|

Qormo: Fiqishini Gacantu ii Qaban mayso!!.

Waxa aadamuhu isla oggolyahay in hawl kasta oo la qabanayo ay Siyaasad huwantahay. Waxa kale oo ka murankeeda laga shiidaad baxay in hirgelinta qorshe walba dhaqaaluhu u yahay dhiig aan la’aantiis la shaqayn karin. Si aan labadaas baahiyood ee Siyaasada iyo Dhaqaalaha madasha ku saabsan uga baxo ayaa aan buraashadayda u biyaystay.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa aan socdaal ku teggay deegaanka Bali-barwaaqo ee duleedka Adhicadeeye. Inkasta oo aanan ka mid ahayn dadka lagu casuumay kasoo qayb galka Caleemo-saar deegaankaas ka dhacayay, hada na Baahi kale ayaa i gaysay oo ah xaqiiqo raadin.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa war baa ugu gaajo kulule, gaadhigii aan la socday markii aan ka deggay ayaa aan garaacay Bahda Warbaahinta Gobolka oo kaadhkii Aqoonsiga banaanka iigu keentay.

Habqan ayaa xiligaas muuqday oo ujeedadii kulanku ma aysan bilaabmin. Waxa aan in cabbaar ah ku sugnaa dibadda anniga oo diidanaa in aan hoolka galo iyada oo aan khudbadaha aan dhuuxayaa bilaabmin. Markii xidhiidhiyihii uu sheegay in Suldaankii la caleemo saarayay soo gelayo ayaa aan isku dayay in aan gudaha galo.

Goobtii ugu horaysay ee laga gelayay Askartii taagnayd, waa ay iga hor joogsadeen in aan gudaha u gudbo. Waxa ay ii tilmaameen afaaf kale oo aan sidaas uga durugsanayn. Askartii afaafka hore fadhiday markii aan kaadhkii u taaggay na waa ay diideen in aan galo. Waxa ay sidii kuwii hore ii tilmaameen Afaafkii markii hore ba la iga soo diray.

Inta qoslay ayaa aan idhi war geli maysid gudaha in aad dhahdaan miyaa aad awoodi waydeen. Mid ka mid ah Askartii meesha fadhiday ee RRU-da ahayd ayaa ba qori ii cabbaystay kolkaas ayaa aan ku idhi adiga oo aan xiniinyo aad ku rido lahayn xabad qoriga lama geliyo, waana ka dhaqaaqay.

Qof dumar ah oo meesha taagnayd ayaa aan anniga iyo inan i weheliyay ba kaadhadhkii Warbaahinta ku wareejinay. Nasiib wanaag 5 daqiiqo gudaheed ayaa aan sanka ka keennay xogtii aan u imi oo gaajadii warku iga ba’day. Xidhiidhiyihii ayaa yeedhiyay Magacyada Marti sharafta madasha ku sugan. Waxa ka dhex muuqday Siyaasiyiin aan magacyadooda gartay iyo Isimo kuwo deegaanka ahi ku jiraan oo aan aragtidoodu caddayn. Waqti iska ma lumine dib ayaa aan Laascaanood ugu soo laabtay.

Beesha Fiqishinni iyo Suldaankooda Cusub ba waxa ay wax la qabaan dadka deegaanka iyo Madax-dhaqameedkooda. Masuuliyadda saaran Isimada deegaankeenna ayaa saaran Isimka cusub. Wixii dhaliil ah waxa ay ula midyihiin Isimada Soomaaliyeed iyo kuweenna oo Siyaasadii ku dhex milmay.

Anniga oo ixtiraamaya Suldaanka Cusub iyo Beesha Fiqishinni ba, isla markaa na cuskanaya xeerkii Soomaaliyeed ee odhan jiray ” Gacantu ii qaban mayso ” ma jecli in aan wax u sheego sida aan wax u oggahay. Waxa aan ka dheregsanahay in dad badan oo Beesha Fiqishinni ah ay uga lexejeclo badanyihiin deegaanka iyo shacabka ba kuwo badan oo reer Sool ah.

Abwaan/Saaxiib Cabdi Jibaar Aadan Gaas oo kasoo jeeda Beesha Fiqishinni ee Suldaanka Caleemo-saaratay ayaa 18 bishan May isoo gaadhsiiyay Gabay uu ugu magac daray ” Dhinaceeye “. Waxa uu yidhi:

Dhinacyeeye 18/05/016
———- Cabdijabaar Aadan Gaas——
Waxaan gabaygan u hibaynayaa Dhamaan Mujaahidiintii Dhimatay
Kuwa Maanta Taagan iyo Kuwa Qadiyadda
Xoriyadooda lagu ciilay iyo Qaranimadooda Xaqa
iyo Xalaasha ah ——————

