|

Deg Deg Daawo Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Oo Kadigay Siilaanyo Iyo Imaanshihiisa Widhwidh Waa Kudhimanayaa Siilaanyo Widhwidh

Widhwidh Gudoomiyaha Barlmaanka khaatumo maxamuud xaaji cumar oo maanta caawa waraysi siiyay idaacad daljir ayaa waxa uu kawaramay imaanshaha siilaanyo uu kusoowajahan yahay beri widhwidh waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in ay dagaal lagayaan hadii siilanyo yimaado widhwidh

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA 

dhamaan goobaha deeganadasi waxaa jooga cidamada difaaca khaatumo waan ladagalamaynaa siilanyana waa kudhimanayaa widhwidh haduu food soogaliyo hadalkaasi waxaa yiri gudoomiyaha barlamaka khaatumo maxamuud xaaji cumar

so (1)

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=10959

Posted by on Jan 31 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Deg Deg Daawo Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Oo Kadigay Siilaanyo Iyo Imaanshihiisa Widhwidh Waa Kudhimanayaa Siilaanyo Widhwidh”

  1. hanjabaadu badana,

    nin aan waxba hayn waxma gaysan karo, cali iyo kooxdiisa khaatumo buuhoodle ayay go’doon ku yihiin.

    cid wax kusoo tuuri karta siilaanyo ma jirto.

  2. ninka hadlay mid baan xasuusinaya,

    miyaad illowday qaanuunka qabiil, waad iska hadashaye mid ma ku xasuusiyaa,

    siilaanyo ma ahan daahir riyaale kaahin,

    wuxu ka dhashay qabiil deriskiina ah, ood isku hoogi doontaan,

    ma u malaynaysaa ninka hadlayow inaad nabad galyo ku joogi doontid ood ka nabad galayso qabiilkiisa lol.

    odaygu sow reer kama dhalan ma moogan tahay in ay aargudan doonaan, oo midkiina nabad gali doonin.

    xasan sheikh iyo hawiye iyo daarood wax kaaga tari maayaan kolkaad heerkaa gaadhsiiso, caalam wax kuuma tarayo, waayo reer baad ka dishay siyaasigoodii, dee way aarsan kun laab.

    waad iska hanjabi kartaa oo meelahaasaad ka cabaadi kartaa. laakiin ma nabad gali doontid mana noolaan doontid,

    ama reerkaaga ayaa kusoo dhiibi ama waa lagu soo qaban.

    waanad garan dagaal qabiil wuxuu yahay ee wax somali hada baranayso ma ahan.

    waxa la isku hayaa haatan waa siyaasad iyo fikir laakiin hadii xaalku qabiil gaadho ha sahad sanina oo hakuna fekerina.

  3. dheecaankaagu meesha uu yaal oo godkaagu ka qodan yahay ma ogtahay horta cidkaa hor istaagi kartaa in aysan jirin

    siilaanyo LAASCAANO iyo dhulka dhulbahante waxaa ka qodan godkiisa marka godkiisa ilaa lagu aaso oo miyir san maayo

    sabab baa wada siilaanyo u baneeya

  4. sooo soco daadah ku sooo dhawoow Godkaagiii kadinkii ama iridkii aad ka gali lahayd meshii aad ku nasan lahayd iyo hurdadiii aan soo toosida lahayn

    waxaan shacabka iyo mamulka khaatumo u sheega ee nooga dhaw dhulka uu marayo in ay taariikh dhigaan

    laascaano waxaa lagu dlay madaxweyne abdirashiid oo wadani ah maanta sdee loo awoodi waayey tuuug dhuumaalaysanaya sida siilaanyo

    hotel xamdi dadka gali karoow wax idin faray farta dhexe

  5. Gudoomiye

    Hadii warka aad sheegtay ee ah in Madaxweyne Axmed Siilaanyo booqanayo Widh Widh run yahay.

