|

War deg deg ah. Somaliland oo ku Guulaysatay inay Dagaal beeleedkii Dharkeyn Geyso gudaha Laascaanood & Dhimasho ka dhacday gudaha magaalada saaka.

Magaalada Laascaanood ayaa gudaheeda waxa ku soo fidey iska hor’imaadkii labada beelood ee wada dega K/Sool, kuwaasoo dhawaanahan dirir ku dhexmaraysay deegaanka Dharkayngeenyo duleedkiisa, saaka ayaa dablay hubaysani duleedka magaalada xaafadaha Waqderi ku dileen sadex ruux oo midi haweenay tahay, kuwaasoo sida la sheegay ku siijeeday magaalada Kalabaydh, ayadoo taasina dhalisay in labada beelood dagaal toos ah iskaga hor yimaadaan gudaha Laascaanood.

Waxana xabadu soconaysay in mudo ah,ayadoo ganacsi badan la xidhay halka guryo badan oo koonfurta magaalada ahna laga barakacay, ka dib markii labada maleeshiyo beeleed magaalada gudaheeda isla soo galeen. Sidoo kale maleeshiyaad ka soojeeda kuwii dadkii saaka lagu laayey jidka ayaa weeraray Kaalinta Bootaanka, halkaasoo markii danbe ay soo gaadheen maleeshiyaadka SNM oo ayagu la wareegay gacan ku haynta Kaalinta ganacsi ee Bootaan Petroleum.

Maamulka Somaliland oo asagu colaadan si weyn u hurinaya ayaa wasiirkooda guduhu Laascaanood ka wada abaabul dhagaraysan oo ku qotoma inaysan colaadaasi istaagin dadka walaala ahina aysan heshiin, sidoo kalena aan wax fursad ah la siin waxgaradka iyo dadka Samadoonka ah.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in xaalada Laascaanood haatan kacsan tahay, ayadoo maleeshiyaad fara badan oo maamulka Somaliland ahina isku gadaameen xaafada Madareemin ee Koonfurta Laascaanood, ayagoo sheegaya inay kala dhexgalayaan labada maleeshiyo, balse dad ku sugan agagaarka xaafada ayaa soo sheegaya inay aad u doonayaan in dhibaatadu sii socoto.

Dad badan oo reer Laascaanood ah ayaa walaac weyn ka muujiyey colaada ku faaftay magaalooyinka waa weyn, ayadoo haatan xaaladu eg tahay mid Allow sahal ah,isla markaana aysan muuqan cid is dhexdhexaadnimo leh tuurta ugu ritay hawshan.

Maamulka Hargaysa oo hurinta colaadan asalkeeda lahaa, isla markaana si weyn isugu hergeynaya maleeshiyaad beeleedyadan ayaa u muuqda mid arimahan iskaga beegaya inaan asaga lagu mashquulin ayadoo maleeshiyaadkooduna ay xataa hubka iyo Rasaasta isugu dhiibayaan dhinacyada diriraya.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=19214

Posted by on Jun 28 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “War deg deg ah. Somaliland oo ku Guulaysatay inay Dagaal beeleedkii Dharkeyn Geyso gudaha Laascaanood & Dhimasho ka dhacday gudaha magaalada saaka.”

  1. Nafla caari!!!
    Punlandi usoo noqda, aan idinla talinee, aaway Qaatumo, maxay u dhecgeli waayeen.

  2. Isaaq dhulbahante fursad buu ku helay weyn

  3. Dhulbahante iyagaa meesha isdhigay!
    Laxwaliba shilalka ay isdhigtaa lagu qalaa.
    SNM iyo Puntland waxay u shuraakeeyeen dabka dhex shidida reer Taleex oo illaa maanta colaadeedu taagan tahay.
    SNM waxay maleegeen dagaalkii Xuddun oo la ogaa wixii ka dhacay haddana meesha u hadhsanayd waxay ahayd hawdka oo ay ku guuleysteen inay dab geliyaan dharkayn iyo nawaaxigeeda.
    SNM jeegaday u jiifaan mar haddii ay laba laba isugu jeediyeen meelihii ay islahaayeen armaa la`idinkaga soo duulaa.
    Odoyadii nabadda ka shaqayn jirey waxaa ka xoog batay horgalada iyo koofiyad baclayaasha oo hadda horboodaya fidnada xoogaana ku soo qaata.
    Allow naga qabooji bil ramadaan baa lagu jiraaye oo xaqqa tus dadkan dhiigga daadinaya bisha barakaysan ee ramadaan.Aaaamiiin

  4. Qayaad oo BH lascsnod dhexdeeda kula dagaalamaysa weliba toga waqadari!!!!!!!!!! weligeed tariikhda ma dhicin
    Sinaaryooga Snm waxaa weeye bahararsame ha ku mashquusho la dagaalanka beesha qayaad marka lascsnod colaadu timaadana bando snm ha ku marmarsooto
    Si ay magaalada ciidamo u dhex yimaadaan
    Beelaha lascanod degaa ha fahmeen danta isaaq ka leeyahay in lascsnod bandow gasho

  5. Qayaad iyo bahararsame waxaa leeyahay caqligu ha shaqeeyo wiilasha doobinaya ee snm qaadka ku harqisay waa in cuqaashu xakameeyaan weligiin jiraan Walaalo ah baad ahaydeen weligin uma aydaan baahan sandareero iyo horgalo siyaasadda isaaq keena degaankiina labadiinan beelood xataa xuduud isaaq lama lihidin iyo dano khaas ah isaaq iyo horgaladu yaysan idin gelin dagaal wiilashiinu ku dhintaan
    Snm na u ah mashruuc ay dhaqaale ku helayso

