|

Akhriso: Abwaan Maxamed Hiirad oo Maanso xigmad weyn leh ka tiriyey Doorashada maamulka Hargaysa & Khatarteeda.

Dabin dhuud

Maansadan yari waa digniin aan u jeedinayo ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan

gobolada waqooyi. Waxaan uga digayaa qorshahan loogu magac daray diiwaan

gelin iyo doorasho ka hir gasha goboladaaas. Haah waa dorasho waa la geli jiray,

waana la is diiwaqn gelin jiray. Laakiin sidan oo kale ma ahaan jirin . fara layska

qaado, sawiro lays ka qaad, iyo iyadoo lays haybsadotoona ma jiri jirin. Is diiwaan

gelinta adduunyada waa la yaqaan waxaana lays waydiiyaa magaca qofka oo

saddexan addareskiisa iyo xisbiga uu ka tirsan yahay oo keliya sidaaa darted

waxaan leeyahay diiwaan gelintani sidii maahoo waxbay sidataa!

maansadiina

waa tan

Waayadan qasiidiyo

Gabay qaradi weyntahay

Kuma qorin wargaysyada

Adduunyadan qarribantaye

Qaraxyadu ka dhacayaan

Qaxoontigu qulqulayaan

Dadku qaati joogaan

Qabatoon daraadiis

Quud nin siiya mooyee

Qaylo kale u baahnayn

Qiiradaan u waday iyo

Qancin waydy waanadu

In kastaan qarwaayoo

Qawlka aan idhaahaba

Cidi qaadanaynoo

Quus aan ka taagnahay

Hayeshee qasuumadan

Qoomkan qaafiliinta ah

Lagu kala qoqobayee

Qaranimada diidka ah

Qawlaystayaashiyo

Gaaladu qorsheeyeen

Qalad wixii horee dhacay

Tan maantaa ka qaraweyn

Qawraarin laga duulaa

Qarkeedii la joogaa

Anna qoonsadoo idhi

Dabinkaa la qoolaye

Qoorta laysu sudhayiyo

Qableeydaa qarsoonayn

kaa qabata lugahee

Qardhab kugu tidhaahdee

Kaa qalalawleesiyo

Qadkaa farha ku qalala

Lagu qorayo qalin jaan

Abid kaa qasaalmayn

Qaaradaha adduunyada

Aaladaha war qabadyada

Loogu dirayo qalab baas

Haddaad qoon lahayd iyo

Qurbe haddaad u dhooftaba

Qoobadaad ku sugantahay

Raadkaagu qayanyahay

booliiskii ku qoortana

Suuraddaadu ka khaldamin

Waxba kuu garsoomayn

Qisadaa la yaabka leh

Qaradeedu weyn tahay

Qarni hore na soo marin

Maw wada qushuucdeen

Mise wayska qabateen

Raggan qosolka beenta ah iyo

Qarda jeexa talada ah

Qadhaabsiga ku helayow

Qabirkaa ibliiskiyo

Qafilkaa kufrigu wado

Waa qasaare dunida ah

Qoomamooyin kaa hadhin

Maantaba qiyaasoo

Cidna ku qasbi maysee

Ama qaado ama diid

Digniintani uma baahna faahfaahin dheer. waa

wax taagan oo muuqda oo cidnaba ka qarsoonayn,

waa arrin la xidhiidhi doonta waqtiyo badan oo

soo socda. Qof walowba ka fiirso waxa maanta ku

horyaal.

Waadoorashada soomaalilaanta

Ee 2002 taasoo faraha layska qaadayey

M. Hiirad

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=10081

Posted by on Jan 11 2016. Filed under suugaan, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Akhriso: Abwaan Maxamed Hiirad oo Maanso xigmad weyn leh ka tiriyey Doorashada maamulka Hargaysa & Khatarteeda.”

  1. Kkkkk

    Iska hadalku waa furan yahay

  2. Adeer maxamed hiirad waa fahanay gabaygaaga laakiin waani wiilkaaga laba gardaaqa ah

  3. ka diggtooonaadda qof iyo qabiil kula mida yaannu cod ka qaadin

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...