|

Wax badan ka ogoow kooxo Qaswadayaal ah oo u adeega maamulka PL oo ku Qulqulaya Nairobi{Warbixin}.

Shabakada horufadhimedia ayaa baadhitaan ku samaysay kooxo labadii bilood ee u danbeeyey si weyn olole uga waday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Baadhitaan horudhac ah ayaa lagu ogaaday in kooxahani ay isugu jiraan dhawr qaybood oo wejiyo kala duduwan iyo ujeedooyin kala qarsoonleh.

Kooxda koobaad ayaa ah xubno ku sugnaa Nairobo oo aan saameyn guud iyo mid gaar ahaaneed midna ku lahaan jirin bulshada reer Khaatumo ee ku dhaqan magaladaas iyo tan Soomaaliyeed midna, inta badana mukhyaadaha magaalada hoose {Down town} iska meermeeri jirey, kuwaasoo aysan jirin shaqo toos ah oo dadku fahansan yahay oo ay hayaan basle Aalaaba la sheego inay wakiilo basaaseed u yihiin maamulada hareeraha boqolaal dollarna uga qaata bishii halkaas.

Kooxda labaad ayaa ah kuwa xaafada Islii nolol maalmeedyadooda si caadi ah uga watay , marnaba aan gelin jirin siyaasad, balse lagu soo kiciyey mabda Juffo nacayb, qabyaalad hoose , ficiltan iyo ku guurid kooxda koobaad ay ku hayaamaan ku siman.

Qaybta sadexaad ayaan ku ogaaney baadhitaankan inay yihiin xubno qurbaha ka yaacay, oo badankoodu dalalka qabowga badan ku rafaaday, isla markaana u hiyikacay Nairobi, ayadoo Tigidhadana Garoowe looga soo direy laguna guubaabshey ama lagu hiyikiciyey in lacag iyo mashruuc dawladdo waa weyn hor-boodayaan ay taalo Nairobi, ayagoo isku maqiiqay dhankaas iyo bariga Afrika.

Sadexdan kooxood ayaa qolo kasta waxay wadata mabda, gaar ah, kuwa koobaad waxay fulinayaan rabitaanka saxda ah ee maamulada hareeraha gaar ahaan Puntland oo cadow dhab ah ku ah jiritaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn , kooxda labaad waa kuwa war moogayaal ah, arimaha siyaasada iyo waxa la kala macaashayana aan aqoon iyo faham midna ka haysan balse sida wararku xaqiijinayaan qarashaadkii iyo biilshii caruurahooda looga gurto reer hebel beynu la dagaalamaynaa, ayagoo la ogaaday in caqligooda iyo mab’da’oodu uusan intaasn dhaafsiisaneyn.

Kooxda ka baxay qurbaha ayaa ayagu gurmad ahaan maamulka Puntland halkaas ugu direy ayagoo hotelada $20 lagu seexdo ee Islii buux dhaafiyey, maalinba meel inteey istagaan dhaha safarad ayaanu la kulmeynaa iyo meel heblaa dhaqaale nooga soo socdaa.

Guud ahaan kooxdan inta ka soo jeeda beesha Dhulbahante ayaa ah hufkii dadkan iyo deeganadan, waana intii ugu taariikhda xumayd ee deeganada Khaatumo ku abtirsata, shakhsiyaadkoodana ma jiro midaan lahayn bar madow oo dhibaateynta danta guud iyo sharafta dalkan ah.

Dhanka kale waxa magaalada ka jira Gudi jaaliyadeed oo soo jireen ah,kuwaasoo ahaa xubnihii hindisey shirkii Horseed iyo talo soo celinta maanta kooxdan loo bixiyey” Hadaan Kooyey”’, ay ku hambabarsan yihiin, ayagoon cidiba aqoon,  gudidan ayaa waxa hormuud u ah xubno firfircooni, wadaniyad iyo dadnimo badan, isa markaana mar hore ka gudbey maangaabnimada heer juffanimo ee kooxahani hada ku qudhaabanayaan, waana raggi hergeshey ee holiyey in dadkan reer SSC ay Aayahooda ka tashan karaan, isla markaana is maamuli  karaan, taasoo laga dhaxlay SSC, Khaatumo1, Khaatumo2 iyo Khaatumo3 oo maanta ah maamul heer walba hay’adihiisii dhisan yihiin.

Isku soo wada duubo kooxana oo liiska magacyadooda gacanta badankoodii soo galeen, ayaan dhawaan soo bandhigi doonaa, midkasta meesha uu ka yimid, ujeedkiisa iyo waxa uu ka qabanayo halkaas iyo weliba waxyeelada soojireenka ah ee ay wadaan.

Shacabka reer Khaatumo inta indheergaradka ah horey ayey uga gudbeen arimo juffenimo iyo wax la mid ah, waxayna hada haansanayaan inay dadka Soomaaliyeed wax la qaybsadaan.

Gudiyadii ugu danbeeyey ee magaalada Nairobi ayaa si buuxda loo dhamaystiray, ayadoo hada magaalada Nairobi ay ka jirto gudi xooglleh oo jaaliyad boqolaal ah taabacsan yihiin.

Hamsa M Abdi

wya2007@hotmail.com

NAIROBI.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=8370

Posted by on Nov 30 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Wax badan ka ogoow kooxo Qaswadayaal ah oo u adeega maamulka PL oo ku Qulqulaya Nairobi{Warbixin}.”

  1. war QASWADAYAASHII ISAAQNA KU DAR OYO HORGALADOODIII

    waxaan u jeeday mid muqlaysan oo ay wasiir ku sheegeen iyo hogale xaglo qalooc oo kenya ku cararay markay maqleen wanaaga lagawado iyo in beeesha caalamku shir ka wadato safaaradihii bay ku ordeeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    lkn wax ka qaadi maayaan dadka wanaaga wadda

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...