|

Daawo-Documentary :Waa kuma ninka Codadka Madaxda Khaatumo duuba ee u Gudbiya maamulka & webebka Isaaq?+Codad sir ah oo la gudbiiyey-SAWIRO.

Waxa buuxdhaafiyey Emailada iyo facebookyada warbaahinta xalaasha ah ee Khatumo weydiimo fara badan oo dadku ku doonayaan inay ogaadaan cod laga duubay shir lagaga tashanayey cadowga dhulkeena haysta ee Somaliland, kaasoo qodobada laga hadlayey ahaayeen kuwii ugu xaasaasi sanaa ee dad ka wada hadli karaayo  taasoo ku saabsan in ciidan la dhiso, lana helo dhaqaalihiisa, shirka waxa fadhiyey madaxweynaha Wasiirada Gudaha, Aminiga, Debeda iyo dhamaan muraayadii reer Khaatumo. Goobtu waa Buuhoodle xaajaduna waa sidii adhaxda looga jabin lahaa Isaaq iyo maleeshiyaadkooda, waxa telefoon Smart phone ah hoos dhigay dadkii nin naftiisa ku sheegay halgame Kornayl balse ah basaas cadowga Somaliland wakiil uga ahaa xog raadinta Buuhoodle iyo Khaatumo.

Ninkan waxa lagu magacaabaa Bashiir Maxamed Xirsi Khaalid oo London dadkii u dagaagay ka mid ahaa, sidoo kale si qarsoodi ah in badan u dhexboodayey halgamadii Khaatumo inkastoo marwalba laga ilaalinayey inuu lug ku yeesho masiirka iyo kulamada Muhiimka ah, ka dib markii la ogaaday inuu xidhiidh dhaw la lee yahay maamulka SNM gaar ahaan Xaglatoosiye oo uu u yahay ninka Boodhi gaadhka u noqda marka uu London ka tago, sidoo kalena dhawaan odayaal ay u keeneen Madaxweyne Galaydh ay ugu sheegeen in loo doonayo in ciidamada Khaatumo qayb ahaan madax looga dhigo, balse warbaahinta cadowga ee beesha Isaaq iyo kuwa Basaasiinta ahi ku tilmaameen inuu yahay Taliye ciidan taasoo been abuur ah.

Ninkan ayaa dood lagaga doodayey ciidamo sidii loo dhisi lahaa telefoonkiisa hoos dhigay madaxda iyo wasiiradda, wuxuuna codkii ka iibiyey sida la sheegay sirdoonka maamulka Somaliland gaar ahaan wasaarada gudaha ee ina Warancadde taasoo ayaduna u sii gudbisay warbaahintooda sida idinka muuqata shorscreenkan aan ka soo qaadnay.

sirta cadowga

Cidkastaa waa garanaysaa in ninka codka duubayaa yahay Basaas Bashiir, xataa qofka aan aqoonta saxafadeed iyo mihnadda duubisteeda aqoon ayaa garanaayo, codkiisa ayaa waadic ah oo aad ugu dhaw ayadoo laga garanayo inuu jebkiisa ku jir telefoonku ama horyaalo, halka Madaxweyne Galaydhna uu ka fog yahay hadalkiisu iyo wasiiradda kale.

HALKAN KA DAAWO HADALKA UU CADOWGA SIIYEY OO QAYB KA MID AH AY WARBAAHINTOODA GELIYEEN …

Basaasnimadan , damiir xumada iyo dhaqanka xun ee ninkaasi sameeyey ayaa ahaa mid in badan lagu aafeeyey shacabka reer Khaatumo oo xogtooda inta la duubay shirarkooda iyo madaxda oo kulmaysa loo la’aa cid si rasmi ah uga danbeysay balse arintan ayaa soo dhaweynaysa in markii ugu horaysay la ogaaday Laf dhabarta ninka codka u gudbiya cadowga iyo dhaqamada kale ayadoo aad looga shakisanaa dad kale oo aan shaqo ku lahayn.

