|

Maqaal: Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe”’.

Markay diido midnimada, markeey doonto Tafaraaruqa Markeey diido inay tashato, markeey iska durkiyaan inay Is hogaamiyaan, markeey diidaan inay ismaamulaan, markeey jeclaato inay hogaansamaan, markeey doonaan Hayinimada reeraha kale, markey ka caarido gobonimada, markeey u dhutiyaan Gunimada, marka ka xiga cadow Kud iyo Kaare dil loo arko, marka loo kala fakado shisheeyaha, markeey ku ururto Juffo , Juffo iyo reer hebel ku xumee, markeey gaadho isku xaniinyo weynaan dhexdooda, ah iyo u Dhufnaanaan cadowga ah, waxay tagaysaa in ninkaastaa hungureeyo  qabiilkasta oo taariikhdiisa la ogaana u soo humaag doonto inuu hanto hanti dhuleedka iyo tan masiireed ee deegaanka iyo Khayraadka. Cali Dhuux Aadan oo ka tegay Muquuno aan anigu isleeyahay wuxuuba ka hadlayey Dhulbahantaha hada jooga ase u u meershey duul kale oo markaas halka hada aan joogno maraayay”’Ogaaden Hadhuuudhkiyo sidii hilibka loo boobye,
Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe ,
Nimankaan harraadkiyo aqoon hawdka maristiisa
Kulay habar Jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane
Haweenkuna hadday doonayaan inay hidiidaane””

Tan maanta Dixin ka taagan waa mid ka qotodheer taas wakhtigaas oo ku siney dhul daaqisimeed tanise waa dhaxal wareejin, waa ka qaybgal waxay u arkaan inay Dumaalaan dhulka Dhulbahante oo hada ay isku sharaxayaan inay qaataan qaybtooda, gaar ahaan Ciise Maxamuud inuu ka agdhawaado Baloogyada saliida lagu xanto  si hadhawto sadkoodu uusan muran iyo Jaq jaq midna uga gelin, waa masiir wareejin ilaalaysan oo ku qotonta waxa aad hada ku fekeraysid ee qalbiga ku haysid, waa wax hada aanan halkan anigu xataa ku qori karin oo taxan boqolka Sano ee soo socda Dhito ay doonayaan inay weel ugu shubaan wiilashadooda Mustaqbalka soo socda dhalan doona.

Waxa muuqata Baylahnimo weyn oo hadhaysan duulka ku abtirsada SSC , waxa laga biliiqayastay taladii,  waxii u hadhayna waxa loo dhiibtey adeegayaal u firfircoon maamulada hareeraha, oo Koofiyaddo loo xidhay, habeena Garoowe ku tamash leeya, habeen kalena Zaadka lagaga soo xuzo Hargaysa iyo reero Muskood. Qaarkoodna ayagoo taladii dadkooda Marti u ah ayeeyba Qardho joogaan, ”’waar maxaa dadkan dhibaato haysata!!, ninka Hogaamiye dhaqameedka ah, ee Garaadka ama Ugaaska ama waxaad doontaba ugu yeedhe, Qardho u doontay talada reerkiisii, Dhulkiisana la boobayaayo” Yaa ka liita” Haa waxa ka liita ka talada iyo cimaamada uu u hayo, ee u arka Rasuul soo daahirey hadaad agmartana Budhka iyo Tooreyda kugula soo haadaya.

Waxa la joogaa Gabaabis aysan garan karin indheer gaabku, ayse fahmi karaan indheer garadku, waxa la joogaa wakhtigii cid walba Aarsan lahayd, ayadoo Isaaq horey u aarsaday Dhul iyo Dhiigba Dhulbahante ka Aarsaday tabashadii sadexda boqo iyo sideedanka sano ay la dabaheetinayeen.