  6. Labada garaad we labada beelood ee dagaalamaya was in ay warbaahinta adeegsadaan ha u dhaafina in in a warn cade oo ah in a warn booloxoofto in uu warbaahinta idiom adeegsado isagoo idinka dhigaya maxas iyo maato uu u czgo juglaynayo labad garaad Haday wadajir warbaahinta u adeegsadaan snm waa shiiqayaa shirqoolkoodu labada garaad na ixtiraam wayn baa u soo hoyanaya
    Iyo iyagoo degaankooda badbaadiya

  7. Garaad buraale iyo garaad Jamaac waa in ay kulmaan oo warbaahinta adeegsadaan snm intay colaad abuurto ayay warbaahinta yimaadaan iyagoo shacabkooda is tusaya in ay sool snm ka taliso garaadadu warbaahinta ha yimaadeen iyagoo Wada socda si snm siyaasadooda at u shiiqdo

  8. taaariikh madow baa dhulbahante u qormaysa saan hadaysan wax ka badelin oo caqligu shaqeeyn is fiirsiga iyo dagaalka maantaa ka dhex socda dhulbahante waa guusha ay rabaan in isaaq ku naaloodo oo ku faano qarni dambe oo kuwa naga danbeeya loogu hanjabi doono hadaan maanta burushkaa xaarka leh ee isaaaq aan lays ka qaban

    barharsame iyo qayaad waligiii kala guuri maysaan ilaa qiyaamahan walaalo iyoxidid iyo xigtaad haaanaysaaan berin awaad heshiinaysaan eee dal doolada isaaq ka xira

  9. wakaas mid xun oo trakoomo qaba saas uga caac leeyahay dhexdiina war wax isku fala

  10. Dhareerka iska duwa isaaq lahaaninee
    Meeday dawladdii khaatumo ???
    Mise cali dagaalka frontuu kaga jiraa….. kkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Umadi inay dulowdo marxalado kala duwan ayay soo martaa,waxaa ugu horeeya in laaluushka la qaato oo la caadeysto cuniddiisa,waxaa ku xiga in laga tanaasulo Sharaftii,karaamadii iyo mustaqbalkii umadi lahayd iyadoo lagu bedelanayo xoogaa shilimaad ah marka ugu dambaysana waxay gaadhaa in aadan laba walaalahaa oo is-haya aadan kala dhicin Karin,u kala xaqsoori Karin amaba u garnaqi karin saasoy tahayna cimaamaddii laguu saaray wanaagga iyo horumarka umadda,islaaxinta iyo qabashada kii gardarro ku socda dushaaday saran tahay oo ma ogolid in dib lagaaga xayuubiyo sow may ahayn haddaadan xilkaas culus gudan garin in aad cimaamadda lagugu sharfay ama aaminay inaad iska casishid ood tidhaahdid cid kale hala saaro.wali ma dhicin wayse fiicnaan lahayd.
    Siyaasiyiintu shaqadoodii ayay haystaan tan hadda socotaa waa ka dillaaliddii dhiigga umadda waxaase isweydiin leh meeye odoyadii koofiyaha dhaadheeraa ee umaddan hogaamiye dhaqameedka u ahaa?
    mise bisha Ramadan fasaxbay ku maqan yihiin?

  12. من حفر حفرة لأخيه وقع فيها

  13. Dhulbahante ma duloobin waa umad cisi iyo sharaf Leh dhibka jiraa waa umada iyo degaanka oo darxumo ragaadsatay wakhti dheer durufahaas dartoodna ay soo bexeen kooxo danaystayaal ah oo ogol in snm isticmaasho oo degaanka ay ka kiraysato

  14. nina
    suaal dhulbahante waad sheegtay inuu yahay dad wanaagsan anaa furaya inuu dhulbahante gob yahay dad sharafleh yahay aniga kula hadlayana dhinacooda laygama mari karo balse maxaa keena dhibaatada soo noqnoqota?
    umad hadii daacad laga waayo way rogmataa waa kow
    umad hadii madaxdu ka xumaato iyana way rogmataa laba
    umad haduu u taliyo mid tiisaba daryeeli waaya iyana kadaalik
    hadaba waxaan arkay wax wanaagsan oo aan indhahayga ku arkaayo oo xumaan dadka loogu sheego adiga laftaadu ka mid baad tahay kuwa massage ka khaldan u gudbiya dadka horufadhi baad comments ka bixisaa maqaaladiisa waana wada been iyo colaad horseede khaladka wax maku leedahay nina hada u fiirso erayada aan kuleeyahay mase is waydiisay halkee wax ka khaldanyihiin inyar aan kuu baaciyee waxa lagaga gubi karaa dhibta
    1 in ilaahay loo noqdo 2 in caadifada laga fogaado 3 in waxa saxan la qaato waxa khaldana laga hadlo ama la diido 4 in ayaamaha la noolyahay aan wakhtiga layskaga lumin anaga sidaa ahaan jirnay ee lagu lumiyo waxaad if iyo aakhiraba intifaacsatid 5 in nin dhiiga dadka ku raadiya magac meel looga soo wada jeesto 6 in wararka beenta ah laga feejignaado weliba waxaan arkay in inbadan warar beena dad lagu dagaal geliyo waana wax waaqiciya isku soo wada duuboo dardaarankaygu waa ayaamaha aan biriijka ka gudbayno waa aduunkee inuu qofkastaaba ku maro wanaag si uu dhaxalkiisa aakhiro u helo inuu ilaahay ku manaysto janooyinkiisa macaan wabilaahi tawfiiq

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...