|

Shirka Iskaashiga Hindiya iyo Afrika oo maanta ka furmaya New Delhi.

Shirka looga hadlayo Iskaashiga Hindiya iyo Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada New Delhi ee Caasimada dalkaas, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan inta badan Madaxda Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa soo dhoweeyay Madaxda Afrika, iyadoo shirka u dhaxeeya Hindiya iyo Afrika uu yahay shirkii saddexaad ee labada dhinac dhex maro.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo, kuwaasoo maalinimadii shalay gaaray magaalada New Delhi.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii iskaashi u dhex mari lahaa Hindiya iyo Afrika, sida maalgashi uu Hindiya ku sameeyo dalalka Afrika iyo waxyaabaha muhiimka ah ee Afrika soo saarto in dalkiisa loo soo dhoofiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo ka hadlayay muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya ayuu xusay in si gaar ah uga wada hadli doonaan arrimaha kheyraadka iyo korontada sidii la isaga kaashan lahaa.

Hindiya ayaa ah dalalka saameynta ku leh Afrika, marka laga soo tago dalalka Shiinaha, Turkiga iyo Mareykanka oo maalgashi ku sameysanaya Afrika.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=7160

Posted by on Oct 29 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...