Sidoo kale hadalka Madaxweynaha oo la jarjaray ayaa laga soo qaatay qaybtii doodu ku bilaabatay ee ahayd waxii ciidan loo dhisi waayey, ayadoo hadalka Madaxweynaha loo ekaysiinayo inana Khaatumo waxba haysan bakhtiguna xalaasha u yahay, taasoo lagu bah dilayo Dhulbahante gebi ahaantiis, sidoo kale ninka codka duubanayaa oo aad u qaylinaya hadalkana boobaya ayaa aflagaado weyn u gaystay madaxweynihii hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo uu ku tilmaamay in xabadda oo socota oo hubkii iyo rasaastii ka xidhay Buuhoodle, ayadoo makhraati ma doonto ay ahayd Madaxweyne Indhasheel ku dhaawacmay oo naftiisa xataa geeyey jiida hore ee dagaalka ayadoo xabadu sida roobka u daadanayso, markaasna ninkan basaaska ahi marshaf qaad oo London ku yaala ugu khidmeenayey cadowga Isaaq.

basaas Bashiir

Hadaad maqli jirtey dhagar qabe dhulkaa u dhaq dhaqaaqa, waa kanoo kale, ayadoo la isku ogaa in codka ay SNM uun ka faa’ideysato ayuu Basaas Bashiir arkay ayadoo warbaahintooda ay siiyeen, wuxuuna judhiiba u yeedhay warbaahinta wuuna is hayn waayey, asagoo xog ogaal iska dhigaya ayuu muuqaalkan oo afartan daqiiqo ah iska soo duubay, waxaase hubaal inuusan meelaba ka soo gelin waxii halgan ahaa ee aan ahayn shaqadiisan hada soo shaac baxday.

HALKAN KA DAAWO ASAGOO IS DAAD RAACINAYA BEEN, IYO EEDEYNA SHUBAYA…..

Hadalkiisan uu guud ahana halgankii been kaga sheegayo, hadana waxa u dheer sida uu u doonayo sidii Khaatumo u burburi lahayd, isla markaana wuxuu aad isugu dayaya inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nin aan siyaasi ahayn balse hada la ogaaday inuu yahay basaas dhaba. Luqada ugu badan ee hada uu ku hadlayo ayaa laga dhadhansanayaa inay tahay hadalkii Saleebaan Xaglatoosiye oo u meershey, asagoo marna madaxweyne Galaydh ku Eedeynaya dagaal ayuu iclaamiyey marna leh dagaal lama doonayo.

Sida ay sheegeen goobjoogayaashii shirkan hada uu duubay arimaha uu bixiyey waxay kala kiciyeen duulaamo culus oo lagu waxyeeleyn lahaa cadowga ayadoo codadka qaybta ay la hadhay Somaliland ay ka buuxeen wadatashiyadii fadhigaas lagu gaadhay ee ku saabsanaa Widhwidh dagaal lagu qaadi lahaa iyo goobo kale oo dhanka Gambadhe ah, ayadoo codka ninkaasi gudbiyey ay dhabar jab ku noqdeen Khaatumo, khatarna hada ay geliyeen mas’uuliyiin naftooda hawlgalo ku jirey oo wasiiro ka mid ahaayeen oo ninkaasi xogtooda bixiyey, sidoo kalena ciidamada ku dhufoo ka dhaqaaqda ka wada Aagaga cadowgu fadhiyo uu dhamaantood xogtooda siiyey cadowga sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Khaatumo.  Adeerkii ina Xirsi Ducaalle Khaalid waa Abaandullaaha maleeshiyaadka Somaliland, waxaana ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan.

Isku soo wada duubo hadaan ninkan si deg deg ah Maxkamad loo soo taagin, ayaa waxa imaan doonta in danbiile kasta oo danbu qaran galaa uu iska dhex mushaaxo Buuhoodle.

La soco qaybta labaad ee ninka taariikhdiisa, inta hawlgal ee uu xogtooda dhiibey, dagaaladii lagu jabay qaarkood oo la tuhusan yahay iyo badhitaan warbaahinta Khaatumo qaaday oo huffan.

Hamse Maxamed Cabdi

wya2007@hotmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=14110

Posted by on Mar 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Daawo-Documentary :Waa kuma ninka Codadka Madaxda Khaatumo duuba ee u Gudbiya maamulka & webebka Isaaq?+Codad sir ah oo la gudbiiyey-SAWIRO.”

