|

Dawladda Ethiopia oo joojisay bixinta Viisayaashii xafiiska Hargaysa & Khilaaf kala dhexgalay maamulka S.LAND.

Xafiiska qusulka dawladda Itoobiya ku leedahay caasimada labaad ee dalka Soomaaliya ee Hargaysa ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku dhejisay wajahada qusulka taasoo lagu ogaysiinayo dadka Soomaaliyeed ee ka qaadan jiray Visayaasha in si rasmi ah loo joojiyey, waxay sheegeen in ilaa amar danbe aysan jiri doonin viisayaal la bixinayo iyo dad ka soo jeeda deeganada maamulka Somaliland oo u gudbi doona dhanka Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay ka cadhootay hadal dhawaan ka soo baxay maamulka Somaliland oo ay ku dalbadeen in dhamaan dadka Ajaaniibta ah ka baxaan deeganadooda oo ay ugu horeeyan Itoobiyaanku, ayagoo sidoo kale maamulka Hargaysa sheegeen in dadka ka soojeeda Koonfurta Soomaaliya yihiin ajaaniib taasoo hay’ada qaxootiga Aduunka ee Q,M UNHCR ay isku maandhaafeen ayadoo dawladda Soomaaliya aysan arintaas ka hadal balse Itoobiya ka qaadataya go’aan adag.

Dhanka kale dawladda Itoobiya ayaa wada qorshe ay uga wareegayso dekeda Berbera ayadoo haatan alaabaha bagaashka ee la soo degto u weecin doonta dhanka dekedda Kismaayo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ka dib heshiis ay la galeen dawlad goboleedka J.Land oo madaxweynaheeda Ahmed Madoobe la kulmay todobaadkan wasiirka arimaha debeda ee Ethiopia  oo ay isku arkeen Adis Abaaba.

Horufadhi.com@gmail.com

ahmed iyo adhmon

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=9484

Posted by on Dec 31 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...