|

Dhamaadka Barnaamijkii taariikhdii Daraawiisheed iyo Mahadnaqa cidii mudan.

Allahyow cisyaankaan daldalay , dereji ii dhaafi

Allahayoow waxan hore u dulmiyey , ha igu deymeynin 

Dabka ololi naartii Allow, derekadaa hoose Allahayoow Ibleys ha igu darin , Duulka lagu Biirsho.

Mahad idilkeed Eebe weyne ayaa iskaleh, Nebigeeniina NNKH ,Mudo sanad ah waxan soo waday duubtaan hadhiimo ah oo aan si buuxda barta Youtube-ka ugu guraayey taariikhdii daraawiisheed ee la dejiyey oo markii ugu horaysay aan ka dhigay qaab dhagaysi ah, oo ay la wada socdaan sawiro badan oo muhiim ah iyo xogihii ku gadaanaa daraawiish iyo halgankeedii 116 sano ka dib.
Taariikhdan aan akhriyey ayadoo Soomaali ah oo tifqiyo tirana aan ku shubay Youtube, waa asalkii waxana aan ka soo aruuriyey in ka badan 8 buug oo isugu jira Soomaali, Carabi, Ingiriisi, Talyaani iyo Amxaari, kuwaasoo badankooda lagu tarjamay afka Ingiriisiga.

Arimahan dadkaan kala tashaday waxa ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee halyeeygii taariikhdan badankeeda iyo run ahaanteedaba qoray Sh Jaamac Cumar Ciise oo aan Nairobi wada joogney mudo badan, aadna aan ugu ducaynayo dhamaan talooyinkiisii qiimaha badnaa, maadama aanan asaga maanta u mahadcelin karin oo uusan dunidan joogin.
Waxan kaloo u mahadcelinayaa Ahmed Faarax Cali Idaajaa oo aan asagana la tashiyo la yeeshay tilmaamo tooboona isiiyey, waxan kaloo halkan aan rabaa inaan uga mahadceliyo kuna amaano doorkoodii faafineed warbaahinta Ogaden24, Jidbaale , Kalshaale.com Horufadhi , Afbakayle iyo warbaahinaha kale ee Soomaaliyeed faafiyey , waxan jeclahay inaan ayagana mahad gaar ah siiyo shakhsiyaad igala qayb qaatay aruurinta buugta, farsameynta barnaamijyada kuwaasoo kala ahAbdirashid Ali, Cabdicasiis Adam Jama Buhodle zakariye saxafi Mahad Kilwe Waxan kaloo u mahad celinayaa xubno siyaabo kale iigu garabsiiyey, sida Abdrashiid Macalim Faarax , Shaafici Garbiye iyo dadkii Emailada iyo fariimaha ii soo direy , kuwa ku gudbiyey ama ku faafiyey baraha bulshada sida, Twitter, Facebook iyo kuwa kaleba. Mana ilaawin inta i soo wacday, i dhiirigelisay, igu tixgelisay ama iigu ducaysay ayagana.

Ujeedkii aan lahaa.

Yoolku wuxuu ahaa inaan ubadkeena iyo dhalinta kacaamaysa u sameyno hab fudud oo ay ku bartaan taariikhda halgankooda umadda Soomaaliyeedna meelkastaba ha joogtee ay ogsoonaadaan in Daraawiishi ahayd dawlad mar geyigooda soo martay, halgan badan iyo hiil gobonimo doona dadkan iyo dalkan dhaxalsiisay, noqotayna mid maanta taala gidaarada dalalka waa weyn iyo maktabadahooda, baal dahabna ka gashay in la tuuro reeryadii saancadaha ee qarnigii 19Aad halakeeyey geyiga bulshada madow. In adoon raadin buugtii faraha badnayd ee lagu qoray taariikhda Daraawiisheed aad cunugaaga ama adigu laftaadu barato taariikhdaada adigoo barta Youtub ku qoraya oo keliya”Taariikhdii Daraawiishta ”’ si fiican oo fududna uga helaya 44 qaybood oo aan ku kaydiyey halkaas.
Yoolku waxa kaloo weeye inaynu ogaano in calankan iyo gobonimadan la hadhsanyo ay u shahiidiin kumanyaal iyo kumanyaal ruux oo Darwiish, loo waayey halyeeyo, loo waayey Unugyo dhan oo juffooyin ama dadyoow dhan oo Soomaaliyeed, deegaano dhan dhulka lala simay, dad badan loo dhacay, loo burburshey 21 sano ay qaadatay in dayuurado Gaalku u adeegsado Daraawiish ka dib markii ciidan dhuleed lagaga Libaysan waayey.

Ugu danbeyntii waan ku faraxsanahay inaan duubey dhamaan Taariikhdii daraawiisheed oo maqal ah, qaab muuqaala u sameysan, ayna ka buuxaan macluumaad muhiim ah, waxaana markale taas uga mahadcelinaya Allaaha weyn ee i solonsiiyey, marka labaadna akhyaarta garabka iyo gaashaankaba igu siisay.
Waxii gabay, waraaq, canaan, Af adag, magacyo qabiilo iyo qaabab kale oo dadka qaar dhibsadeen ku jireyna ha ogaadeen inaysan ahayn waxaan anigu sameystay ee taariikhda ayaa ku macaan inaad Qadhaadh iyo Dhanaanba sideey u dhigan tahay aadan ka Baydh baydhin si arintu u noqon mala’awaal iyo wax la iska yidhi.

Allaah ayaa mahadleh marwalba.
Salmaan Hashi Dheere
ka daawo: https://www.youtube.com/horufadhi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=11983

Posted by on Feb 23 2016. Filed under fikradaha, suugaan, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Dhamaadka Barnaamijkii taariikhdii Daraawiisheed iyo Mahadnaqa cidii mudan.”

  1. Waa hawl aad majhuud badan gelisay jasaaka laahu khayr

  2. Scw Ilaahay ha kaa jasaa,i siiyo sidaad u fududaysay taariikhada umada soomaaliyeed qaarkood iska idho tiraan.tanse ay tahay Qorax sacab laguma qarin karo.Mar kale ayaan kaaga MAHAD CELINAYAA.Wabilaahi tafiiq

    • Scw Ilaahay ha kaa jasaa,i siiyo sidaad u fududaysay taariikhada umada soomaaliyeed qaarkood iska idho tiraan.tanse ay tahay Qorax sacab laguma qarin karo.Mar kale ayaan kaaga MAHAD CELINAYAA.Wabilaahi tafiiq

  3. Waa arin kuu geli doonta taariikhda dahabiga ah waxaad tahay aqoonyahan dedaal badan iyo kartiba leh soomaalina waa ku abaal gudi.

  4. still talking about darwiish darwiish,what you are today is your hisorical prospective.and it,s lowest of lowest zero nil nothing and non existance.your current history record shows that you are all soul less,disgraced puppets of SNM.and ready for rent 24/7 for any bidding.

  5. Thanks Saleban for your hard work in informing and educating us about the Dervish Movement and its historical significance.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...