|

Wasiirka Batroolka” Somaaliya Shidaal ayaa ka buuxa , weyna isku filaan doontaa”.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa ka hadlay shir looga hadlayay Shidaalka Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka socdo dhaq dhaqaaqyo lagu sahminayo Soomaaliya, isagoo xusay in Caalamka uu isha ku haayo dalalka bariga Afrika oo lagu tuhmayo in shidaal uu ku jiro.

“Soomaaliya waxaa ka socdo dhaq dhaqaaqyo lagu sahminayo shidaalka, runtiina fursad fiican ayay u leedahay in Shidaal uu ku jiro, hada wadamada bariga waxaa laga sameeyay sahmin shidaal”ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo xusay in sahminta laga sameeyay dalal ay ku jirto Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo u waramayay Idaacada BBC.

Wasiirka ayaa sheegay in sahminta hada la wado ay dhinaca Badda tahay, halkaasoo uu tilmaamay in meelaha aad loo daneynayo ay ka mid tahay oo la tuhunsan yahay in shidaal ku jiro.

Waxaa uu sheegay in illaa sideed goobood la calaamadeeyay, gaar ahaan dhagaxa shidaalka keydiya, waxaana uu xusay in haatan ay jirto tiknoolijiyad casri ah, ayna rajeynayaan in Soomaaliya kheyraadkeeda uu noqdo mid ku filnaada oo aan kaalmo loogaga baahan dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay heshiis ula gashay shirkado baara shidaalka, iyadoo shirkada Soma Oil & Gas oo sanadkii 2013 heshiis la gashay dowladda ay ku soo baxday fadeexad musuq maasuq.

Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=7204

Posted by on Oct 31 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?
  • ahmed: ha bakhlayso waa iidoor iyo bakhdiisii adeer adiga oo iidoor ah miyaa imaan kara garoowe adiga biixi toona ma...
  • ahmed: Cid fahamtay ma jirto waxa aad soo qortay oo tirade badan madax iyo majo ma leh