|

Maqaal:Madaxweyne Geelle Hogaamiye ku haboon hogaanka dalkiisa & Isku hayayaha midnimada Soomaaliyeed,WQ. S Hashi.

Dalka Jamhuuriyadda Djibouti waxa ka soconaya ololaha doorashada madaxtinimada iyo tan guud ayaa ololaheedii ku jira Gabagabadii ugu danbeysay, shacabka Jabuuti waxay qaadanayaan Go’aamadii ugu danbeeyey ee ay ku kala dooran lahaayeen inay qaataan midka horusocodka ah ee hayaanka dheer ee uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelleh ka soo dhaqaajiyey dalka god hoose, asagoo haatan ka dhigay dal quwadaha caalamku ku loolamaan maalgashigiisa iyo inay ku yeeshaan Baro ay salka dhigtaan.

Madaxweyne Ismaaciil iyo xisbigiisa UMP waxay muujiyeen karti, daacadnimo, wadaniyad iyo dan guud oo dadka Soomaaliyeed meelkastooy joogaanba abaal iyo lib ugu hayaan, indheergaradka Soomaaliweyn waxaysan ilaawi doonin abaalka Nafta iyo Maalka leh ee uu Mudane Geelle Soomaali duldhigay, ka soo bilow shirkii Carta, ku xeji dedaalkii Mgathi, Hiilka quweynta iyo xoojinta Afka hooyo ee Soomaaliga oo uu xil guud iyo mid gaar ahaaneedba iska saaray Madaxweyne Geelle iyo ilaa uu dhiig ahaan duldhigay oo boqolaal Militaryga dalkiisa ah u soo direy Soomaaliya si ay ugu hiiliyaan ugu Gurmadaan uga qayb qaataan nabad soo celinta Soomaaliya mideysan oo xoogan.

HALKAN KA DAAWO JACAYLKA LOO QABO MADAXWEYNE GEELLEH…

Madaxweynuhu dalkiisa Jabuuti oo ah dal yar, oo ku yaala gobol xasarad iyo xurguf badan wuxuu ka badbaadiyey asagoo Allaah kaashanaya inuu noqdo xero dhiig, oo 39kii sano ee uu dalkaasi jirey rubuceedii uu hogaanka hayey ka dhigay mid lagu hirto, Shacabka Jabuuti waa inaysan go’aankoodii hore bedelin, guushana aysan gacantooda iskaga sii deyn, dalkiina maanta in Maraykanka, Japan, China , Sacuudi Careebiya, Canada iyo dalkastoo maanta qanimo iyo aqoon horumar ka gaadhay u soo hanqal taago inuu saldhig iyo bar ay ka degaan ka yeeshaan,  Maalgashadaan, mashaariic keenaan, Balanqaayo deeq waxbarasho iyo mid tamareedba sameeyaan, maaha mid iska timid ee waa dedaalka, Khibradda iyo daacadnimada wadanyadda leh ee Mas’uulkiina iyo xisbigiisa taladda haya.

Hogaamiye /Al-madaxweyne Gelleh.

Hogaamiye /Al-madaxweyne Gelleh.

Hogaamiye /Al-madaxweyne Gelleh.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa, mudho Gun ku jira kuwa Geed saaran looma daadiyo, waxad haysatidna wuxuu ka fiican yahay waxaadan hubin, nimaan taqaanidna Yaad tahay lama dhaho, Ismaaciil Cumar Geelleh waa wadani khibradiisa karti hogaamiyeed ku Ladhsaday, waa ruux Jabuuti iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee ku xeeranba u qumiyey, waa halyeey hogaamin kara Qaaradda oo dhan . Wuxu ka mid yahay hogaamiyayaasha ma hadhooyinka guulleeysan gaadhsiiyey dalalkooda ee farakitiriska ah. Waa Hogaamiye mudan in qofkastaa oo Soomaaliyeed ku faanno, kuna daydaan kuwa kale ee dhigiisa ahi.

Soomaali ahaan ilaawi mayno inuu yahay tiirarka ilaaliya midnimada Soomaaliya, nin diidey in dalkan la kala jaro, ma ilaawi doono qudbadihiisii fagaarayaasha caalamka sida Q,M, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD iyo Ururka Islaamka ee uu mid walba meel adag iska tagay midnimada iyo nabad iyo xal u helidda dalka Soomaaliya. Qof meel dhaw wax ka Eegaya, iskuna mashquulinaya inuu Madaxweyne Geelle u suubiyo daldaloolo aan jirin waa waxii hoday ee burburiyey halkaana dhigay Soomaali.

Waxan ku Gabagabeyn lahaa, Shacabka Jabuuti nasiib aan Soomaalida walaalihiin ah, dalalka kale ee idinku xeeran ee Geesku helin oo yeelan baad hesheen, Biyo sacabadaada lagaga dhergaa, Madaxweyne Geelleh Jabuuti wuxuu ugu jiraa halkii uu Malaysia ugu jirey ugagana yaalay Ra’iisal wasaarihoodii Mahatiir Mohamed oo 21 sano xukumayey, maalintii xilka uu ka degayeyna Barlamaan, Xukuumad ilaa shacab ay ilmeeyeen,  anagu hadaanu Soomaali nahay, anagaa naqaan hogaamiye xun oo KMG ah, midaan la isakaba hubin oo aan deg deg ku dooraney,  waa ta Soomaali haysata.

Guul ayaan u rajeynayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelleh, shacabka iyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuutiba, waxaan ku kalsoonahay shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti inay yaqaanaan, Ogyihiin, kartida iyo hadafka Barwaaqeynta dalkooda ee Madaxweynaha iyo xisbigiisa UMP ay u hiigsanayaan horeyna ugu Rareen dalkooda.

W/Q

S Hashi Dheere

Email:Xaashi2008@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=14396

Posted by on Apr 5 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...