|

Faallo: Guulleed Garaad maamulka Somaliland waad u Quus-goyseen, Fig mar ah baase idiin Hadhay.

Inkastoo geeriyi dhacday, hadana Soomaali waxay ku maah maahdaa, Raqba waa ku Raggeeda, Guulleed Garaad waxay jilibka u aaseen Aafo Bahdil ku salaysan oo markale Dhulbahante soo foodsaartay, ayna dhigeen dhitadeeda maleeshiyaadka iyo maamulka beesha Isaaq ee cadowga ahi, kuwaasoo doonayey inay qabiilka dhan ee Dhulbahante guud ahaan , gaar ahaan beesha GG si buuxda u gumeeyaan, ayagoo ku hamiyey inay Widhwidh oo ay ku hareeraysan yihiin ku Aasaan Garaad Abshir Salaax oo ahaa hogaamiye ku taagnaa wado xaq ah oo dadkiisu raali ka yihiin.

Waxay damacsanaayeen inay damaashaad, muuqaalo, is amaan iyo iska dhaadhicin Jismiyadeed oo ay dadkan si maskaxiyan ah ugu talaalaan in Somaliland lala yahay ay ku dhigtaan Widhwidh.

Talladii deg dega ahayd ee Guulleed Garaad ku go’aansaday inay Aag bedeshaan, ayna ka faa’ideystaan Dhulka balaadhan ee Eebe ka siiyey Saamiqaybsiga Gogoshiisa Aduun, ayaa noqotay mid ay uga shaqeeyeen si dedaal leh, Midnimo leh, Gobonimo leh, waxayna si buuxda ugu guulaysteen inay amaanka madasha, maamuuska Garaadka maydkiisa, soo dhaweynta Martida iyo habkastoo gob arin kedis ah qabsatay uga dabaalato ay u xalileen, waxayna arintii shalay ay Balicad ka Suubiyeen noqotay mid ku dayasho leh.

Waxayna ahaatay Imtixaan gudda weyn, Gaado cadow iyo Gumaad sharafeed si dhab ah ay uga badbaadeen oo ay gundhada ka jareen weel xiqdi ka buuxo oo Horgalo marabi ah oo kaba daran cadowga oo sandareero sumaysan liqsan soona mutacan sida Luqmataxajarka ku noqotay dadkan mandaqadan Khaatumo Eebe siiyey, kuwaasoo ku mashahar qaata oo keliya inay dadkooda gumeeyaan. Daraasaadkii iyo natiijadii Aaska Garaadka ka soo baxday , waxay ka keeneen beeshu natiijada imtixaan ee lagu saxo tan ugu sarayso oo ah,”A+”..

Figmara ayaa hadhay!!…

Figta hadhay waa tan ugu daran, waa mida lagu xaqiijin karo mabda lagu diidey Widhwidh in lagu Aaso Garaadka, ayadoo ah magaalo lixaadleh, lagana doorbide meel loo madax banaan yahay oo Balicad ah, inkastooy Hoy gobeed tahay, karaamo leedahay balse ay tahay magaalo aan u dhigmin xaqa Balaca Widhwidh, taas hada taagan waxa weeye, in laga buuxsado cidi bedeli lahayd Garaad Abshir, Dhaxalkiisii uu hada gacanta ugu hayey umadda Khaatumo ee ah samatabixinta iyo soo celinta talada dadkan ee Duuflaaladu u iibgeeyeen magaalooyinka maamulada hareera xarumaha u ah, sidaas daradeed waa in beeshu ay tixgelisaa waxii ay ayagu horey ugu heshiiyeen 24 sano ka hor oo ahayd, in Jagadani aysan marnaba noqon dhaxaltooyo, qaabka kaliya ee ay dhaxal ku noqon karaana ay uun tahay cida u qalanta ee beesha ka soojeeda. Qaabkaas waxa aad u sameeya Beello Soomaaliyeed oo Koonfurta ah iyo beesha Ciise ee Somalia iyo Jiboutiba jooga, weligeedna lama arag Ugaas Ciise ah oo dadkiisa ay isjiid, jiidanayaan ama siyaasad intuu muuq baahiye soo fadhiisto ka hadlaya. Waxana taas sahlay qaabka loo xulay oo kolkii horeba laga fara buuxsaday.