Faroole wuxuu ku yidhi Dr Ali Ciise Cabdi mar uu weydiiyey ”’ Waar dadkan maxaaad ka rabtaa oo u dhibaateeynaysaa” Afcad wuxuu ugu jawaabay” Adeer ma inaan Ilig Dal dala iyo Ciise sii soco ka samirney baad mooday”’?? Waa Aarsi Asaasaqay waxay nagu asteeyeen, Urugu fogoo fadhida Aramadii hoose”, Waxaase la jooga wakhtigii nin walba Majarafadda Darsan lahaa, intuu uu helana goosan lahaa, waxanse la yaabanahay Sacad iyo Saleebaan goorteey saamigooda u imaanayaan!!..

Tan hadaan laga dhiidhiyin, Dhulka maqan hadaan la xoreysan, kan hada la boobayana la daafacayn dadka ha loo baneeyo ha ku Laydhsadeen hawadaas qaboow inteey helayaan Ceeleeye u qoda macdanta iyo saxiixyo Xamar ka yimaada oo sharciyeysan.

S Hashi Dheere

Xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=12238

Posted by on Feb 29 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Maqaal: Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe”’.”

  1. saleebaan iska dheere

    dee qor jawaabtii adeerkaa lagu yidhi ee ahaa
    humbanidan ogadeen intaad soo hadhgelinayso
    caynaba hadhuub kama dartaan hogo kaliileede
    ka huleele hagar aadankii hoobalayn jiray
    nimankii hawada weyn lahaa haatan lagu leef
    kun haddaad helaysiyo barbaar halabsatoo
    mar uunbaad u heensayn lahayd hawl yaraan subaxe
    waa taad haween nagu xustaye had maku cunsiiyey
    dabadeedne hoogiyo ba iyo ciil mala huleeshay.
    HUU HAADA IYO FAANKA WAA ISKA HIDA RAACDEENE
    haddaba hadduu majeerteen kuu sheegay in habarjeloba dhengedeeda ad ogoshahay kkkkkkkk waa runtood kkkkkkkkkk

  2. Balatax hada idinka la idiinma jeedee laakiin nacasnimdu yaynan kaa muuqan.

  3. War Dee arintu sidaas Ma aha nimankii Hassan Ugaas way xanaaqeen oo Dee wayba dhaafeen Tuuladii Garoowe hada waxayba u dhow yihiin Tuuladii Faroole ku dhashay ee Dangoroyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Qaswade Faroole Isna saaka waxaa Lagu sheegay inuu Ka sii gudbayey Tuulada Rako-raaxo ee Gobolka Bari . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kabayagii meeye baa Ka dhacday kow kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Hello Dangoroyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Ninkan Isna Meesha ku sawirin Isna saaka Wuxuu sii dhaafay Burtinle isagoo uga sii gudbi doona Garacad Gobolka Mudug oo isku dhiibaya Galmudub Iyo hobyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    The game is an end !!!!

  5. Gaas baa yaabay .

  6. Ciise maxmud in dhawaydba nugaal godan waa u mindiyo lisanayeen nugaal wa degaan dhulbahante sidii hore ayey ku noqon ciise maxmud iyagaa minority ku ah nugaal faroole markup xukunka Qabtay wuxuu hankiisi ahaa nugaal godan in ciise maxamuud leeyahay ka soo gad shirkadihii shiidaalka waase u socon wayday ,

  7. Ilma maxamuud saleeban weliba kuwa xuduud degaan la Leh dhulbahante wa Sabool dhul guban ah deggan waxay is leeyihiin dhulbahante makii colaad I isaaq ku furanto xaawila Inaad dhul riix ku samaysaan puntiland samaynteedii waxay ahayd khiyaano lagu seexinayo dhulbahante .dhulbahante weligii isagoo keligii ah buu noolaa oo taariikh lahaa haddana sidii uun buu ku noqon

  8. NINA.
    Inaadeer Dhulbahantaha maaha kii jiri jirey ee waa coorshini,dhowan baan Lasacono tegey haabka haabkii Dhulbahante waa la wada Deganyahay Magaalada hadana waa la kale Deganyahay,Habeenku marka uu Dumo baa Koofiyad bacle oo dhan hulaabtaan.
    Waxaa idoorkaXeryahooda loo doontaa Qaad iyo Casho iyo hadii agtaada la soo maro waxba ka reebimeyno qoladaas.

    subxaan allaah.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...