|

Maqaal: Xildhibaanada Khaatumo ee dawladda dhexe oo noqday magac u Yaal. .

Dalka Soomaaliya hada wuxuu qaaday dhabo lagu sheegay maamul goboleedyo, guud ahaan 18kii gobol ee dalka waxa ka jira maamulo marka laga reebo labada gobol ee hada la dhisaayo ee Hiiran iyo Sh.Dhexe, inta dhisantay marka laga reebo labadii maamul ee habka qabiil ku uskumay ee Puntland iyo S/Land waxa dhidibada u taagay Xildhibaanadoodii barlamaanka u galay, labadaas kale ee beelaha Isaaq iyo Majeerteena waxa danjire yaal dhiifoon oo aad ugu dheganugul Xamar uga ah xildhibaanada beelahooda ka soojeeda ee dawladda dhexe, ayagoo si buuxda uga Rawa waxkasta oo ay u arkaan in danta maamuladoodii ay ka soojeediin waxyeelo u ah.

Shacabka gobolada SSC ee beesha Dhulbahante ugu weyn tahay waxay gacmahooda ku samaysteen maamul ay ayagu maalgashadeen, kaasoo ku soo aaday wakhtigii dawladdu ay lacagaha ku taageeraysay maamul u sameynta, balse waa ka kaaftoomeen, sida maamulada kalena cid ay taageero ka heleen dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo debeda ah ma jirin.

Xildhibaanada magaca beesha Dhulbahante ku jooga Xamar ayaa u eg niman gabal u dhacay, niman dantooda iyo calooshooda kaliya xooga saaray, niman ka madhan siyaasad la karkariyo oo wax lagu bislaysto, niman aysan ku jirin hanka ku jira xildhibaanada kale ee Soomaaliyeed.

Waxa jirtay in mar R/Wasaarihii fadhiidka ahaa ee Saacid uu xil ka qaatay Taliye ciidan beesha Raxanweyn ah, daqiiqado ka dibna waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah, waxa kaloo jirta in xildhibaanada beesha Ogaadaan ay si ay cabashadoodii u daboolaan dadkooda Baay iyo Bakool inteey isku darsadeen mushaharaadka ay magaca umadooda ku qataan maamul sadex degmo ah kaga dhawaaqeen deeganadii oo ay tageen.

Inkastoo mid iyo laba xildhibaanada ka mid ahi ay jiraan inay yihiin dad niyada ka jecel in dadkoodii wax noqdo, hadana 8da xildhiabaan ee beesha Dhulbahante waa dantood quufyo, in Xasan Culusow oo iridaha ka xidho Khaatumo, isla markaana habeenkii xiliyada danbe qol hoosta uga soo xidho kuwa Isaaq ee cadowga ku ah Dhulbahante iyo kuwa majeerteen maaha wax aan ka ahayn heerka shakhsiyadeed, kartiyeed, wadaniyeed iyo dadnimo ee ay joogaan Xildhibaanada beesha Dhulbahante.

Raggan ayaa u kala qaybsan sadex kooxood, koox u shaqaysa maamulka Puntland danaha dhulbahante ee Xamarna ka dagaalanta, koox Damajadiid ku xidhan oo ayagu malafsi iyo gacmo gacmeyn joogta ah ku leh galaan galka dhaqaale ee Xasan inta badan dadka hantidiisa ku burbursado iyo mid ama laba jahawareersan oo waayey cid ay garab ka helaan oo la halgama.

Gudida magaalada Muqdisho ee Khaatumo waa inay u yeedhaan Xildhibaanadan, isla markaana weydiiyaan sababta Mr Culusow loogula xisaabtami waayey aflagaadadii xildhibaanada Isaaq kulankii qarsoodiga ahaa Dhulbahante qabiil ahaan ugu gaysteen, been fariinkii ahaa in Dhulbahante S-Land yahay ee uu dhagaysanaayey, sababta ay dacwada barlamaanka ugu gudbin waayeen ka dhan ah kala goynta dalka ee uu Xasan iyo kooxdiisa diinta ku qidhaabta wadaan.

