|

Faah Faahin: Dadkii loo heystay Qarixii Diyaaraddii Daallo oo Xukunno kala duwan lagu Ridday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno isugu jira Sannado iyo xabsi daa’in ku xukuntay dadkii loo heystay Qaraxii Diyaaraddii Daallo ee dhacay 2-dii bishii Febraayo ee sanadkan.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo muddooyinkan waday dhageysiga dacwada loo heystay illaa 15 ruux oo lagu soo eedeeyay inay wax ka abaabuleen qaraxa diyaaradda Daallo ayaa soo gaba gabeysay 24-kii bishan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in C/wali Maxamuud Macow oo ahaa Madaxii Amniga Hey’adda Saadaasha Hawada ee garoonka diyaaradaha, isla markaana uu ka soo muuqday Kaamirada qarsoon ee Garoonka uu ahaa ninkii fududeeyay weerarka.

Waxaa uu sheegay in C/wali Maxamuud Macow lagu xukumay xabsi daa’in, halka Carees Xaashi Cabdi oo ka maqnaa Maxkamadda oo ahaa gacantii koowaad ee weerarka Diyaaradda Daallo soo abaabulay, isna lagu xukumay Xabsi daa’in.

“C/wali Maxamed Macow oo u fududeeyay  in Laptop la soo geliyay waxyaabaha qarxa, C/salaam C/llaahi Boorleh inuu isku qarxiyo diyaaradda Daallo oo ay saarnaayeen 84 ruux, waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, Maxkamadda waxay ku xukuntay xabsi daa’in, sidoo kale Maxkamadda waxay xabsi daa’in ku xukuntay Carees Xaashi Cabdi oo maqan, kaasoo ahaa gacantii koowaad ee soo abaabushay weerarkaas, isla markaana maal geliyay”ayuu yiri G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ayaa sheegay in sideed ruux kale oo lagu soo eedeeyay inay wax ka fududeeyeen qaraxii diyaaradda Daallo lagu xukumay xabsi u dhaxeeya afar sano illaa lix bil.

Maxkamadda ayaa min afar sano  oo xabsi ah ku xukuntay Abashir Maxamed Macalin Axmed iyo Safiyo C/llaahi Xasan Cali.

Waxaa kaloo Maxkamadda ay min hal sano xukuntay Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxiyadiin Xuseen Qoobey iyo Maxamed Cabdi Cilm.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay Bashiir C/llaahi Xirsi, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Dahir Shiikhow.

Maxkamadda ayaa sii deysay shan ruux kale oo lagu waayay wax dambi ah, waxaana lagu kala magacaabaa  Cumar Macallin Calasow, Cali Maxamed Maxamuud C/raxmaan, C/llaahi C/qaadir Abukar, Ismaaciil Maxamed Xirsi iyo  Faarax Khaliif Cali Maxamed.

Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines oo 2-dii bishii Febraayo Muqdisho ka qaaday 84 ruux oo rakaabka diyaaradda Turkish Airlines ahaa, kuwaasoo ku soo jeeday dalka Jabuuti, Diyaaradda Daallo ayaa si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, markii qarax uu ka dhex dhacay diyaaradda, xilli ay mareysay hawada degmada Balcad, waxaana diyaarada ay soo caga dhigatay, iyadoo uu dhinac ka duleelay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=17318

Posted by on May 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...