|

Madaxweyne Galaydh oo ku laabtay Buuhoodle iyo hawlo adag oo uu soo qabtay.

Madaxweynaha aya safaro shaqo ku tegay magaalooyinka Dandan, Xamarlaguxidh, Balicad , Dharkayn iyo Saaxdheer, asagoo halkaas ka soo sameeyey wacyigelino iyo abaabul xoogan oo uu ugu baaqay shacabka reer Khaatumo inay adkaystaan nabadgalayada una diyaar garoobaan xoreynta dalkooda iyo deegaamadood.

Madaxweynaha oo caawa gaadhay magaalada xarunta G/Cayn ah ee Buuhoodle ayaa sidoo kale qarameeyey ciidamo beleedyo ku kala sugnaa dhamaan Agaga uu tegay. Madaxweynaha ayaa wada isku shaandheynt iyo kala habeyn ciidamada oo loo kala saarayo kuwa beeleed iyo kuwa qaran.

Waxana haatan uu madaxweynuhu ku guulaystay inuu dhiso sadex madax oo ciidamo ah kuwaasoo kala jira Nugaal, Hawd iyo Koonfurta gobolka Sool, waxayna dhamaantood hada isku diyaarinayaan sidii ay awaamiir madaxweyne u fulin lahaayeen, ayadoo si rasmi ah looga gudbay qaabkii is dhexyaaca iyo maleeshiyo beleednimada ahaa.

Madaxweynaha oo aan nasan maalmihii u danbeeyey ayaa xoogiisa isugu geeyey sidii ciidanka la isugu dhafi lahaa, taasoo guul kama danbeysa laga gaadhay hada.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=13652

Posted by on Mar 23 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Madaxweyne Galaydh oo ku laabtay Buuhoodle iyo hawlo adag oo uu soo qabtay.”

  1. Waar galaydh iyo caliyo lahayninee odaygan daandaanka ah insga daaya oo madaxwayne ku xigeenka camey la shaqeeya oo amaana marwalba isagaa wax idin tarayee waa iga talo

  2. Hagar
    Labo midkee tahay 1- kuwa hanbada bah halanbash ku nool? 2- bah halanbash lafteeda?
    Mid aad tahayba naf kuguma ogi.

  3. Nin hagar aadana ayaan ahay laakiin ma ceebaa hafaan tolkay jeclaado

  4. Odaygan yaa maruun M/wayne ka dhiga … kkkkkkkkkk
    Kursi jacaylka intaa le’egi waa xanuun xaqiiqdii odaygu in cashar la saaruu u baahanyahay.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...