|

Ninkii diley Duuliyihii Ruushka ahaa oo sheegay inuusan wax Cabsi ah ka qabin dawladda Ruushka.

Alparslan Çelik oo ka tirsan ciidamada xoreynta iyo difaaca gobolka Turkemen ee waqooyiga dalka Syria iyo buuralayda ku taxan xuduuda Turkey iyo  Syria ayaa ka soo muuqday aas ka dhacayey magaalada Istanbul maalinimadii Arbacadii,  Alparslan Çelik oo la hadlayey wakaalada wararka ee Dogan News Agency ayaa sheegay inuusan uba jixin jixeyn Ruushka”’ Naf walbi maalin beey leedahay, Allaah ayaa iska leh ruuxdan, asagaa na ekeeyey isla asaga Eebe weyne ayaan u noqon doonaa oo naftan qaadan doona, waxa jira wakhti go’an oo geeriyada aan la dhaafeyn taasina waa mid Eebe horey u go’aamiyey” ayuu yidhi Alparslan Çelik, wuxuu sheegay inuu toogtay ninkii Duuliyaha ahaa oo ayagoo maalin jimce ah ku jira bishii November 24keedii sanadkii hore si gardaro ah u duqaysay difaaca kooxda halgamaysa ee Turkemen ka dib markii waxa uu ugu yeedhay duuliyayaasha geesiyiinta ah ee Turkeygu soo rideen dayuurada oo ku xad gudubtay hawada dalka ay dib ugu soo noqotay kuna dhacda meeshii ay weerareen, ayaguna ay qudha ka jareen.

Wariyihii waraysanayey ayaa weydiiyey sida uu u arka doon doonista Sirdoonka Ruushka oo ka dhigay tobanka qof ee ay ugu doon doonida badan yihiin, wuxuu sheegay inuu hada ku socdo furinta dagaalka, isla markaana markii horeba halkaas u tegay inuu ku Shahiido hadana uu diyaar u yahay inuu dalkiisa ka daafaco Ruushka iyo xukuumada Bashaar Al Assad ee gumaadaysa.

Alparslan Çelik  ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in dalka Turkey colaad uga timaado kooxda Kurdiyiinta Syra oo doonaya inay maamul dhistaan wuxuuna meesha ka saaray in taasi dhici doonto HALKAN KA AKHRISO WARAYSIGA….

celik

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=10877

Posted by on Jan 29 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Ninkii diley Duuliyihii Ruushka ahaa oo sheegay inuusan wax Cabsi ah ka qabin dawladda Ruushka.”

  1. Shocking . There are 15 million the us citizens who have limited an English literacy . !!!!!

  2. That’s not shocking. ..
    The shocking news is “the supreme leader of khaatumo is reported missing” kkkkkkkkkkkkk

  3. Qariidahaye
    Kula wadaagnay sxb laakiin waa calaacal kale…..

    Waar horta nimanyaw dadkan ma sidanaa ka sal ah mise way is yeelyeelayaan ????

    Wuxuu ku leeyahay i quote ” puntland ha qirato inay qadiyaddii reerka god madaw ku ridday”
    Oo puntland ma waxbaad ula hadhay dagaal , af lagaaddo , dacaayad , iyo ta ugu daran oo ah wixii qaarkiin kula heshiiyey oo ay kaga bexeen !!!
    Bal hadaladdii cali khaliif oo ah m/waynaha khaatumo dib ugu noqda !
    Markaa ma idinkaa siyaasad xun mise puntland ?
    Ma waxaa garanwaydeen adeer caliyaw dadka hanagu dirin waxani siyaasad maaha e ?
    Sawdinkii mashxaradda la garab taagnaa markuu puntland wax ka sheegaba !
    Waa maxay calaacalku maanta ?

  4. cali khaliif madaxweynaha khaatumo marna wax xumaan ah kama sheegin p/l waxa uu shegay dhaamaan waa runtii oo qarax ah lkn dadka khaldan loogu fasiraaa

    tan kale p/l wax baa laysku darsday laguna heshiiyey marka xaq iyo xeer baa lagu leeyahay waa dad reer khaatumo ay ehel yihiin ahaana doonaaan lkn sidii cadawgii in loo la xisaabtamo way banaantahay iyagaana halkaas xaalka gaarsiiyey

    wali reer p/l maysan qiran khaladaadkoodii ahaa in ay dhul daarood ay isaaq ku wareejiyeeen ama qaar dambe ha siisteeen sida faroole ama magan galyo siyaasadeed iyo mid amni ha siis teeen sidii cade muuse markii uu cayrsanayey cabdilaahi yuusuf kay doonta ha ahaatee dhulka dhulbahante waraabaha isaaqa waxaa u fududeeyey waa reer p/l (mj) wali aan garasho iyo garawshiyo midna ka bixin

    bal car arag wax isaaq xaqayagiina siiya dhahaya oo reer khaatumo xaal ah ah anigu kuwo FOORAGACAN AH masheegin sababtoo xaq aan ku leenahay iyo wax lagu darsaday midna ma jiraaan wax xeer ah ama xigaalo ah nagama dhexeeyaan islaaminimo darisnimo wax ka baxsan

    war weedhaydu ma ku gashay mirooow

  5. Bal miroow adiga pl maxaad ugu doodi adoo iidoor ah anaa sheegaya sababta waayo isku hadaf ayaad tihiin cadoegiinana waxaad u wada aragtaan maamul khaatumo waama cadaymaha shacabka ssc u haystaan inaad wada shQaysaan oo wax weyna noo taraya markaa adeer saad doontaan isku jeclaada khaatumo waa jiraysaa waana dafaalamaysaaye.

  6. puntiland waa wiil dool ka noqdy qabiilka daarood waxy berigii hore ugu badin jirtay inay teesare been been ah ay tusi jireen abgaal oo ay oran jireen anagaa daaroodkii kale na soo dirsaday arintaas markii looga daba tegi waayeyna waa ba rumaysteen
    markaa maanta mj siyaasada ABC bay ka soo bilaabayaan oo dee card kii harti caato iyo kablalax kuusoow waa laysaga yimi mj hada ka dib you are your own waa meeshaad iska soo saarto dhulbahantena ilaa 100 nin oo dr gaalaydh siyaasada buugeeda ka xafiday oo kaba sii xariifsanaanaya ayaa pipe ka ugu soo jira ilaa mj yidhaahdo astaaqfurnlaa inii kuntu mina daalimiin na laga hadhi maayo waa wiil dool noqday oo dhaqan celis qabiilkiisu u samaynayaan isaaq isagu waa dool aan qabiil dhaqan ceshada xataa lahayn biyo maal oo dad ugu xigta waa iska fogeeyeen kkk

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...