda la rabo in la dhaco iyagaa kacaya

  8. Nimanka isu sameeyey sumcadda ah in ay qadiyada meel adag ka Taagan yihiin hadhowna snm aaday waa niman is yidhi shacabka Khal khal geliya oo xoogaa shacabka ku mashquuliya suaalaha ah maxaa Hebel iyo Hebel ku kalifay inay snm aadaan lkn awalba ujeedadoodu ahayd Damac dhaqaale
    Horgalada siyaasada baashe ku socday waxay snm kula gorgortameen war shacabkaan ka imi waa igu kalsoonaa markaa wax wasiir ku sheeg ka hooseeya ma rabo oo micnuhu yahay dhaqaale siyaado ah
    Haddii horgalka reer ssc uu sumcad wanaagsan ka samaysto reer ssc=in uu snm lacag badan ka helayo nimanku CV fiican bay inagu sii samaystaan inta aysan hargaysa Tegin

  9. Snm na waa rabtaa nin khaatumo meel adag kga jiray inay kasbato oo ku faanto in ay khaatumo furfurtay markaa horgalka iyo snm ba sheekada baahe waa u shaqaynaysay awal

  10. nina riyada kugu badan ee tarenku ayaanu ka tagin dhulku wa somaliland ee hadi aad jeclaysanweydo dhulka ka guur inader wakhtiga ha iska lumin

  11. Nina

    Horta adeero cali imisuu kasii hayaa 20kii milyan ee berigii ka dhacay umadda soomaaliyeed ?

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...