Hadeysan gudidada Muqdisho joogtaa arimahaas jawaab deg deg ah ka soo siin bulshada Khaatumo, waxay qaadanayaan talaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah Xildhibaano ku sheega xamar ka xamaasha. Cid ay wax u taraan , meeleey wax ka taraan, si ay wax u taraan midna lama yaqaan, waana lala yaaban yahay.

Xaalada Soomaaliya ee nin walba xaynta Ootay, hadaaysan  la jaanqaadi karin waa inay baneeyaan kuraasta, caruurahoodanana u xamaashaan oo lacag xalaal ah u shaqaystaan, xildhibaanadan deeganadii ma tagaan, dalkii ma tagaan, Xamarna kama halgamaan, dhamaystirka maamulnimo ee Khaatumo door kuma laha, maxay u sheeganayaan inay mas’uul ka yihiin dadka, yayse Xildhibaano u noqonayaan hadii wiilasha Isaaq ee la jooga Xamar dadkoodii sheegteen ayagoo ag taag taagan!!!..

Inkasto bulshada Khaatumo ama SSC ama beesha DHulbahante cadowgu intooda badan isku mashquuliyey, aysana ogeyn waxa la kala macaashayo maanta iyo halka la kala taagan yahay, hadana kuwa ugu liita waa inta maanta Mansabyada kala duduwan u haysa , waxaana loo baahan yahay kacdoon dhab ah oo bulsheed.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=9393

Posted by on Dec 28 2015. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

28 Comments for “Maqaal: Xildhibaanada Khaatumo ee dawladda dhexe oo noqday magac u Yaal. .”

  1. Magaaladan ku dhashay ku koray muuqaalkii ugu Danbeeyey 2016 Laascaanood,Somalia . Take me home . Magaaladan Somaliya ugu jecelahay walahay . Eesh qiyaazik .

    http://youtu.be/awpImW4C_3M

  2. Bal eeg Laascanood . Bal eeg Durdurarada magaalada ku hareereysan , bal ethe eeg Caanaha aan dhamaan. Macnaha Laascanood waa Laaskii caanaha. Lolz . Paradise city of Somalia . Lolz

  3. Muuqaalka markaan eegay Ninka duubaya labo buurood mid buu saaran yahay AMA Buurta hiliblaha ee Ka hooseysa hotelkii caanka ahaa ee Royal ama waa buurtii Telesom ee antenadu ugu taagneyd. Tan ilaahay baa I baray luuq luuq Baan u garan . Lolz

  4. Dhalfo liqe

    Maalintii cali lahaa waannu duminaynaa laas caanood oo dib baannu u dhisaynaa adna waxaad lahayd dumiya anna waxaan lahaa waar ka daaya …… i was right, you were wrong bal maxaad ku faani lahayd maanta?

    Tan xildhibaanada khaatumo….
    Horta xildhibaanno ku fadhiya barlamaanka bahashaa cali ma jiraan sababtoo ah cidiba ma aqoonsana…..

  5. WAR WAX KHATUMO LADHAHO MAJIRYEE YAAN LAXIIQIN
    MARKI LADHISAYEY WAXAA LOOGU TALAGALAY IN LASCANO LAGU XOREEYO OO AWOOODA RERKA LAYSUGU KEENO LAKIN NINBAA KURSI KUDOONTAY ILAAMANTANA KURAADINAAYA MARKAA WAXBA XILDHIMANADA YAAN
    LAMAAGIN KHATUMO WAXAY NOQOTAY AWR BILAA HOGAANA AWR AAN HOGAN LAHAYNA MARBA MEEL KA EEG
    NINKA XAMAR JOOGA IYO NINKA S S C JOOGABA WAXAY WAX KUNOQON KARAAN MARKAY DALKOODA XORAYSTAAN
    LAKIN CIDINA MARTI MADHAGAYSATO AAN DHUL LAHAYN
    MAGACAN KHATUMO EE NINKU BOORSADA KUWATANA
    ILAA DHULKA LADHIGO WALAN MEEL LOGADHAHAYN
    XAQIQDU WAA TAAS HADII KALE WELIGIIN DOWLAD AYAN
    NAHAY IYO WAA LAYNA AQONSANAYAA DUMARKA HALOOGU SHEEKEEYO SIDII SNMTA

