|

DEG DEG- Gudoomiyihii Barlamaanka maamulkii Puntland oo iscasilay.

Siciid Xasan Shire oo ahaa gudoomiyihii golaha wakiilada ee maamulkii la odhan jirey Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu iscasiley ka dib markii uu sheegay in si inqilaab ah ay Askarta beesha C/Weli Gaas u qabsadeen dhismihii barlamaanka, wuxuuna sheegay in mooshin been abuur ah laga keenay asaga kaasoo la sheegay in ku dhawaad afartameeyo xildhibaan saxiixeen.

Shir jaraa’id oo uu gurigiisa ku qabtay ayuu sheegay inuu isku dhac uga baqay xaalada maamulkaasi, isla markaana si sharci daro ah la doonayey in xilka looga qaado, asagoo Eedeyno been abuur ah oo inuu Gaas xilka ku haysto ah lagu so dhoodhabay mooshinkaasi.

Siciid Xasan Shirre wuxuu sheegay in cudud askareed loogu faanay, isla markaana xoog la doonayey in looga qaado xilkaas balse asagu uu iska casile.

HORUFADHI.COM@GMAIL.COM

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=7123

Posted by on Oct 28 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “DEG DEG- Gudoomiyihii Barlamaanka maamulkii Puntland oo iscasilay.”

  1. wow habiqlayso kkkkkkkk

    maaamulada hareeraha xaaaraantii baa ka soo if baxday markaas bay afka wada goosteeeen

    waarkaas baaa nagu socda

  2. HABIQLAYSO HA BOOD BOODO

  3. Abdi maratoon darwiish

    Dulum ninkii dhitaystay ee dhiilaha ka

    Ka buuxsaday saaka ayuu dhamayaaye

    Dhanaan iyo karuur waxay yihiin baldhadhamiya

    dhagarqabayaal waataad idhibayseene dharaar

    iyo habaae cadawgaan iskadhicilahaa waa taad

    intaad dhinaca saarteen markaan kusoo

    Dhaqaaqaba waa taad intaad dhufayska

    ii gashaan dhinaca kaga tooganayseene

    anoo waahorrey idinka dhaqaaqay waa ntaad

    idabadhereeray deene markaan maamul

    Dhidhibada utaagay waa taad dhaar lamarteen

    Nimakii dhoohnaaye yaanay dheemanta

    Lasoobixin yaanay horre u dhaqaaqin ee aad

    isku dhaarsateen inaanan dhumuc yeelan

    nin qalbiga ka dhaawac riyaha dhaameelka

    Daaqa kama duwana iyo deeranoow dhidare

    idinka iyo nimakii dhoohanaa ee gaalk

    Dhaansaday dhagar taad somali iyo aniga

    ii geeysateen dhunkaashaad cunteen dheemantaad

    dhacdeen xoolihii bada ee aad bilaash cadawga

    ugu dhurteen qarankaad cadawga u loogteen

    Dulmiga iyo dhagartaad dhamaan inikii qarannimo

    u dhiidhiya intaad cadawga u dhuumataan

    dhiidhaada aad kadirayseen dhunkaasha iyo

    Dhiiga aad qudhqudhiseen balaan dhawro

    labadiina dhagarqabe ee dhagarta dhiilaha

    ka dhaansaday ee dhunkaasha laqay iyo

    Dhiig ay qudhqudhiyaan dharasraha soosocda

    idinkoo dhafoorka dhulka ladhacaya oo dhaawac

    xanuunbadan qaba dhaxalkaad dhifateen

    baad dharaartan dhamaysaane marhadii

    dhunkaashii cunaha idiin dhaafiweeyday dhagartiina

    aad ladhac dhacaysaan maxaa iiga gadhiisha

  4. Abdi maratoon darwiish

    Niman yohow shaydaanku dhaansaday

    ee qalbiga ka dhoohani dhagarrobadan

    Baad gasheen oo intaad dhiilaha ka buuxsateen

    Saaka aad dhamaysaane absamuhu waa

    niman dhoohan oo hore waxba umadhaa

    Daane waa niman taariikh aad u dheer

    Gumeeysigu dhufaanka ku hayee kii markay

    Dhibaan ama inay xabsi udhaadhici yaan

    ay noqoto kii dhalasho idiinku soo dhuunta

    waa taad intaad cadawga dhiidhaa u dirtaan

    idinka oo aan dhurruuri laydinsii dhidarrada

    U dhiibayseene idinka oo dhagartaa u

    Geeystay ayaad hadana intaad u sii dhuuma

    Taan ayaad dhegaha ugu sheegtaa dhallasho

    Ayaan wadaag naaye

  5. Abdi maratoon

    waad ku mahadsantahay maansada waa xaqqqiiiq in maamuladda hareeruhu ay dhamayaaaan dulmigiii ay dhiteeeysteeen

  6. Abdi maratoon darwiish

    Qariidahaye
    Gadaad waan ku salaamay
    dhacdooyinkii lasoomaray
    ee dhaawac iyo dhaliilba lahaa
    nimaan dharasrtan waxkadhihin
    saw dhaliilmaaha

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...