|

Khatarta weedha ”Dadka Afsoomaaliga ku hadla” iyo Cunsuriyiinta Faafsha, W/Q. S Hashi Dheere.

Waayaaha aduunyada wacyiga aynu hada joogno wuxuu ku barayaa inaad waxyaalo badan u noqoto makhraati, dadyawga aadanaha ee dalalka xorta ah midkastaa wuxuu lee yahay wax uu hiigsado oo uu ka doono meel kale, dal kale ama qaarad kale, waxaa jira wax ay ayaga gudahoodu isku qab qabsadaan ama Afrikaan dheh ama Uruba dheh, ama Carab dheh ama cajibaa kale ba dheh.

Waxaase jira gundhig sal-adag oo lama ruxaan xagooda ka ah, hadii la soo agmarana badankoodu ay budhka kuwada saarayaan, waana wadajirkooda iyo waxii dhaqan ah ee ay mase ka yihiin.

Bulshooyinka ku teedsan darafyada Soomaaliya ee dereska la ah, dalalka madax banaan sida Kenya iyo Ethiopia midkastaa wuxuu ka kooban yahay qoomiyado, intaynaan dalalkaas tusaale u soo qaadan aynu horta dhahno waa maxay kelmeda Qoomiyad.

 

Qoomiyaddu waa dad mase ka ah Afka, midabka, dhaqanka iyo hadii la doono qaar ha ku kala baydheen diinta, waxase asalka u ah Qoomiyad waa inay yihiin dad isku sinji ka farac meel ka soo wada jeeda kuna kala Aroora, Qoomiyaddu laamo gaagaaban waa yeelan kartaa, Juffooyin iyo kala abtirsina waa u kala faafi kartaa.

Hadaba labadaas dal waxa ku nool Qoomiyado kala duduwan, Kenya 40 Qoomiyadood baa ku dhaqan waxaynu ku kala hadlaan afartan Af, waxayna kala lee yihiin afartan dhaqan, waxase mideeya luqada Swahili loo yaqaano, waxa jira oo aan anigu indhahayga saaray dad badan oo Kenyan ah oo aan aqoon luqada Kiswahiliga, maxaa yeelay afkale, dhaqan kale iyo Qoomiyad kale ayuu/ayeey ku abtirsadaan.

Ethiopia warkeedaba daa, Hadaba dulucda aan u soo laabanee, Luqadda Kiswahiliga waxa kaloo lagag hadlaa dalal badan oo bartamaha iyo bariga Afrika ah, waana luqad cidkastaba lahaanshaheeda ha sheegatee dadka ku hadlaa badankoodu barteen, ama dheegteen ama Madaraso iyo dugsiyo u galeen, intaan dalalka Tanzania, Uganda, Kenya iyo kuwa kale tegay weligeey ma maqal dadka Kiswahiliga ku hadla!!!.

Hadana hadii aan maqli lahaa lama yaabeen,waayo waa kala qoomiyado dadka ku hadlaa waa kala Nasab waana kala Jinsiyad, balse isumaba quudhaan taas ayada ah.

Dadka AfSoomaaliga ku hadla odhaah cunsuriyeed u baahan dagaal dhaba oo lagu qaado.

Weedhan salkeeda cida sameysay waa lagu muransan yahay, dad magacyadooda lagu sheegay ama tuhmay inay soo tuureena waan ka xishooday inaan magac-dhabo anigoon maalin aakhiro iyo mid aduun , marag cad u haysan. Hase yeeshee qofkii ugu horeeyey ee weedhaas muhindisay waxan odhan karaa waa Qaabiilka Soomaalida,  wuxuuna aniga iiga dhigan yahay Qaabiilkii walaalkiis Haabiil dilley , masayr dertiis, kan weedhan sameeyeyna waa ruux u yeelay sidaas ka maseyridiisa Soomaali wadajirkeeda iyo wada socodkeeda.