  6. http://burcoonline.com/articles/39367/TOP-NEWS-WARSAXAFADEED-Goaamo-Ay-Soo-Saartay-Xukuumadda-Jamhuuriyadda-Somaliland-oo-La-Xidhiidha-Adkaynta-Amniga-iyo-Nabadgelyada-Dalka

    Dhalfo liqe
    1/1/2016 wixii ka danbeeya JSL laguma geli karo bilaa fiise including dalka aynu jaarka nahay ee soomaaliya………..kkkkkkkkkkkkk

    Laascaanood Somaliland

  7. Waris

    Inaabti walahay waan qoslay . Kkkkkkkk Riwaayada Hargiesa Iyo burco of Somaliya funny weeye walahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Dee inaabti Laascanood waad ogtahay in ay Somaliya tahaye maad Naga daysid isku xoqida kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Bal kan Cayn qaatay eega kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Adeer dhulkaaga Aamin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Cali mental disorder

    Sxb Horta Laascanood Dadkii lahaa baa dhistay ee snm shaqo kuma leh taas masxda gali kkkkkkkkkkkkk mida kale Dee hadey dagaal Ka fursanweydo waa la duminaya sidii Hargiesa Iyo burco Ka dibna dib baanu u dhiseynaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. Sorry war ninkii Cali Baan mooday waris kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  11. Waris

    Inaabti Laascanood aad baad u JECESHAY fasaxaa ma ku geeya walee burco waad Ka raysan . Lolz

  12. Waris

    Inaabti anigu waxaan deganahay Laascanood koonfurta magaalada Galabtiina waxaan I maada makhaayadaha Aran 252 oo Laamiga ku taala Ka soo horjeedka Masaajidka ina Budhcad. Waa makhaayad shaah macaan Galabtii casariyaha kkkkkkkkkkkkkkkkk. Dee ima wayeysid macruuf Baan ahey kkkkkkkkk hadii kale waxaan Kugu balamin kariyaasha baabuurta burco u baxda kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. You never miss me out inaabti kkkkkkkkkkkkkkk. Faisa baa xataa sanadkan khaatumeysan kkkkkkkkkkkkkkk. Laaskii caanaha ee Somaliya bay u socota dalkeena Somaliya kkkkkkkkkkkk

  13. Kaalaya Laascanood walahay all Horufadhi comments contributors kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. I will send you an invitations . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    I will book you a hotel for a week kkkkkkkkkkkkk. Dalkeena Somaliya ku raaxeysta kkkkkkkkkkkkk. Laakiin Gabadhii Barwaaqo iyada Gureyga Baan geyn due to heavily believe in Somaliand ideology . She needs more lessons to be told at the night time kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Hadii kale Dee burco bay u lugeyn habeen madow kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. She needs more attention than you guys kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. Post code-kiina with home addresses-kiina isoo sheega invitations idin soo diraya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  15. MIRE

    in badan baan ku taamayey in uu xumaado isku socod isaaqa iyo soomaalida intooda kale ALHAMDULILAAH isaaq baa maanta fududeeyey oo iska ciideeyey awlal waxan islahaa dhib dheer u mar oo laamiga dheer baroosinka dhigo oo wadaad amar aadan bixin (khaatumo) yaan lagu marin lkn dhibkii isaaq baa naga furtay markay VISE waxay ugu magac dareen fureeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    dhanka kale shiirkadahha ganacsiga dhulkiii aan ganacsigooda caqabad ku ahayn bay aadayaaan ku sii darsooo BOOSAASO 01-01-2016 waa la furayaaa horta halkaas shacab kii P/L waa ku daayey koonfurtuna xamar bay haystay dadk reer khaatumana ISMAAIL MIRE bay dhamaystiranayaaan

