|

Maqaal: Shirarka Nairobi iyo xubnaha Muraayadda dadka iyo deegaamada Khaatumo dedaalkooda.

Bishan July 21keedii waxa duleedka Nairobi degmada Langata ka furmay shirweyne cilmiyeysan oo ay soo qaban qaabiyeen dadka la bido aqoonta iyo waxgaradnimada Khaatumo kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dad magac kuleh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo tan Khaatumoba, waxana dadkaas laga xusi karaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaadhsiinta Dr Abdelkareem Hassan Jaamac, Dr. Ali Isse Abdi gudoomiyaha hay’ada daraasaadka Cilmi baadhista Dhaqaalaha, nabadgelyada iyo Siyaasada ee Geeska Afrika, Wasiiru dawlihii hore ee wasarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Eng. Mahdi Maxamuud Ali Samatar, Xildhibaan Abdelrashiid Abdullaahi Mohamed oo ah gudmooyaha gudidada Gadiidka barlamaanka Soomaaliyeed,Wasiirka Warshadaha ee dawladda Jubbaland Jama Fariid, Wasiiru dawladaha arimaha federaal ee Khaatumo Abdikariim Faarah Dhaaye, Gudoomiyaha guud ee KDO Eng. Mohamed  Jebriil ,Xubnihii gudidii fulinta ee Khaatumo dhidibada u taagay ee G11 oo ay ka mid yihiin Eng, Mohamed Siciid oo IGAD hada ka socdey,  Eng. Ali X. Cigge iyo Abdelrashiid Macalim Faarax, Gudoomiyaha Jaaliyadda MN mudane C/Rashiid Xanbuuse Xeeldheere Odey aqoonyahan Abshir Awil Abdi Dhiif Ganacsade Abdelraxmaan Yuusuf Gurey{Gura-joof} , Wasiirkii hore ee Warfaafinta Khaatumo Ahmed Mohamed Hassan{A Gacmo yare},Afhayeenka Jaaliyadda Khaatumo ee Geeska Afrika Sh Abdulqaadir Ahmed Aw Ali, ahna hormuudka iyo mudanka Jaaliyadaha Khaatumo.

Xubno kale oo aqoonyahano ah oo ka socdey hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka debeda, xubno kale oo ka tirsan Jaaliyadaha Khaatumo ee dunida iyo dhamaan Raqbadii dhanka aqoonta ee deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn{Think thank}, ayaa madasha isugu yimid, waxayna ku qaadaa dhigeen ayagoon waxba ka tegin danaha noockasta leh ee ka maqan shicibka reer Khaatumo. Waxayna muujiyeen in markan ay tahay wakhtigii aqoonta iyo hogaamiyayaashu dadka hogaamin lahaayeen , lagana gudbo in dadku wada Same noqdaan, oo qofkastaa madax yahay, anaa Amir wa tan Amir, taasoo ah tan halkaas ina dhigtay, waa xiligii loo gudbi lahaa ficil go’aameed masiiri ah oo umadda lagu badbaadinayo, kuwanina waa Raggi ka saari lahaa dhiidhiga adag, isku Habsaanka, kala dhuumashada iyo u kala guureynta cadowga, waa rag noloshooda iyo jeebkoodu qoyan yahay.

Waxayna badankoodu haystaan hanti ma guuraan ah, taasoo ah aqoon ilaa heer ay ku noolaan karaan inta cimrigooda uga hadhay, maanta waxay taagan tahay halkii Geeljiruhu marka geela jilicsan ee Oomani isa soo tubo ay ugu heesi jireen,” Waa tanoo timid, Waana teenii waana tuban tahay, waana Tu irmaan”..

Arimaha yididiilada leh waa baadigoobka ay u galeen xuquuqdii mandaqadan ka maqnayd 25ka sano ee dhanka beesha caalamka, taasoo mudooyin hore lagu guulaystey bal in laga hakiyo gacmaha cadowga oo koley hadeysan gaadheyn dadkii loogu deeqay ay ku jiraan gacmaha dadka iska leh ee deeqfidiyaasha{DONORS-ka},  dhicinta Xildhibaanada iyo wakiilada beesha Khaatumo ee ay kala boobayaan labada qoys ee labada maamul ee hareeruhu kuwaasoo ah cadowga labada dhexgashayday umaddan. Nin geelisa la qaaday Aayaan darane mooyee, Orod yare lama dhehee, Ruclaha waxay u galeen inay wuxuun ka caymiyaan boobkan Baahsan ee talo, tusmo iyo tayyo waxii umadani lahaydba lagu Mooroduugey. Siyaasadu sideeduba waa Khamaar marar badan, marar kalena waa ku dhac iyo ku Dhiirasho, marar kalena waa go’aan qaadasho, marar kalena waa Rag ciil cadaab ka doorey,  Soomaali waa ta dhahda Colka Wadhaf  ma lagu deyey”, dad baa samadaas u boodi jirey hadii wada hadal afka la soo mariyo, Ilaahay mahadiise badankoodii dadkii saas odhan jirey ayagaaba Fardi fardi isugu dhiibey maamulada hareeraha.

 

Cidkastoo dadkan wax ka dhexeeyaan, ha ugu horeeyeen kuwa deegaanka ka soojeeda ee la adeegsanayo, waxii Allaah u qoray inay dadkooda dhibka uga waantoobaan bariiska ay ku bedelayaan gumeynta dadkoodana joojaan ha la soo dhaweeyo, hana la karaameeyom hana lala tashado. Waxa kaloo bogaadin mudan, in maamulka laftiisu Kubadda dhulka dhigay, dadkan ugu yeedhay inay in waxii maqani ee masiir hayaa, yimaadaan, albaabada cidkastoo wanaag iyo waxtar wada hadaleh oo nabad iyo wada noolaansho lehna balaqan yihiin, waxa dheer bogaadinta hadalkii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ee ka dhanka ahaa ,shir qoqobkii Awyrboogays iyo sida maamulku ula saftay Garaadkooda.

Ugu danbeyntii shacabka Khaatumo waa inay noqdaan dad u hogaansamo aqoontooda, siyaasiyiintooda iyo raggan waxgalka ah ee Eebe siiyey, la iskana jiraa Quuqlle aan waxna ku tarayn cadowgana asagu Darban, dadkan dusha ka marmariya burush wasakhaysan. Umaddan badbaado qaran ayey u baahan tahay, culayska ciidan, kan siyaasadeed cabudhintan sadex geesoodka ah inay ka baxaan waa laga maarmaan , waa in xal loo helaa, xalka Eebe la tala saartaa, madaxdana la maqlaa.

W/Q S Hashi Dheere

xaashi200@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=21129

Posted by on Jul 26 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maqaal: Shirarka Nairobi iyo xubnaha Muraayadda dadka iyo deegaamada Khaatumo dedaalkooda.”

  1. Kkk, Ina xaaashi dheerow ma inaga hubtaaa kk waxaan ogahay rag badan oo aaan ka daawaday shirkaa inay dad kale u adeegayaaan dunida u neceb yihiiiin Khatumo State of Somalia iyo dhulbahantoo ka xoroooba Isaaq iyo Majeerteen

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...