|

Faallo Buug Cusub Oo Uu Qoray Mr. Yusuf Haid ”OUT OF MOGADISHU: A MEMOIR OF THE SOMALI CIVIL WAR IN 1991”

Waxa soo baxay buug ‘OUT OF MOGADISHU: A MEMOIR OF THE SOMALI CIVIL WAR IN 1991’ oo u qoray Yusuf Mohamed Xayd, oo ka hadlaaya 16kii cisho ee ugu horeeyay ee dagaalkii Mogadishu.

Buugu wuxuu sheegaya sidii wadaniyada Soomaaliyeed u wiiqantay, qabyaaldu u kobocday, iyo fursadihii dagaalka baajin lahaa ee ay ka il-duufeen dawladii markaas jirtay, jabhadaha dagaalka soo qaaday iyo dhilomasyadii Mogadishu ku sugnayd.

buu

Buugu wuxu ina xasuusinaya dhibaatooyinkii dhacay iyo xad-gudbikii baahay ee Mogadishu ka dhacay iyo sababta ilaa manta looga hadli-la’yahay. Buugu wuxu ku qoranyahay Af-Ingriis fudud. Waa buug mudan inu akhriyo qofkii doonaya inu ogaado sidii Mogadishu wax uga dhaceen 1991.

Dad akhriyay buugga qaar ka mid ahi waxay qoreen:

I enjoyed the unique perspectives on this pivotal era in Somali politics. I found your journal-like narrative approach interesting and many aspects of your writing, and your experiences are extraordinary. Your details of the divisions among the clans and the chaos that followed are overwhelming. I felt the personal anguish and fear experienced particularly by the women and children as they waited apprehensively in mosques for the inevitable confrontation with the looters. Clearly, this book is a well-written, first-hand account of an apocalypse in African and Somalia politics.
Tim Grigler

Buugan waxaa qoray Prof, Yusuf Haid oo hore uga soo noqday madax wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, agaasimena ka soo noqday radio Muqdisho iyo Tvgii Qaranka sanadihii sideetameeyadii, waana aqoonyahan xog ogaal u ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrikaba, inbadana wax ka qoray, xilliyadii dawladda Soomaaliya ku jirtay casrigeedii dahabiga ahaana la xog-ogaal u ahaa.

buugan waxaad ka gadan kartaa Amazon adiga oo lingaxan riixaya

Halkan Riix Si Aad Amozon uga iibsatid

Jidbaale.com wuxu idink dhirigelinayaa akhriska buuggan.

buu

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=10912

Posted by on Jan 30 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...