|

Bangiyada KCB iyo CBA oo xarumo ka furanaya Soomaaliya

Labada bangi ee ka mid ah 12ka bangi ee lacagaha laga amaahsado caalamka ayaa doonaya in ay laamo ku yeeshaan dalka Soomaaliya iyagoo codsiyo u soo gudbiya dowada Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Cali.

Guddoomiyaha bangiga dhex ee Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Ganacsiga Kenya KCB iyo Bangiga Ganacsiga Africa (CBA) ay doonayaan in xarumo ka furtaan Soomaaliya inkastoo wadanku uu wajahayo  labo sano oo aysan awood u lahayn in ay fasaxdo bangiyo cusub si ay u xasiliso habka dhaqaalaha iyo maaliyada dalka.

“Bangiyo kale oo khaliijka xarumo ku leh ayaa sidoo kale doonaya inay laamo ku yeeshaan,laakiin waxaan ka feejiganahay in bangi uu xarun ka furto kadibna lacago urursado oo kadibna la waayo,”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha bangiga dhexe.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka howlgala illaa lix bangi kuwaasoo si caadi ah howlahooda ay u socdaan. Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay jimcihii aynu ka soo gudubnay lacag dhan 2.5malyan oo dollar.

Inkastoo bangiga dhexe ee Soomaaliya uu haatan ka howlgalo dalka Soomaaliya ayaa hase ahaatee shillinka soomaaliga waxa uu noqday mid ku soo haray 1000 shillin waxaana haatan si xoog leh dalka ugaga shaqeeya lacagta dollarka Maraykanka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=17315

Posted by on May 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...