    Adna aad dumarka lacagta caruurtooda caydha lagu siiyo aad ku qaadato dagaal baan gelayaa, maxaad ADIGU u dagaalami weyday fuliyahow!

    Intaad shacabka nabada jecel leedahay gaadhigaad garanweydaan qarxiya!!!

    Runtii khaatumo hadaad tihiin ceeb baad u keenteen reerkan aad magacooda afduubteen!

    Adigu markasta waxaad ku hadaaqdaa shacabka degaanku inay dhuljiif noqdaan oo gawaadhi baayac mushtar ay u galaan!

    Cali Galaydh Isimada Dhulbahante cay iyo aflagaado dhaqan xumo iyo xishood la, aan ah buu kula kacay.

    Shacabka Dhulbahante sidoo kale maalin kasta ha ahaato siyaasiyiin ama shacab cay iyo bahdilaad bay kala kulmaan.

    Xitaa kuwa ku soo dhaweeya tuulooyinka marka uu ka cararo halkuu marti qaadkii uga mahad celin lahaa canbaarayn buu iyaga duyasha ka saaraa oo shaagaa inay difaaci waayeen!!!!

    Sharaf dhacii ugu danbeeyay wuxuu kula kacay gabdhaha sharafta leh ee reer Laas Caanood markuu khudbadiisii ugu danbaysay yidhi;

    Gabdhaha reer Laas caanood suuqa ayaa rag qacmaha ayagoo haysta la maraan!

    Subxaanala laah! Arinkan maaha wax qof aabe ah oo cimrigaa jooga afkiisa ka soo baxo!

    Anigu waxaan ogahay in Laas Caanood ay ku dhaqan yihiin gabdho sharaf leh, dhaqan, diina leh.

    Damiirkooduna aanuu u saamixi karin inay nin raga oo aan ahayn kii eebe u xalaaleeyay ay suuq gacmaha qabsadaan!

    Runtii waxaan ka soo yeedhay Cali Khaliif waa sharaf dhac uu u gaystay Umada sharafta leh ee ku nool Laas Caanood.

  6. Qariidahaye iyo & Xabag Liqe

    Adinku waxaad marar badan meeshan ku soo qorteen inaad tihiin reer Laas Caanood.

    Weli ma ku aragtay Laas Caanood gabadh nin aan qabin suuqa isagoo gacanteeda haysta la marayo?

    Jawaab daacad ah arinkaa ka bixiya!

  7. Laalays

    Indr cali khaliif wuxuu yidhi ” hablaha gacamaha laqabsado ee inta lala baxayo la fara xumeeyaa way noo tirsanyihiin !!!!
    Wuxuu u jeedaa hablaha waxa labaxa oo kufsada askarta ciidamada qaranka Somaliland !!!

    Waa wax laga yaqyaqsoodo runtii ……

  8. Ninkan la waraysanayaa waaba riwaayad , wuxuu ku leeyahay waxa noo qorshaysan in silaanyo la qabto ama la dilo !!!
    Oo adeer guri buuhoodle ah yaad ku dhuumanaysaaye maxaad dili kartaa ?
    Kkkkkkkķkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. mire

    Waad ku mahadsantahay qoraalka aan soo gudbiyay sixdiisa..

    Waan daawaday khudbada Cali khaliif laakiin markaan ka naxay waxa ninkan weyn ku hadlayo baan qoraal ku cabiro kari waayay!

    Ninkan waxa afkiisa ka soo baxayaa maaha wax uu ku hadlo qof miyir qaba!

    Waar miyaanuu ogayn in gabdhaha reer Laas Caanood jooga ay joogaan magaaladoodii ehelkoodii oo maan hal askari far saari karin?

    Sida kuwa Burco, Saylac ama Ceerigaabo iyo Badhan!

    Walaahay Miroow reerka waa i dhaleen Calina anaa ka jecel! Odaygan waa quus haduu heerkaa gaadhay magaciisana yaan dib loo soo qorin.

    Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

    Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane

    Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

    Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye

    Eeboow na astur.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...