|

Maqaal: Soomaalida iyo Sanadka Miilaadiga ah?

Soomaalida iyo Sanadka Miilaadiga ah?

Dad badan oo Soomaaliyeed waxay hambalyeynayaan qaraabadadooda, ehelkooda iyo saaxibadooda Lajiga sanadka cusub awgii, kuwa kalena waxay canbareenayaan kuwa ayagu wax Hambalyeynaya, kuwa sadexaadna waxay weerarayaan sanadka cusub laftiisa oo weliba kuwa qurbajoog ah waxay sameeyeen boodhadh lagu xardhay hal-ku dhegyo ka dhan ah sanadka cusub ee miilaadiga ah oo afka qalaad{English} ah, anigu waxaan odhan lahaa sadexaas qolaba waa khaldan yihiin.

Kuwa koobaad ma aha inay hambalyeeyaan sanadka cusub, wakhtia la isku hambalyeeyo oo Muslimiintu lee yihiin sida soo aroortay waa laba jeer sanadkii, waana labada ciidood ee Ciid al Fitr iyo Ciid al Adxaa, ma jirto adilo sheegaysa xataa in sanadka cusub ee Hijiriyada la dabaaldego ama la isku hambalyeeyo, sidaas daraadeed qoladaas inay Allaah u noqdaan baa hagaagsan oo ay dabaaldega la sugaan ciidaha.

Qolada labaad qaabka ay wax u sheegayaan waxa ku jirta magitaan, badankooduna ma qodobeenayaan si asluubaysan oo diinta ku qotonta nasteexadooda, waana si wax kala fogayn karta, ayagana waxa la gudboon ama inay cilmi iyo Nis diimeed dul saaraan oo ka dhigaan Nasteexo una dhaqmaan sidii NASIIX ama ay ka gaabsadaan.

Kuwa ugu danbeeya ee aflagaadooyinka iyo erayada Aggressive ka ah luqada qalaad ku gudbinaya isla markaana weeraraya sanadkan , maxay ku nisbeenayaan, arintaasi sal ma leh , in la weeraro laba maado midna uma Qumana.

Sanadkan Ilaahay baa iska leh, taariikhduna waa xiligii Nabi Ciise CS dhashay, wuxuuna ahaa Saalix Eebe, Ilaahaybaana ekeeyey wakhtigaas, gaalo wakhti, sanad, maalin, saacad, daqiiqad ay lee yihiin oo ay ayagu sameysteen samaysan karaana ma jirto. Markaa inaad wakhti nacdasho waa Jaahilnimo.

Tan kale inaan inagu nacayb abuurno, ayadoo dunida maanta waxa ka taagaan aan ognahay oo ku xaradhno erayo cadaawadeed maaha mid Qiil loo helaayo.
Ugu danbeyn qofkastaa waa inuu ku nisbeeyaa waxa uu gudbinayo cilmi iyo aqoon ama ka aamusaa , ” Suubanaha ayaa yidhi CSW” Wax wanaagsan ku hadal ama iska aamus”..

Mahadsanidiin.

W/Q: Salmaan Hashi Dheere

Xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=9598

Posted by on Jan 2 2016. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maqaal: Soomaalida iyo Sanadka Miilaadiga ah?”

  1. Sanadka miilaadiga ah nolosheena waa u Muhiim laga bilaabo karshanaashitada ama shahaadada dhalasho ilaa maanta pay check aan mushĂ haarada ku qaato waxaa ku qoran taariikhda miilaadiga aduunka oo dhan baa ku dhaqma kuna xisaabtama iyagoo umadaha Qaar sanaddo kale leeyihiin sida muslimiinta,China,ithiopia lkn ma aqoonsani in damaashaad iyo macaasi lagu soo dhaweeyo arintaasi ma aha dhaqnka muslimiinta markaa ha la aqoonsado oo ha lagu xisaabtamo lkn yaan loo niikin ayaan qabaa anigu

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...