1:Sidii Laan dhalaal iyo mullaax laga
dhanbaalaayo
2:Ama dhiilawyahan geed ka baxay laga dhalaagaayo
3:Ama saac dhulkii uu ka baxay dharab la boobaayo
4:Hadii gabayga dheeg lagu dilo iyo dheehashiyo feenad
5:Dhedig iyo laboodkuba haday wada dhishaan kayga
6:Oo ereygi aan soo dhahaba dhabarka loo jeedin
7:Sow inaan dhengedo qaato iyo dhebi cas kii maaha
8:Sumaddii dhanbaal iyo ku tiil dhaayin haleheena
9:Dadka kale haday wada dhigteen waa dhib uun yimiye
10:Abwaanimadan lagu dhololayee dhoonguhuna sheegtay
11:Abwaanimadan dhooskiyo qorteen dhoonbirkii jirayba
12:Sow inaan dhab ugu muujiyaa waajib dhigan maaha
13:Dhudhubihiyo kaymihi dhulkii xoolo laga dhaarshey
14:Seeraha la dheereeyay iyo ooda lagu dhaabay
15:Dhaldhalaal magaalana la rabo dhoofna daba joogo
16:Beritana kudaafado dhanbacan lagaga dhuuyaali
17:Reer magaale waa dhoohanyahay dhuuni baa diliye
18:Sow dhaqanki xooliyo dhamaan sawrac kuma dhaafin
19:Umad waliba dhaxalkeeda waa dhidib adkaysaaye
20:Haduu awrku dheeliyo rarkaa dhinac ka saaraaye
21:Dhaqankeenu Diintuu ahaa dhuuxa hoos jira’e
22:Ma maantaa dhalaankii ka tagay dhoofka laga siistay
23:Warqad aan dhamaanayn miyaa lagaga dhuuyaalay
24:Ma Dhafooradaa diiran iyo dhinacyo hayl haylan
25:Qaranimadu waa dhuux la shubay dhiigiyoon gudhine
26:Dheel dheel ma uu galo marnaba dhibicda duushaaye
27:Isagoo sidii Dhoolka da’ay Dhibicdi aad moodo
28Isagoo Dhudhubihii rogmaday gaal ku dhiciwaayay
29:Taariikhdu way dhigantihiyo dhiiladii hore’e
30:Dhiiqada xinjirihii ahaa dhaaley baa garane
31:Dhimashadii Daraawiishta iyo Dhaawicii shalayba
32:Dhoobadii madoobayd ma tegin dheelkii haradhiige
33:Dhudhubuhuna may liqin waqood waa dhantaca jiifa
34:Dhinbiilihina may damin wallee raadki baa dhigane
35:Soomaalinimo loo dhintiyo Dhaawac kale mooje
36:Dhiigayga oon iibiyaa wayga dhaar xilo’e
37:Land Land ta ila dhaafa iyo dhololo’odii maanta

Qalinkii: Aadan Jaamac Oogle

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=17353

Posted by on May 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Qormo: Fiqishini Gacantu ii Qaban mayso!!.”

  1. Aadan waad istaahishaa in dhulkaaga lagu ceelo oo manta hawiye iyo iidoor sidaas kuu galaan soma;idu waxay ku maah maahdaa bahdi ka carrae bahal ayaa cidla ku cuna dhulbahante iyagaa shilalka is dhigay oo tolkood ka caray.

  2. Iiddoor iyo fiqishini baa irridda kaa celiyey adoo dhulkaaga jooga , gunnimmo in taa ka badan eed sugaysaan, dhulbahantow maxey tahay.

    Soo in Mujaahid Galaydh la taageero maaha iiddoorna la weeraro maaha oo ceebtan layska maydhaa maaha.

  3. Waa siyaasad khatara oo ku walkman istiraatijiyad ladoonayo in dhulka dhulbshante la hawiyeeyo la isaaqeeyo walaahay Waa arin xamar inn hargaysa Isla ogyihiin laakiin damiinka dhulbahante er lagu dulshaxayo mafahmin War hooy fiqishini cagta hadhigo

  4. War galaydh aan taageero wixii damiir leh qorigooda haqaateen beri waxaad maqli doontaan fiqishini oo leh laascaanood anagaa leh siyaasada khaatumo waxay kusoo ururtay qoriga weji kasta Waa soo xirmay

  5. Faqashini waa reer yar dadka ladega, haday isim samaysanayaana looma diidana lkn, damdamtan beesha isaaq inayso kaxaystaan iyaga foolxumo kutahay. Dadka deegaankan iskaleh snm maaha manataageersana. Magaalada adhicadeeyana waa magaalo dhulbahante cidkalana lamalaha, lkn faqashi waxbayka degaan.

  6. Axmed Nuur Walacle

    mudane qora waad mahasantahay,mahada kadib horta hadal kaaga dhaliil aad reer fiqishini aad u qarineeysoh ayaa kujirta,ninkii garanayah ee waxaan kuleeyah fiqishini dhulka waa kulaleeyah martina adiga kaagama ah iyo cid kulamidah ee waxaad lahadashaa kuwa qaatumo isteet intay qoorta kaxireen geeyey suuqa hargeeysa kuwaasoo adiga dhalyo kuuxigah waayoh waano gurigaaga ayaa lagabilaaba,

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...