  16. visaha shuba lacagta doolar baa na hor cararaeeee $$$$$$$$$$$$$$$$$$

    aduunka riyo maal meedka ooo aad soo jeedka ku riyoodtid wax kaxun malaha
    muqdishaan passport ku tagayaaaa kkkkkkkk waa xabsi +ganaax intaas in kii diyaar ah ha layimaado SIILAANYO’s passpsport

    jecliyaa jabka iyo indho la aantaa idoorka waa lida cas

    khaaatumo ha noolaato

  17. Qariidhaye

    Walahay sheeko Baan xasuustay ninyahow sheekadan passport Ka Hargiesa ee burco online qortay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Bari dhaweyd mid idoora ayaa passport ku sheegooda Caasimada Dalka ee Muqdisho la tagey walahay wax kale iskadaaye askarigii ugu horeyey ayaa jeebka Ka gashtay isagiina xidhay isagoo calacaalaya ayuu YouTube ku jira ilaa Markii danbe Madaxweyne Galeydh soo damiintay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Odayga immigration haysta jeneral Gaafoow ayaa xataa ku qoslay oo dhahay Adeer orod magaalada dhinac Ka gal Somaliya passport leyskuma qaate kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Walahay YouTube bay ku jirta waan badhi ee sug kkkkkkkkkkkkk

  18. Waakan ee DAAWO kulahaa Gaafoow oo ku qoslay nin ictiraaf doontay kkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Xataa reer xamarkii baa fahmay Riwaayada Hargiesa Iyo burco of Somalia . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    http://youtu.be/v-V0SCGC_mg

  19. Viva Somalia Republic. Jamuuriyada islaamiga ah .

  20. Sxbyaal hadal badan iyo nacnac looma baahna…
    You either with me or against me
    and you better be with me or else. … soomaali meel ay jòogto oo laydinka rabaa ma jirto !!!!
    Somaaliya khaatumo lagaama maqli karo , puntland hadalkeeda daa , meesha nabadda laydinla baryayaa waa Somaliland laakiin 1/1/2016 wixii ka danbeeya waxa laydinla dhaqmayaa sida puntland…….

  21. Saambuusaha haddii laga eedaamo
    Midh damcad qh ma laha

  22. qaanuun kan wax weyn buu ka taraya amniga sool, waxaanu kala saari karna mustaqbalka kuwa somaliland diid ka ah,

    dhulbahante ayaa kala tilmaam naan doona, kuwa somaliland diidan uunbaa inaga soocnaan doona, kuwa somaliland ogol ayaku xaga hore ayay ka qaadan doonaan.

    awal lama kala garan jirin kee baa somaliland ah keebaan ahayn, haatan si fiican baa loo kala garanayaa.

  23. sool iyo buuhoodle dadka dagan

    kii aan qaadan somaliland passport or somaliland national ID. waxa loo aqoonsanaya ajnabi sharci daro ku jooga dalka somaliland.

    kolkaa waxay keenaysaa in dadka diidan somaliland ee gobolada ku nooli xamar u doontaan somalia passport or somalia national ID.

    waxayna wax weyn ka tari doonta amniga deegaamadaasi, dadku awal way isu eekaayeen, se haatan waa lakala calaamadin doonaa.

    kii wata somalia passport ama somalia national ID waxay bixin doonaan, kharash joogto ah oo $15 dollar.

    hadii raaf loo baahdo oo ay amni daro gobolada ku timaado cid alaale iyo cidii haysata passportka somalia ama somalia national ID weeye kuwa aanu bartilmaamaysan doono.

  24. jagada uu banayn doono gudoomiye ciro waa in lagu buuxiya shaqsi kasoo jeeda beesha ugaadh yahan ama jaamac siyaad midkood.

    dhulbahante ayaa xaq u leh inuu qaato jagada gudoomiyaha golaha wakiilada kolka la eego saami qaybsiga kuraasida somaliland.

    saasi darteed, waxaanu ogsoonahay in dhulbahante u kala baxo reer howd iyo reer nuugaaleed.

    reer howd waa kuwa degan buuhoodle saaxdheer ilaa iyo killinka shanaad ee itoobiya.

    reer nuugaaleed waa kuwa degan sool iyo qaybo sanaag ah.