Kuwa faafsha waxay noqonayaan danbiilayaal, ayagoo u kala soocon qaar aqoon darro iyo Aradnaan dhanka Afka hooyo ah ay hayso oo aan aqoonin weedha ay gudbinayaan dhibaatada ay qalbiyada Soomaalida ku abuuri karto iyo waxyeelada maskexeed ee ay caruuraha ay afka ugu ridayaan gayeysiin karto, hadeey jiraan dad Afka Soomaaliga ku hadla, balse ka soo jeeda Belaha Kikuyo, Oraga, Oroma, Amhara, Kalange, Tuutsi, Hawsa, Fulaani , Sarma iyo qaabika kale ee Afrika hanalaga jaahil saaro , hana naloo cadeeyo inaysan Soomaali ahayn oo Qoomiyadda Soomaalida ku jirin aan ogaanee, dadka ku dooda Jabuuti ma Soomaalibaa, Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ma Soomaalibaa Soomaalida waqooyi Barri Kenya ma Soomaalibaa.

Waa Jahli cudurka hayaa, Jabuuti shucuubta ku nool waxa ugu badan Soomaali, ma aha dad Afsoomaali keliya ku hadlee waa Soomaali Jinsiyadoodu balse waa dal madax banaan, dalkuna Soomaaliya ayuu ahaa waxii ka horeeyey sanadkii 1884 ka hor intaan saancaduhu carada degin, balse waxa jira dad kale oo aan Soomaali ahayn oo Jabuutiyaan ah sida Canfarta oo kale.

Soomaalida kale ee labada gobol ee dalalka deriska ah la degan waa dad Soomaaliyeed, afka ay ku hadlaan maaha mid ay barteen ee waa koodii waa Afkii Soomaaliyeed, waa dadkiii Soomaaliyeed, waa Umaddii Soomaaliyeed, waana shacab Soomaaliyeed.

Qofkii aan ku qanacsanayn jinsiyadiisa qoomiyadeed ee Soomaalinimadu waa yeelkees iyo dantiis, warbaahinta adeegsaya dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa, waa danbiilayaa waxana ugu badan Fogaan araga ”shaashahada/tvyada, kaad doonto aqoow, waa inay ka waan toobaan wiilasha ugu badan ee Erey cunsuriyeedkaas isticmaalaa iyo siyaasiyiin qabiileedka nooca aan u aqaano, una badan kuwa Hargaysa joogaa taas.

Hadii aysan Soomaali ahayn, ku qanacsaneyn Soomaalinimo ha soo cadeeyeen halkeey ku arooraan iyo halka loogu soo Erkan doono, waxaanu naqaana oo kaliya Dadka Soomaaliyeed, dalka Soomaaliyeed, Afka hooyo ee Soomaaliyeed, walaalaha Soomaaliyeed shacabka Soomaaliyeed iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Marka la soo koobi Odhaahdan waa mid qoto-dheer , danta ugu weyna tahay in Soomaalida la kala Erdheeyo, lana kala fogeeyo, waa kelmed xumaan weyn oo khatar nacayb iyo cunsuriyad ah salka ku haysa.

Ugu danbeyn, qofkastoow waxaad kasbato waa loo makhraati , waxii aad warbaahin marisana umaddaa ujeeda, waxii aad meel madow Soomaali uga gaysatana Eebaa ujeeda oo waxkasta iyo midkastabe ah arka maqlaha ugu fiican cid wax aragta isla markaana maqasha.

‪#‎tag‬-Diid odhaah Cunsuriyeedka ”Dadka Af-Soomaaliga ku hadla”’… fidi qofkastoo wadan ahoow..

Salmaan Hashi Dheere

Email.xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=9248

Posted by on Dec 22 2015. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Khatarta weedha ”Dadka Afsoomaaliga ku hadla” iyo Cunsuriyiinta Faafsha, W/Q. S Hashi Dheere.”

  1. Initii aan akhriyayey webabka soomaalida Waxaan ku arkayey sadex terminology ama weedhood oo aanan soomaali aanan ku soo barbaarin maqalkooda 1-soomaaliwayn (oo aan u aqaano Shanta soomaalida)
    Soomaalida iyo soomaaliland
    3-iyo inta afsoomaaliga ku hadasha
    Dhawr jeerna comment baanba ka bixiyey
    Sadexdaas kelmadood ee shacabka soomaaliyeed lagu soo dhex tuuray intii la isticmaalayey waa yarayd meel aan ku arkay magaca jamhuuriyada soomaaliya
    Markaa anigu sidaan fahmay sadexda magac e aan sheegay waxaa shacabka lagu ilawsiinayaa magaca jamhuuriyada soomaaliya dadka warbaahinta sida miinaysan u kaanayna waa dadka jecel in qaranka ama jamhuuriyada soomaaliya lagu ilaawo sidaas

