|

COL. AXMED JAAMAC GEDLE OO BAAQ U DIRAY MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DADKA REER KHAATUMO

Col Axmed Jaamac Gedle oo ka mid ahaa saraakiishii hore ciidan xooga dalka Soomaaliyeed ayaa baaq culus u soo jeediyey Madaxwaynaha dowladda Federalka Somalia iyo sidoo kale Dadka deegaamada Sool Sanaag iyo Cayn iyo sidoo kale maalka deegaanadaasi ee Khaatumo Col. Gedle wuxuu guubaabo u diray dadka reer Khaatumo sidoo kale wuxuu madaxwaynaha Federalka Somalia u sheegay inuu dadkii doortay u cadaalad sameeyo waana kan hadalkiisii

“ Mudane madaxwayne hassan shiikh waxaan rabaa inaan kuu sheego intaad madaxwaynaha ahayd sidaad umada soomaliyeed ula dhqamayso haday noqoto dhaqaalaha soo gala haday noqoto maamul u samaynta gobolada somaliya. hab kaas oo ah hab qabyaalaysan ama kala jeclaysi umada somaliyeed ee aad u dhaaratay inaad cadaalad u samayso.

habka maamul u samaynta.maamul goboleed yada, Waxaa maamul samaystay Jubaland, waad diiday, waxaad tidhi, ma ictaraafsani mudo laga joogo halsano ayaa IDAG kugu khasabtay inaad aqoon sato maamulka Jubaland si khasab ahna aad wada hadal ula yeelato.

Baydhabo ayaad tagtay mudane madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud dadkii meeshaas deganaa oon waxba la waydiin baad maamul aad adigu wadato oo khasaba aad ka samaysay oo dhaqaalihii umada somaliyeed ay wada lahayd aad halkaas gelisey adigoo dan gaara leh.

Madaxwayne waxaad tagtay magaalada cadaado sadex jeer halkaas waxaad geysey lacagtii umada somaaliyeed wada lahayd, waxaad cadaado ka samaysay maamul khasaba oo aad dano gaara ka leedahay oo aan dadkii meeshaa deganaaba raali ka ahayn, Sida caasimadii dhuuso mareeb oo ilaa hada maqan.

Madaxwayne waxaad diyaarad u raacday hadda oo aad lacagtii umadu wada lahayd, aad gaysey beledwayne oo aad rabtaa inaad ka soo samayso maamul adiga kuu gaara oo sidii kuwii horey aan u soo sheegay oo kale aad halkaas ka samaysid

Mudane Madaxwayne waxaad u muuqataa qabyaalayste marka shaqada aad hayso iyo habka aad umada somaliyeed ula dhaqmaysid la eego.

Waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo maalintii aad doonaysay inaad madaxwaynaha noqoto waxaa ku taageeray dad dega gobolada Sool Sanaag iyo Cay nee reer Khaatumo oo gacanta ugu wayn ku siiyeey oo meel sare ku keenay iyagoo aan ku aqoon

Waxaan kuu sheegayaa inuu jiro maamul khaatumo ah oo aan cid lacag ku bisay jirin oo isagu isa soo dhisay. maamulkaas oo madxwayne ka yahay Dr. Ali KHaliif Galaydh oo aad dafirayso umaddaas oo ah dad ka soo horjeeda kala goynta umadda Soomaaliyeed isla markaana isla markaan maalinba u dhinta sababtaas iyadoo ay si qaawan ugu soo duuleen Jabhadda rabta inay gooni u goostaan ee la baxday SNM

Madaxwayne waxaan ku xasuusinayaa inaad cadaalad ugu dhaaratay Kitaabka qur’aanka ah inaad umadda Soomaaliyeed ugu adeegi doonto manta cadaaladaasi kaama muuqato”

Kornayl Gedle isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu hadal guubaabo ah u diray dadka ku dhaqan deegaanada Sool Sanaag iy Cayn (SSC) ee samaystay maamulka Khaatumo inay dhulkooda cadowga ka difaacaan isla markaan hantaan gacan ku hayntooda iyagoo u mari kara dariiq kasta oo lagu xorayn karo dhulka maqan sidoo kale wuxuu baaq u diray dadka danaha gaarka ah leh ee jooga Hargaysa wuxuuna u sheegay inay wadankooda iimaansadaa sharafta umadooda ilaaliyaan ay ka mid noqdaan nidaamka ay iyagu leeyihiin ee dhulkooda ka jira isla markaana ay ka waantoobaan waxyaabaha foosha xun ee ay dugsanayaaan…..

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=9456

Posted by on Dec 30 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.