    kuwaasi ayaa ka afdalsan kuwa reer howd waa in jagada loo dhiiba shaqsi kasoo jeeda dhulbahantaha reer nuugaaleed.

    siiba ugaadh yahan.

    maanta madaxweyne kuxigeenka puntland waa nin reer howd ah, kolka opposite keeda waa inaanu aadna oo reer nuugaaleed ka dhigna gudoomiyaha golaha wakiilada, hadhowna u carara doorashada somaliland.

    reer nuugaaleed ku way codeeyaan ee reer howd baan codayn. kolkaa reer nuugaaleedka waa in jagada lagu sharfaa. lagana dhiga master ka dhulbahante.

  25. iidoor liqe iyo qariidahaye

    dharaarta nin ugaadh yahan ama jaamac siyaad ahi ciro ka daba fuulo jagadan halkee rajadu idiin taalaa.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    very well aad baa loo kala qaybsami doonaa, kkkkkkkkkkkkk

    dhabayaco waxay idinku kala qaybisay madaxweyne ku xigeen idin kasoo jeeda, doorkii cigaal na gudoonka wakiilada ayay somaliland idinku kala qaybisay,

    tiibaana soo labo kaclaysay, lol kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    reer walboo dhulbahante ahi iyo jifo kastoo dhulbahante ahi, hargeysa ayay soo eegaysaa.

    mid kastaaba wuxuu isleeyahay tallow armaad chance kan heshaan. kkkkk

    meesha tartan culus baa dhexdiina yaala, idinku iska caaya waxuun oo horgal iyo waxaad rabtaan sheega, shaqsiyaad kooban baad tihiin

    se rag baa hunguri hayaa, reera hunguri hayaa, oo indhuhu hargeysa ayay eegayaan. tallow jifadee jagada heli doonta. kkkkkkk

  26. http://berberatoday.com/2015/12/28/maanta-dawladii-muqdisho-waxay-maraysaa-wixii-hungurigeena-marayay-inay-tidhaahdo-aniga-ha-isoo-maro-ciidankii-daafici-lahaa-ee-hubkeeda-guddoomiye-muuse-biixi/

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waar yaa idoorow waad walantihiine is dajiya aduunku nimaad iyo kala danbeeyn baa ka jira sharci darada hargays taala iyo anaa kaa xoog wayn ma taalo DAWLADA SOOMALIYA waxa ay ku dooday saa waa sharci wax aysan idiin fasaxin ma sameyn kartaan beenta iska daya oo runta shacabkiina u sheega

    waxaan aad ugu farax sanahay ninkiii xisbiga boobay in aan war kaan laga dhagaysanay oo rabo tuugninimadii uu sameeyey in muqdisho vs hargays ka dhigo

    muuuse cawaaanow warkaaga waa la fahmay

  27. Qariidahaye

    Koonfuri awood maleh hadal yar Oo tidhaah Ma socdo,

    Hadaan ka hadlo arrintan Berbera corridor xisbiyada mucaaradka ayaa hakiyay Oo dacwooday

    Waana nooc Minal campaign ah Oo muuse shaani wato.

    Laakiin Waxay qoloda xamar joojin kartaa maleh se cida joojisay waa axsaabta mucaaradka Iyo shacabka Berbera Oo shaki wayn ka qaba sida siilaanyo wax u wado Inuu Dalka dhanba hantidiisa Ma guurtada ah xaraasho.

    Mid iga qabo dowlada villa Somalia joogta Waxay horjoogsan kartaan jirin.

    Haday wax horjoogsan karto balaadhinta madaarka Hargeysa ayay horjoogsan lahayd.

    Haday samaysayna Waxay marmarsiiyo ka dhigatay shacabka Berbera Iyo axsaabta mucaaradku raali Kama ahan ee joojiya uunbay tidhi.

    Laakiin Ma odhan karto iga talo gasha, Reer Berbera waa tolkay, waxanay raali ka ahayn socon mayso.

    Miyaad ku qabo xamar haday wax joojin karto balaadhintii Hargeysa egal international airport, ayay joojin lahaayeen.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM