|

Taariikhdii Daraawiisheed ee uu Soo gabagabeeyey S Hashi Dheere?

TAARIIKHDII DARAAWIISH OO UU DHAWAAN SOO GEBAGEBEEYAY SALMAAN XASHI-DHEERE

ilaa hadda Soomaali badan baa ku muransan, muxuu ahaa nuxurka iyo ujeedadii  Darawiish.

  1. Ma urur diimeed?
  2. Ma urur gobanimo-doon?
  3. Mise sida Ingriis ku tilmaami jiray koox isu bahaystay dhac iyo dil oo uu hogaaminayo nin xukun jacayl madax-maray?
  4. Muxuu halgankii Daraawiish u so af-jarmay?
  5. Dagaalkii Daraawiish iyo Ingriis, labada kee afka-goostay oo guuldaro la sii tukubay?
  6. Sayidka ma SUN LOO WALAAQAY baa dishay, mise DUUMO?

Urur dimeed buu ahaa: waqtigii uu madaxa la soo kacay halgankii Daraawiishtu wuxuu ku soo beegmay amin loo diyaargaroobayay tan maanta socota:  In si jixinjix la’aan ah GAALO iyo cawaankeed Muslin u cidhib tiraan. Warqadii ugu horaysay ee uu Ingriis u qoro 1899 ayuu ku muujiyay dagaal DIINEED in uu laabta ku hayo:

 

“you have oppressed our ancient religion without cause. If you want war, we accept it.” (Waxaad si sabab la’aan ah u cadaadinaysaa waa DIINTAYADA guunka ah. Dagaaldoon hadaad tahay, anaguna ma diidanin.)

 

Dawr gaal ayaa si cadaaladi ku jirto uga marag-kacay asaaska halgankiisu in uu yahay JIHAAD DIINI ah. Nin la odhan jiray Kabtan Summers ayaa cadeeyay :

 

“Hassan established a great reputation   as a religious leader”. (Xasan, waa Sayidka, Wuxuu abuuray Cizo Qiimoweynleh asagoo ahaa Hogaamiye diimeed – .)

 

Sidoo kale frenji la odhan jiray Henry F. Prevost-Battersby ayaa si sax ah qalinka ugu  jiiday:

 

“Hassan seemed inspired by a genuine passion for the faith,” which led him to “rebuke the easy going Somali Islamism”(Waxay u muuqataa in xamaaska Sayidku salka ku hayo KALGACAL CAQIIDEED dhab  ah oo ka dhirifsan Somalidu sida ay Islaamnimada u fududaysanayso.)

 

Waxaa kale oo markhaati ah meerisyadii dhextaalka uu ahaa gabayada Sayid Maxamed.

  • Eeeboow waxay nagu galeen DIINTA soo gala e’
  • Waryaa DIINTA Eebiyo sharciga dirirayoo raacay
  • DIINTAYDA anigaan ku gadan dabaqii nareed
  • Anigoo ISLAAM ah kuwii ii arxami waayay
  • War soow darajo AAKHIRO waxaa loo digriyi ma aha

Sidoo kale ereyadii gaarka ahaa ee marka dagaal loo dareerayo  DUUBCADU isugu baaqi jirtay.

  • Aaboow na JIHAADI, JANNAANU rabnaaye
  • JANNA DAGATAY
  • GAALO qudhunlay, qiiq ma kaa KAray… …………………………………………….

Haa. Wuxuu ahaa urur gobanimodoon. Waa ururkii ugu horeeyay ee waqti aan cidi isticmaar soo hadalqaadi Karin, gumaysiga ula badheedhay,”ISTICMAAROOW dooraweyne; DALKA MA LIHID.”

“DOODNA WAXAAN U LEEYAHAY, CULIMADA DAFAARKA.                                                    WAR DALKABA IDIINKAA ISKA LEH EE DAWLAD MAAD U NOQOTAAN.”

Intii uusan dhex muquuran dagaalkii 20 sano soconayay ee lagu hoobtay, ayuu war cad dhiibay: KUFAAR diinleh  ayaa dalkayga weerar qawan kaga soo qaaday carri fog. Waxay rabaan inay dooriyaan DIINTAYADA/ Yoolkayagu waa in aanu dalka ka safayna KUFAARTA.

 

“Unbelieving men of religion have assaulted

our country from their remote homelands. They wish to corrupt our

religion. Our aim is to cleanse the land of unbelievers.” Muxuu ka wadaa              ” Unbelieving men of religion” waa dad aan rumaysnayn diinta maseexiga ee ay haystaan

Waa dhab. Sannadihii dambe Dhac iyo dil way u xuubsiibatay markii Ingriis kalsooni-daro ka dhex abuuray Soomaalidii iyo Daraawiish. Markii Ingriis hub isugu dhiibay Somalida  isagana dhex baxay. Markaasaa warmuhu dhiig ka hiraabteen. Ha yeeshee marna Sayidku qawl iyo ficil kuma muujin in uu boqortooyo samaysi u-xusul – duubayo.

 

20 sano,dagaal ah waxaa ku qudhbaxay 200,000 oo Somali, Ingriis, Yamyam iyo Qadaad weyn (Hindi, Soodaan, Afrikaan.)

 

Maxaa soo afjaray halgankaa 20 ka sano aan mar la damin holaca ku baxay Gumeystaha Ingris. Awood aan lagu xisaabtamin ayaa Gumeystuhu la soo mudh-baxay – waa coomaadayaal dulaya. Haddii Daraawiish ku xisaabtanto in wax samada wax ka dila la samayndoon, ma ay dhisteen Qalcado bar-tilmaameed noqon kara.

 

Ingriis dagaalka ma ku guulaystay. Maya ee waxaa ku dhacay JAC IYO BAARUUD.  Waa dagaalkii ugu dh eeraa ee uu ka dhamaan waayo koox yar oo dhaqaale dheeri, hub casri, is-gaadhsiin iyo taakulayn midna haysan. Ingriis waa ku caydhoobay oo ku ceeboobay. Rag badan oo qadhadhayti ahna waa ku waayay.

 

Halganka diyaarad ma soo gebegebayseen. Laba sababood baa loo aanayn karaa dhaqdhaaqa istaagay.

 

  • Intaan weerarka cirku bilaabmin. Khal iyo khilaaf badan oo Daraawiish dhexdeed, Daraawiish iyo Shacabka la kala dhex dhigay.
  • Diyaaradaha oo loo malaynayo in ay adeegsadeen hubka GEERMIGA oo Hitler qaylo dheer ku sheegay in dagaalkii 1aad ciidamadii Garmalka aan looga tudhin.
  • Sayidka oo dhimashadiisii hoos u dhigtay hankii iyo higsigii gobanimo ee Daraawiishta.

Dhimashada Sayidku waxa ay sababsataa mudan in lagu talax-tago. Ingriisku waxaa caado ahayd in uu furuq, fanto, jabti iyo xabad ku firdhiyo bulshooyinka uu sahansaday in uu dhulalkooda la wareego. Waa sida uu ku tirtiray Hindidii Guduudnayd iyo ‘Aborigine’ kii Ustralia. Shakhsiyaad uu halyaynimo ku tuhumo oo SUNTA ugu halisaysan ee loo yaqaan ARZnEC in yar in yar ugu qarin jiray. Tusaale: Weeraryahan Naabooliyoon Bonabart (Napoleon Bonaparte). Sidee lagu gartay sunta la liqsiiyay. Maydkiisaa, safar dheer kadib, la dhex dhigay Fransa. Maydkii ma qudhmin, waayo? Sun baa  ku laaqnayd jidhkiisa oo aan ku hakanayn jeermiskana.

 

MUCJISO.Sidoo kale, Sayidka oo xabaal laga soo qufay dhimashadiisa mudo kadib, waxaa loo tegay jidhkiisii oo aan xubin kaliyi ka maqnayn. Ragii xabaashay faagay oo aan la kulmay, waxay sheegeen in ay moodeen in uu nool yahay. Markii ay la hadleena jawaab ka waayeen. Amuuskiisiina ku hubsadeen in aan nafi ku jirin.

 

 

to create a large-scale

organization that surmounted clan politics.5…………………..Richard Corfield of the Somali Camel Constabulary believed Hassan

was a mere cattle thief. Corfield wrote in letters written in June

and July 1910 that after the Governor-General of Sudan, Sir Reginald

Wingate, left Somaliland after his consultative trip to find a solution

to the issue of Hassan, his…………………………….. While his movement was small in scale compared to

other resistance movements in the Empire, such as the Boers, Hassan’s

successful military leadership and organization confounded British

attempts to destroy his movement until his switch to fixed

……………….British officials and commentators, however removed or close to

Hassan’s movement, could not fail to be aware of the religious character

of his struggle. Captain Summers, who served in Somaliland, said

Hassan “established a great reputation as a religious leader……………….Angus Hamilton’s account added

a further layer of British understanding. He emphasized the effect of

the hajj on Hassan, who returned from Mecca “with the intention of

reviving the religious spirit of his people” through his jihadist movement.

15 This places Hassan in the conceptual framework of a “returning

hajji” whose spiritual and intellectual experiences inspired his motivation

for beginning a militant Islamic movement against

of Somalis.

While this was seen as a primary motivation for Hassan’s jihad, it was

apparently inevitable that this preaching would clash with……………………..

……………….

 

Barre A Hassan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=12287

Posted by on Mar 1 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...