|

Beelaha waa weyn ee Buuhoodle oo ka biyo diidey gudiyo la sheegay inay wataan qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka magaaladu.

Magaalada Buuhoodle oo dhawaan ay gaadheen qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka deegaanada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegeen inay dhisayaan gudi ayaga ka amar qaata oo beelaha deegaanka ka mid ah, waxana gudidaas lagu daray ama la sheegay inay soo magacaabayaan xubno aad ugu dhega nugul maamulka Hargaysa kuwaasoo dhawaan isku cimaamadaymagaca ”Cuqaal” hadana loo bixiyey ”Cudhaah” ayagoo inta badan si juujuub ah ku haysta magacaas balse aan cidiba u magacaabin.

Beelaha ugu tunka weyn magaalada Buuhoodle ayaa iska diidey inay hoos tagaan xubno ay u arkaan gacan ku rimis, waxayna sheegeen inay waxii talo ah la wadagayaan maamulka Khaatumo oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha iyo wasiiradiisa si kan Arimaha gudaha, golaha deegaanka, dadka shacabka iyo waxgaradkaoo ciidamadu u yihiin hormuud dhanka difaaca.

Dadka gudidadan diidan ayaa sheegay inay xubnaha madaxdhaqameedka oo deegaanka ka maqnaa aysan cidna kala tashan isla markaana dadkay hormuudka uga dhigeen ay yihiin kuwa aan cidna masalin xidhiidhna la leh maamulada hareeraha ee cadowga ah.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=13708

Posted by on Mar 25 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...