Odayaashii arintan ka arimiyey ee sida Loya jirka Baashtuuga heshiiska taariikha ah ka gaadhay bishii March 1994, taasoo ahayd in boqortooyada Guulleed Garaad uu saldhig u yahay mid xulasho qofka u qalma ah, ee aysan noqon wax cidkastaa u soo dhiilo dhaansato, ayadoo durbaba aynu aragnay waxii laga bartay Dhaxaltooyooyinka oo kuwii ugu danbeeyey lagu Khasaaray, inaguna aynu aragno Abdinaasir oo ina Garaad Abshir ah caqligiisa iyo fekerkiisa daciifka ah, asagoo 30 sano aan dalkiisii tegin markuu maqnaana banaanka iyo Marshafyada uga ololeen jirey mar SNM marna Somaliland oo SNM u xuubsiibtay, hadana markuu soo noqday guriga Silaanyo galay ee Hargaysa, Aabihiis oo aan weli la xabaalina leh ”’Dawladda” SNM” ayaan ka tirsanahay!!., siina Dabadhigay” Aabahay wax wasiir ka fiican buu iiga tagay” oo Garaad baan ahay”, Damiirkiisuna uu siiyey asagoo Tacsi u taallo inuu sadex jeer asagoo gidaar fadhiya uu codad iyo muuqaalo iska soo duubay. Waxii rag ku heshiiyey, Rabbina Aqballo waa hergashaa!!.

Ugu Danbeyntii Midnimada, sharafta, wadajirka Guulleed Garaad maanta ku muujiyeen maamuuska Aaska Garaadka, ayna ku qaabileen Kumanaan ruux ee Soomaaliyeed, waa inaysan kolaba Liic , liicin, ayna arintu noqon deg deg iyo la kuffid ee si buuxda looga baaraan degaa, lagana buuxsadaa laguna soo celiyaa Loyya Jiirkii GG ee 1993kii oo kale, taasoo noqon karta sida kaliya ee aan lagu fashilmi doonin , hadiise taas la dhinac maro, ay adkaanayso in waxii horena la saxo, wax danbena hagaagaan.

Allow laba talaba tii roon.

S Hashi

Email:Xaashi2008@gmail.com

Horufadhi Media online

Horufadhi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=19955

Posted by on Jul 12 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Faallo: Guulleed Garaad maamulka Somaliland waad u Quus-goyseen, Fig mar ah baase idiin Hadhay.”

  1. barkadoow anaga na weydiiya anagaa jabnee anigu jaamac siyaadaan ahay iska ilaaliya horgalada bahashana dhaxalka ka daaya oo qofkii uqalma ee beeshiina ah u doorta kulana shaqeeya haduu is waalana ka qaad aoo erya oo uu shaqadiisa qabsan waayo hadii kale sidayadiiu diyaar garooba mid siigo kiciya iyo mid qaylo kiciya

  2. Horta garaad abshir ilaah ha u naxariisto barkadna waa dadaaleen waxaase hubaal ah in aanay dhibcaha ay heleen ayna ahayn +A ee ay ila tahay inay haystaan C. Sababta aan saas u leeyahay waa ma suura gelinin barkad dardaarankii garaadka ee ahaa in widhwidh lagu aaso. Tali fiican baad barkad siisay lkn ku dar inay dhuftaan gumuca waa intaas oo ay dhimanba waayaane.

  3. talisoo
    good points weeye guuleed garaad waa dad caqli fiican waa dad yaqaan nabad geliyada ilaahay ha u naxariistee garaadka waxa loogu aasay balicadna waa arin nabad geliyo waanan u duceeyey ilaahay ha horu mariyo markastana waan u duceeyaa laakiin taladaadu aad bay u xuntahay waayo waxaad leedahay rasaas qaata oo dad laaya ma yeelayaan markastana nabadgeliyada iyo mustaqbalka reerka ayay meel uga soo wada jeedaan waanay guulaysanayaan insha alaah

  4. Soomaalidu dhaqan simple ah bay leedahay matalan geerida iyo aaska si simple ah
    Bay qabuuraha u tagaan maydka aasaan ugu duceeyaan ku Kala dareeraan
    shucuubaha kale waxay sameeyaan teendhooyin dadka waajibka tacsida gudanaya
    Lagu soo dhaweeyo aaskana dad kooban baa ka qayb gala
    Hadii sida shucuubtaas ay soomalidu Wax u aasato maanta dardaarankii marxuumka in widhwidh lagu aaso Sahal bay ahaan lahayd oo inta teendho tacsiyeed laga sameeyo buuhoodle oo lagu soo dhaweeyo martida ayaa marxuumka inta salaada jinaasada lagu tukado ayaa dad yar oo koobani ku soo
    Aasi lahaayeen widh widh snm na ma heli karteen cid ay isku soo sawirto

  5. Taliso

    Waxaas soo iidoor nacayb ah waad iska ilaawai hadaad inana timotidcan tahay( xaal qaado hadaad gabadh gambo leh tahay). Mid yar oo gaaban oo hoolifle oo indhocascas oo buurdhaab kasoo degay yaanuu kuusoo diri markaasu tabco dhexaad kaala dhex boodi. Ayaamo kaddib yaannu arki talisoo le “Alla dhulbahnatoow..Haabaar alle idinku dhec..bal maxaa loo geystay waa kuwaa muminiintii habr jeclo dhiigoodii xalaaleystaye..”

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...