  1. Xamse waad ku saameeyshay, yacnii si hufan baad u akhriday – ishaad ka riday, wuxuu ka mid yahay kuwa takooran ee loo yaqaan adaa wax arkee usha ii qabo. Waa caado qaate, bal wuxuu la shir yimi qaad siiya ciidanka. Duf ku bax dhaha isaga iyo cadaw u adeegyada.

    • basaaskan xun awelba puntlander buu ahaa iminkana waa somalilander waayo adeerkii aabihii la dhashay baa ciidamada somaliland amaanduule ka ah
      aabihiina intuuna kursigii saado cali ee dhagaraysnaa ku fadhiisan puntland buu ahaa iyo xitaa hooyadii waxa madaxtooyada iyo meesha madaxweynuhu fadhiyo geeyey baaba faduul ah. waagii indhosheel marba meesha reercamey horgaladooda iyo hoosgaladood wax ku qoraan ee kalshaalenews buu ka caytami jirey haduu naf leeyahay qurbaha buu kasoo shaqaysan lahaa inuu isagoo dhaqan celis ah madaxweynaha caayo oo lacag isii ku maago waa u ceeb. wixii qurbuhu soo habaaraan ee waxqabsan waayaa sidaas bay u waashaan

  2. WALEE WAA YAAB MANAGA WALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYA BAAN MAQLI JIIRAY NINKAN SIR REER KHAATUMO MAA FIIKIN LAAKIN ISGA IS BAHA DIILAY WAYO MARKAD CADOW KU NOQOTID DADKAG WAXAD OGATA INAD CADOWKU TAHAY NAAFTADA CIIDANKA KHATUMO EE JOOGA NUUGASH KEELIYA GADHAYA ILAA SHAN KUN O WEELIBA KAMAN DOOS U BADAN MARKA ISKA HADLOW NIN DHUNI RACAH waa heesti horgalada https://www.youtube.com/watch?v=Jd6dK1rJ0WQ

  3. Adeer Dhulbahante Kun caada’qaate aa ku jira,codbaa la duubay iyo sirbaa la faafiyeyna waxba tarimayso,Kan hadhka galay ciidanka cadawga ah usoo horkacaya Buuhoodle,Xaartoosiye maa wax laga qabto? Mise hadal un baynu wadnaa!?

  4. Kan jaajuuska ah ma one time use buu u ahaa Snm maxay u kashifeen taas micneheedu waa in jaajuusyo kale oo badan ay Snm haysato hadda ka dib shirarka banaan cad ha ku galeen khaatumo Guryaha ka fogaada dadka shirka imanayana ha la baadho

  5. Awalba anagu horaan u sheegnay inuu ninkaa odayga ahi wuxuu wadaa uuna waxba ahayn markaa kab iyo xaarkeedaba waa la isla tuuraaye iska erya waxan oo niman tolkood puntland ku dhex jiraa ahaydeen sidiinii hore ahaada khaatumadan iyo waxanaan khayrka lahayna iska erya nimanka boqol nin maanta ku meersysanaya

  6. Sir baa Khalad laga fahmay . In Cadowga Dagaal lala Galo waa mid cad hadey tahay Hada Iyo bariba .

  7. kkkkkk dadkan wax ukala qarsoon baaban jirin meeshana intan la dhegaystay iyadoon cidna dhegaysan baa waxay ahayd wax lawada ogyahay dadku wa ehel walaalo habrawadaag ilmaabti walaahay waxa jira qadaro yar yar baa lagu ogaada taas marka wax wayn yaan laga dhigin ta labaad sirdoonki khatumee faraha dhuudhuubnaa meeye kkkkkk iyo ciidamadi sida raha u boodi jiray kkkkk waa ruwaayad aan duugoobayn qosol waynaa

  8. Wixii jaajuusa yeelkadood anigu maba qabo inuu jaajuus ahaa hadiiba aynoqoto hadalka mihiim ka ah ee meesha ku jiraa waa in khaatumo ayan ciidanba u baahnay cali khalifna isagaaba qiranaya yeynaan ku warwareegin sir baa lagakiyey ninkaas odaga ahna runbuu sheegay maxay tahay 80 ciidaka ah eelaysku haystaa waayaab kumanaan baa lasugayaye

    • galbeedi
      Adiga ninkan iyo khaatumo waxba lagaa weydiin maayo e,Iidoor ma hargeysaawi iyo galbeedi ayay la wada baxeen?