  2. Dadka af soomaaliga ku hadlaa waa dadka ku nool Somaaliya , Somaliland , Jabuuti , NFD iyo Ogaadeeniya …

    Soomaliwayn waa inta kor xusan oo midooba…

    Wixii la odhan jiray jumhuuriyadda dimoqraadiga ee soomaaliya wuxuu ahaa midowgii dhicisoobay ee u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland. …

    Dawladda federaalka soomaaliya waa nidaam maamul gonoleedyo ku dhisan iyo dawlad dhexe oo loo sameeyey soomaaliya…

    Somaliland waa dal madax bannaan oo ay ka hir gashay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyin ku dhisan one man one vote ….

  3. Qoraaga Hal baan miiska u saarayaa

    Magaca Somalia Ma waxaad u taqaan shanta somaliweyn, mise wax kale.

    Hadaan taariikhda u degno Somalia ayaa la odhan jiray loona bixiyay qaybtii talyaanigu gumaysan jiray sanadkii magacaa Somalia la baxshay waa 1956

    Halka qaybtii ingiriiska xoriyada ka qaadatay ay magacan Somaliland lahayd 26 June 1960 kii

    Hadaba israacii ka hor labada geesi Waxay ku heshiiyeen in magac dii kala ahaa Somalia Iyo Somaliland dhinac la Iska dhigo Oo la qaato Somali republic

    Waayo labada magac ee kala ah Somalia Iyo Somaliland gumaystayaashii Reer Europe ayaa bixiyay, Kolka agreed title ku wuxuu ahaa Somali republic

    1960 – 1969 kii dowladii jirtay Waxay ku howl gali jirtay Somali republic

    Hadaba tii siyaad bare ee 1969-1990 ayaduna Waxay ku howl gali jirtay magacan
    Somali democratic republic

    Hadaba magacan somalia Iyo Somaliland 1991 kii baa dib loo soo celiyay.

    Kolka xooga is jaahil saaro magac Dan Iyo taariikh dooda dib u raaca.

    Sheeko hawiye Iyo dhabayaco igama iibin kartid xitaa warsengeli ayaa magacaa ka xanaaqa.

    Haduu hadal kaagu daaran yahay ex Somali republic Dee Somali Waxay 1960-1961 kii kala qabsaday si wacan way isku yaqaanaan

    Geesta Somalia there is a lot they need to answer, since there is no valid Union in juridical aanay jirin

    Basically no act of union
    The Somali republic made 2 attempts

    First attemp was to made a forge invalid act of union in 1961 kaaso legally isagu is fasirayo inaanu ba sharci ahayn Kolka qodobkiisa 10aad la eego

    Dowladii Somalidu way ogsoonayd in aanay tani shaqaynayn saasi darteed Waxay iclaamisay afti dastuuri ah 1961 kii

    Taaso ahayd second attempt she made,

    Tiina result kay keentay waatan in 6 dii degmo ee waqooyi 4 ahaan ay ugu codeeyeen dastuurkaasi COD ah maya, Kolka labo uunbaa haa yidhi

    Halkaasi waa arrin kale Oo aanay jamhuuriyadii Somalidu ka fakan Kari wayday

    Deetana inay xoog wax ku wado ayay damacday taasina waa tii kicisay kacdoon kii ka dhacay deegaamadii laga diiday dastuur kaasi

    Aakhir kiina dhalisay inqilaabkii ka dhacay Somaliland 01 December 1961 kii

    Tiina halkii Laguma dayn ee xagaasi Iyo xamar waxa laga soo abaabulay dagaal ciidan halkii lawada xaajoon lahaa. Tiiyoo xaal halkaa joogo ayay timid dowladii c/rashiid Cali sharmaake Oo xaaladi kala dejiyay

    Hadaba halkaa kumay joogsan waakii siyaad bare inqilaabay xukuumadii rayidka ahayd xaal na gaadhay heer snm aasaasanto Oo kacdoonkii shacabku hirgalo 1991 kii kaaso ay gaadhay in Somaliland dib ula soo noqoto madaxbanaanideeda dhiig Iyo xasuuq ay xukuumadii afweyne bare gaysatay.

