|

Faalo kooban oo ku saabsan Taleex iyo waayihii khaatumo state (Qalin kii Maxamed khaatumo)

FAALO KOOBAN OO KU SAABSAN TALEEX IYO WAAYIHII KHAATUMO IYO HADA

Sanadkii 2011 ayey ahayd markii magalada taariikhiga ee Taleex marti gelisay shirweynihii khaatumo labo (two) kaasoo isagu yimaadeen beelaha dhulbahante iyo dadka deriska la shirka ayaa lagu soo dhisay maamul goboleedka soomaaliyeed khaatumo ee ku midaysanyihiin dadka reer SSC.
Ujeedaydu ma ahayn inaan idinka sheekeeyo khaatumo iyo qaabkii loo dhisay aan u soo laabto ciwaanka taleex iyo khaatumo
Taleex khaatumo ka faa,iiday dhinaca siyaasada dhaqaalaha ganacsiga adeegyada bulshada iyo horumarka magaalada
SIYAASADA
Markaan ka hadlayno faa,iidooyinka siyaasaded ee ay taleex ka heshay gogoshii khaatumo waa ay badan, tan iyo intii la dhigay taleex gogoshii shirkii khaatumo labo ama lagu aasaasay maamulka khaatumo magaalada taleex waxay ku talaabsatay guulo waaweyn oo dhanka siyaasada waxayna noqotay meel ay il gaara ku hayaan beesha calaamka dowlada federaalka soomaaliya maamulada dalka ka jira iyo weliba cidkastoo danaysa arrimaha soomaaliya.
Waxa sidoo kale hami gaara yeeshay taariikhda magaaladaasi oo muadadii burburka soomaali badani ama dayartu aanay war badan ka hayn. Taleex waxay sii xoogaysay dareenka wadanimo ee dalka iyo dadka reer ssc kuwaasoo hore maamulo kale u kala sheegan jireen sidoo kalena beesha caalamka soomaalida u sheegay in gobolada SSC yihiin dhul lagu muransanyahay ( dispute area ).
Taleex waxay daaqada saartay riwaayadii iyo madaadaladii ay ku hayeen maamulada hareeruhu dadka reer KHAATUMO waxayna horseed u noqotay halganka gobanimo doonka shacabka ssc ay ku doonayaan inay dalkoodu ku maamushaan kana baxaan madadaaladii loo jili jirey.
Guulaha gobanimo ee ay Taleex hogaanka u haysay maaha kuwo aan halkan lagu soo koobi karo ama hal maqaal iyo wixii la mida waana xasuus mudan in markasta dib loo milicsado qofkastoo reer khaatumo ahna maankiyo laabta ku hayo.

GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
Mudadii ay taleex ahayd caasimada maamulka khaatumo waxay gaadhay horumarka dhanka dhaqaalaha waxana magaaladu samaysay kor u kac dhaqaalaha iyo ganacisga tusaale ahaan magaalada waxa laga dhisay goobo farabadan oo ganacsi sida meherado hoteelo dukaamo carwooyin iwm waxana laga dareemi jirey mashquul xaga shaqada ah.
Si kastaba ahaatee waxa mudadii taleex ay ahayd caasimada maamulka khaatumo samaysay horumar ay kula tartami kartoo magaalooyinka kale ee maamulada dalka caasimadaha u ah sida hargeysa garoowe kismaanyo iyo weliba caasimada dalka ee muqdisho.
GANACSIGA TALEEX BIXITAANKII KHAATUMO KA DIB
Tan iyo markii 2014 maamulka khaatumo u wareegay deegaanada howd ee gobolada sool iyo cayn fadhina kumeel gaadhana ka dhigtay magaalooyinka saaxdheer balicad iyo buuhoodle laga dareemaya magaalada taleex hoos u dhac dhanka dhaqalaha iyo ganacsiga ah mar aan booqasho ku tegey bilowgii 2015 isla markaana aan indha indhayn kormeer aan ugu kuur galayo dhaqaalaha magaalada ayaa waxa ii muuqday hoos u dhaca dhaqaale ee ay taleex wajahday tan iyo intii khaatumo ka baxday.
Qaarka mida ganacsada reer taleex oo aan kala sheekaystay xaalada ganacsi ee magaalada ayaa ii xaqiijiyey inay saameyn balaadhanku yeelatay ka bixitaankii khaatumo waxayna indhahaygu qabanayeen goobo xiligii khaatumo aad u camirnaa oo qarka u saaran inay xidhmaan jiritaankooduna ahaa mid liiqliiqanaya inkastoo hadana lay sheegay inay qaarkood xidhmeen oo aynay soo gaadhin2016ka
Isku wada duubo magaalada taleex ayaa khaatumo ka heshay faa,iido aad u farabadan taasoo keentay in mudo yar gudaheeda magaaladu gaadho heer sare oo dhaqaale

ADEEGYADA BULSHADA IYO HORUMARKA MAGAALADA
Maamulka khaatumo ayaa magaalada taleex ka sameeyey horumar la taaban karo oo adeegyada bulshada tusaale ahaan maamulka khaatumo ayaa taleex ka dhisay garoon diyaaradeed 2012kii kaasoo fududeeyey isku socodka magaalada taleex iyo daafaha caalamka, waxana meesha ka baxay dhibaatadii dhinaca duulimaaddka ahayd ee ka jirtay guud ahan deegaaanada khaatumo waxa sidoo kale garoonka looga baxay dhibaato weyn madaxda masuuliyiinta khaatumo kala kulmi jireen garoonada maamulada khaatumo deriska la ah.
Maamulka khaatumo ayaa horumar taabo gala ka sameeyey waxbarashada iyo caafimaadka guud ahaan deegaanada maamulkaasi gaar ahaana magaalada taleex maamulka ayaa dib u dhis ku sameeye goobo farabadan oo ku yaala magaalada taleex sida xarumaha degmada iyo qaybta tbda ee dhakhtarka taleex wuxuu maamulku kor u qaaday tayada waxbarasho ee caasimada taleex.
Intaa aan kor ku soo xusay iyo in kabadan oo malaha xasuustayda hada maqan ayaa maamulka khaatumo ka qabtay magaalada taariikhiga taleex.
INTAAN QORAALKAN QORAAL LA MIDA DIB UGU KULMI DOONO WAA ANOO MAXAMED KHAATUMO AH OO IDIN LEH KULAN DANBOO XIISO LEH
QALINKA MAXAMED JAAMAC CALI ( KHAATUMO)

12910110_1012925148784837_362859006_n

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=14068

Posted by on Mar 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...