  9. Duligan awelba la tuhunsanaa asaga uun ayaa banaanka isa soo dhigaye wax sir ah oo khaatumo uga gudbiyey cadawgeeda ma jiro. Mid ayaase xaqiiqa inta cadawga daakhiliga ah dhulbahante jifada uu kasoo jeedo maganteeda dhibka uu ku hayo danta guud ee dhulbahante kaga shaqaynayo oon denbiga uu umadiisa ka galo maxkamad lagu soo taagayn waxa uuna shaki ku jirin in khaatumo wax qabadkeedu u ragaadayo xoraynta degaanadeeduna inagu dheeraanayo.

  10. Cagey kkkkkkk

    Wixii caadifad ah waa xagaaga anigu ilaah ima qarin nin reer lacanod ahna waa ahay weligeyna dad kale guryahood kama
    shaqayn xaasha laakin waxaan jirin yeynaan isugu sheegay maamulka khatumo iyagaa dadka lugaha haya una adeegaa maamulada qaarkood hadaad shaqsi taageersan tahay aday kuutaalaa Cageyow anigu waxaan sheegay inaan 80 nin iyo wax udhowtoona waxba tarayn ee dadka yaan lawaalin calina hadaanu waxba wadikarayn dib hagu dooceliyo isimada iyo dadka raba inay dhulkooda xoraystaan

  11. Wadadacley sir baa lagudbiyey hees baa la mariyey
    Hebelbaa gabyey warkuwan meesha waxku qorqora meesha ma caruurbaa
    Wax loogu xarxariiqaa tolow kani
    Jaajuus maaha cali khalif baa jaajuus ah
    Saa tuulo yuu dowlad ka sameeyey muu jamhad
    Halganta oo caasimada gacanta
    Ku soo celisa ka shaqeeyo haduu
    Dhulbahante rabo cadowgiina iyo
    U don’t know khaatumo magac dhulbahante maha
    Waa kelmad bilaa burji ah odaygaa
    Galaydh talo xumaa yaa nala soo doontey

  12. Wadadacley sir baa lagudbiyey hees baa la mariyey
    Hebelbaa gabyey warkuwan meesha waxku qorqora meesha ma caruurbaa
    Wax loogu xarxariiqaa tolow kani
    Jaajuus maaha cali khalif baa jaajuus ah
    Saa tuulo yuu dowlad ka sameeyey muu jamhad
    Halganta oo caasimada gacanta
    Ku soo celisa ka shaqeeyo haduu
    Dhulbahante rabo cadowgiina iyo
    U don’t know khaatumo magac dhulbahante maha
    Waa kelmad bilaa burji ah odaygaa
    Galaydh talo xumaa yaa nala soo doontey duqaan

  13. idoorow ama soqata galbeedi ama muumin walahay bayan ujiirin waxad yeeli kartan reer khaatumo iyo madaxdod

  14. Anigu horaan u idhi haddaan burco la weerarin oo kun wiil oo iiddoor ah la laynin sheekadu waa iska huuhaa.
    Difaaca ugu fiican waa weerarka, haddii kale balli hebel iyo karin hebel baa la difaacayaa, wayska sheeka baralay.
    Haddaan burciyo berbera xanuunka dareemin wuxu wayska riwaayad

  15. Xamdi walee nooca durbaanka loo garaca tahay
    Isaq iyo mj toona ma ihi riwaayadu waa na daashatay
    Lacagta wasiirada iyo madaxweynaha lagu dhisayo
    Maa laaska lagu xoreeyo cali caayi maayo lnk walee
    Aqoontiisa qasaaruu ka taaganyahay ama dhulbahante
    Yuu ku dibin daabyeynayaa

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...