    Kolka madax banaanida Somaliland waa muqadas waa lama taabtaan

    Since there is no valid union n juridically dhex maray Somaliland Iyo Somalia 1960 kii Oo sidaan hore usoo carabaabay.

    Kolka qudhaanjoy ku quuso runta Iyo xaqiiqada

  4. Mire

    Adigay laftaadu wax kaa qaldan yihiin ee aan ku saxo

    Somaliya 1956 kii ayaa qaybtii talyaaniga loo bixiyay
    Inaka Somaliland baa nala odhan jiray from 26 June 1960

    Kolka labada geesi heshiiskii ay gaadheen wuxuu ahaa Somali republic Oo ah janhuuriyadii somaliyeed.

    Kolka taa inaga sax adigu

    Arrinka kale Union baad soo qaaday

    Sidaanu ogsoonahay wax act of union ahi Ma jirin 1960 kii wax lakala saxeexday Ma jirin,

    Sidoo kale 1961 kii jamhuuriyadii somalidu 2 attempts ay samaysay uma hirgalin

    Sida act of union at sameeyeen 1961 kii Oo qodobkiisa 10aad is fasirayo inaanu sharci ahayn

    Attempt kii xigay wuxuu ahaa referendum kii loo qaaday dastuurkii somalida 1961 kii

    Kaaso xageena looga codeeyay maya badi. Ka Somaliland ahaan 4/6 districts on northern voted no Oo ahayd jawaab tii ay koonfuri heshay

    Kolka halkaasna dib isaga sax wax israac sharciyan hirgalay Ma jirin 1960-1961 kii

    Waana miday dfs tu ka jawaabi doonto meel uu israacaasi aan sharciga ahayn muqadas ka noqday beesha caalamka horteeda laga qarxin doono.

  5. somalidiidku waa xabashi sida lasheego yacni muwalid dadka qaarna waxay yiraahdaan bucurbacayr baa dhalay oo falaasha ahaa

  6. kkkkk afsoomaaligii adeegsigiisiiba Sidii dalku u burburay ayuu isna u burburay waxa lagu hadlo iminka waa is ka daad raacis, waayo afka lagu hadlayaa qudhiisu dawlada iyo midnimada kama soo hadho hadii intaa la waayana doc faruur badan baa ku dhacaya oo ku imaanaya afka hooyo waa ra’yiga aan qabo.

    Mid waliba haduu tuuladiisii calan ka taagay oo midiba magac ugu yeedhay dalkii wuxuu noqday naag la furay fadhi u ma yaal, Masuuliyadii iyo ilaalintii meel walba ka tafa tiri lahayd haduu waayey wax waliba barakac bay noqonayaan.

  7. mohamoud

    caydu run kaama dhayaysee wax kale ma haysaa,

    nuura

    somalidan aad sheegayso kolkeedii horeba maxa ka jiray illeen riyo beri 60kii la arkay ahayd, deetana sida shucaaca kala qaraxday, kkkkkkkkk

    60kii baa riyo la isku arkay, deetana riyadii sida shucaaca ayay kala qaraxday lol.

    waa waxaan soo noqon doonin ee haatan ku sabir tii ingiriiska waxaan ahayn la isku xukumi maayo. tii qarni ku dhow nalagu xukumi jiray baa halkaa ka sii soconaysa,

    yacni waad garanaysa tii la isku xukumi jiray 1884 kii ilaa 26 june 1960 gii. uunbaa halkaa kasii amba qaadaysa wax kale maleh, laakiin doorkan anaa geerka haya oo meeshaan u garto gaynaya,

    ingiriisku waa khasnad haye, aniguna waxaan ahay fuliye, adna waxaad noqon kii lagu dhaqaajinayay gaadhida,

    xamarna sida shucaaca ayay kala daadatay bal meel wax hakaaga soo noqdaan, kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. waxalagu noqonaya tii 1884 – 26 june 1960 gii, tii baynu saaxiibayaal isugu soo noqonaynaa,

    doorkan ninka fulinaya waa aniga, ninka kharash ka haya waa ingiriiska, ninka geerka lagu hagayo waa adiga, xamarna shucaaca siduu u qarxo bay isaga qaraxday,

    no more dream, waa isla inakii oo mar kale isu soo noqonayna oo isu soo dhawaanayna, sodon sanaan kala daahnay, haatan laa wada fadhiisanaya oo halkii baanu geerka isaga haynaynaa, kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM