|

Dawladdaha Turkey iyo Russia oo Xidhiidhkoodii soo ceshanaya & Isbedelka siyaasadeed ee Turkey cayaarayo.

Ka dib markii bishii November 24keedii ee sanadkii hore {2015} diyaaradaha dagaalka ee Turkeygu dhulka soo dhigeen dayuurad Raashiyaanku lahaa, ayaa waxay dhalisay in xidhiidhkii labadaas dali gebi ahaan madoobaado, isla markaana labada dal ay qoorta isla galaan, ilaa heer ay xidhiidhkii Ganacsi, Dalxiis iyo heshiisyo kale oo caalami ahaa dhamaan hakad wada galaan, hadalo kulul oo colaadeedna ay isweydaarsanayeen.

Hase yeshee waxa arinta hada qaboojiyey Madaxweynaha Turkey Reccep Dayyib Erdogan oo warqad hambalyo iyo bogaadin ah bisha dhamaadkeedii u direy Madaxweynaha Russia Vladimir Putin taasoo ku aadenay dabaaldaga dalkaasi Raashka, warqada ayaa jawaab buuxda ay ka soo bixiyeen aqalka Kreliminka ee Ruushka looga taliyaa, waxayna dhalisay in iftiinka Cagaaran uu u baxay, waxana taas ku xigay in shalay uu Putin telefoon toos ah kula soo hadlay dhiigisa Turkey asagoo ugu horayn uga tacsiyeeyey geeridii dadkii ku dhintay qaraxii garoonka caalamiga ah ee Ataturki ee ay ku dhinteen dad ka badan 40 ruux, waxayna labada hogaamiye sheekadoodu u bedeleen inay soo celiyaan xidhiidhka labada dal.

Erdogan Putin

Jariirada hurriyet ee dalka Turkey oo soo xiganaysa xafiiska Madaxweynaha dalkaasi Erdogan ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono in xidhiidhkii la wanaajiyo isla markaana dhamaan xanibaadaha ay qaadaan labada wadan, isla markaana la dardargeliyo wada hadalo, ilaa ay kulmaan labada Madaxweyne si ka fool ka fool ah.

Siyaasada Cusub ee Turkey...

Todobaadkii hore waxa soo gebo gaboobey colaadii Turkey iyo Israel, ee ka dhalatay Markiib mucaawimadda u waday Gaza ee ay galeen ciidamada gaarka ah ee Israel, kuwaasoo diley sagaal ruux oo Turkey ah, taasina ay dhalisay inuu Turkey u jaro xadhiidhka dalkaas Yuhuuda, safiirkoodiina uu eryo , arintuna meel xun gaadhay, balse hada arintii ayaa lagu dhameeyey qaab wada hadal oo Israel waxay bixinaysaa 20 Milyan oo magadhaw ah oo qoysaskii ay helayaan, sidoo kale waxay dabcin doontaa xanibaada Gaza, waxa kaloo jira heshiis dhinaca Gaaska ah oo Turkey ay ku siinayso Israel oo mid raqiisa ka hesha Masar.

Siyaasadda cusub ee Madaxweynaha Turkey ayaa ah inuu xidhiidh wanaagsan la sameysto asxaabtii hore iyo kuwa danbe, dalalka Assia, Afrika iyo bariga dhexe marka laga reebo Massar ayuu aad ganacsigiisa ugu fafinayaa, wuxuuna aad isugu deyeyaa in Turkey ay yeeshana saaxiibo aan ahayn oo keliya NATO iyo Yurub oo uu u arko inay aad ugu cadaadaniyaan maadama uu yahay dal Muslim ah.

Wuxuu xooga saaraya inuu soo casho siyaasadii hore ee dalkaasi badhaadhaha ku gaadhay ee ahayd{Zero Problem with Foreign world Countries} , taasoo ah inaan wax cuqdad iyo xiisad ah loo hayn dalalka aduunka, Madaxweynaha dalka Turkey oo ah nin dhaqaalaha aad u yaqaan, ayaa doonaya in sanadka 2020ka dalkiisu uu kaalmaha hore ka galo dhaqaalaha iyo Tiknaloojiyadda.

Isku soo wada duubo isku soo dhawaanahan Ruushka iyo Turkey waxay labada dalba u tahay fursad qaali ah, ayadoo Ruushka ay cadaadis xoogan ku hayaan dalalka reer Galbeedku, una arkaan khatar cusub oo soo fooleh marka loo eego taariikhdii dalkaas ee Midowgii Sovietkii burburay.

S Hashi

Xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=19335

Posted by on Jun 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.