|

Khilaaf soo kala dhexgalay maleeshiyaadka S-Land iyo Baashe Maxamed Cadde.

Baashe Maxamed Cadde oo dhawanahan ku sugnaa deegaanka Karinta oo maleeshiyaadka Somaliland joogeen ayaa la sheegay inuu ka cadhooday horjoogayaasha maamulka Siilaanyo u qaabilsan maleeshiyaadka beesha Isaaq ee dulaanka ah.

Baashe Maxamed ayaa u yimid halkaas inuu maleeshiyaadkan Sland ku tir tirsiiyo inay jiida dagaaka tagaan cidamada Puntland ee caawinaya maleeshiyaad beeleedkana ay la dagaal galaan, balse waxa halkaas kala kulma wuxuusan fileeyn, waxaana lagu yidhi ” Ciidankayagu amar uma qabo inuu xabad ku rido Puntland  , balse Khaatumo haa”, Baashe ayaa weydiiyey inay sheegtaan deeganadan oo ay dhahaan waan xukunkaa , dadka shacabka ahna aysan ka daafaceyn Tiknikada PL, waxayse u sheegeen in amarkaas Hargaysa laga siiyey, Baashe oo xanaaqsan ayaa la hadlay magalaada Hargaysa waxaana lagu yidhi” Ciidanku amar uma haystaan inay Buntland la dagaalamaan”, Baashe ayaa ugu danbeeyntii maleeshiyaadkii u sheegay inay ka noqdaan karin” Dalkooda uga baxa, ma inaad dhabarjabisaan baad u joogtaan halkan”, waxaana arintan horufadhi u xaqiijiyey cuqaal reer Karin dabayl weyn ah oo arinta goobjooge ka ahaa.

Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Reer Qoriley ayaa horey ugu sheegay maleeshiyaadka Somaliland inay deegaanka iskaga baxaan, ayadoo ay ka warheleen in labada maleeshiyo kuwa Somaliland iyo kuwa Puntland ay wada shaqayn buuxda ka dhaxayso, isla markaana ay doonayaan arimo guracan oo mu’aamarad ka dhan ah dadka deegaankaasi iyo shacabkooda. Balse arintan ay soo nooleeyeen horgalada deegaanka ka soo jeeda oo ayagu doonayey inay shacabka ku beer laxawsadaan waxaan suuragal ka noqon karin maamulada hareeraha ee cadowga ah.

Xubno Kalabaydh ka soojeeda ayaa Aaminsana in Somaliland ay wax uga tarayso dagaalka Buntland iyo beeshooda ay kula jiraan dadka reer Qoriley, taasoo shalay si weyn u cadaatay, waxana ugu danbeyntii maleeshiyaadkii lagu soo ceshay fadhiisimadoodii Laascaanood.

Baashe Maxamed Faarax ayaa deg deg dib ugu soo laabtay dhanka Hargaysa, balse markuu marayey Burco ayaa dhiigu ku karay, wuxuun hada yaalaa cusbitaal Burco, warkiisii ugu danbeeyey waxa laga sheegay inuu iscasilayo sida ugu dakhasaha badan.

Odey goobjooge ah ayaa horufadhi u sheegay in wakhtigii doodu socotay ay telefoon ku wada hadlayeen saraakiishii Maygaaglleyaal ka dagaalamaysay ee Puntland iyo kuwa Somaliland ee karinta joogey, ayagoo taak taako ugu sheegayey horumarada dagaalka iyo khasaaraha gaadhayba.

Arinta ayaa daaha ka qaaday wejiga dhabta ah ee labada maamul oo dad badan ogaayeen balse laga yaabo in dad reer Kalabaydh ahi aysan ogeyn iyo kuwa Laascaanood joogaaba.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=6157

Posted by on Sep 30 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Khilaaf soo kala dhexgalay maleeshiyaadka S-Land iyo Baashe Maxamed Cadde.”

  1. Haddii ciidamada puntland dagaalka ku jiraan dee khaatumona ciidamadeeda ha geliso dagaalka…..ma wax laga cadhoodaa ???

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    horgale caqli ma leh haduu caqli leeyahey
    cadow uma shaqeeyeen
    ciidan uma ahaaden
    calooshi buuxdiyo
    cunto kuma xamaaleen
    caadiqatee ceeblowa oo ciil nabadey weeye

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
    Horgolayaal oo dhan Ceebtoodii waxaa soo bandhigay abwaan Suusle , Gahaan Xaglotoosiye.

  4. Isaaqba iyo mj intii dhib wadaa allaah BA arkee ha qabto

  5. War dadka magacxumada kadaaya meeye dadku khaatumo meeshiiba hadad horgale iyo snm ku sheegteen . Kkkkkkkkkkkkkkkkk

    War dhulka dadkii lahaa miyey geeriyoodeen Walee geeri waxba Ma dhamaan . Lol.

  6. Baashe hadduu sidaa yidhi oo lagu diiday waa laga saxanyahay. Meesha dab in lagu sii qabto maaha waa in la qaboojiyaa. Ma sidii koonfurta meesha laga rabaa, dadka nabad halloo daayo waa qabiillo is haya, wax maamul sheegtaa handee kuma jiraan waana ay dhammaamaydaa

  7. Waxaa loo bahan yahay in Khatumo ciidankeedu heegan la galiyo kabacdina deganka qoriley oo waxba u jirin saaxdheer ay tagaan. Dadweynaha qurbahana ay taaguleeyaan sidii ciidan shaqadiisu uga soo baxo. Hadoo kale ayaa loo bahan yahay in teleconference shaqeeyo oo lala hadlo guuto kowad.

  8. Aar soo dib jirey neef hadduu daacuftii geliyo oo kaga digsiiyoo Ilkaha dhiigga kaga daadsho dugaagaa yar-yari sawka cuna duugga hadhay maaha aday dilaye goormaa isaaq doollo iga qaaday. !!!!

  9. Ceeb waxaa inoogu filan maanta in harti dhexdiisa isaaq isu soo kaxaysto anagu waxaan ku celinaynaa daqiiqad walba tolow dhiigeenu yuusan macno la aan isugu daadan wali gogosha nabaadu waa taal dhanka magacley lana laabi maayo inta tolkayo caro goynayo waanu dulqaadan

  10. Waxaan la yaabay kuwan dagaalka ka dhacaya hawdka leh Isaaq baa ka danbeeya!!! Isaaq miyuu degaa Burtinle iyo Qoriley? Mise waxa hadalkan idinka keenaya cabsi aad ka qabtaan reerkaa?

    Runta isu sheega haday xitaa dacarta ka qadhaadhahay. Meesha laba reer oo reer miyi ah ayaa isku dilaya, hadaad awood leedihiin kala dhexgala intaad cid kale denbiga dusha kasaaraysaan.

    Kuwan horboodayaasha khaatumo ee leh ciidan Puntland ah baa dadka reer miyiga ah la dagaalamaya, haday taasu dhab tahay aaway idinka ciidankiinii aad islaamaha qurbaha jooga malaayiinka dollar kaga urusan jirteen?

    Ciidankii ma dagaalada bariga dhexe ka socda ayaad u dirteen?kkk

    Waxa layidhi beentu hal lug bay leedahay oo marka laqabto ayay kuftaa!kkk

    Waar dadka masaakiinta ah beenta iyo lugooyada ka daaya aakhiraa idinka danbaysee. Meeshaa 3 cisho fadhiisataanba intaad dab ka hurisaan oo ka yaacdaan ayaad oohin shaashadaha la soo fadhiisanaysaa oo dhahaysaan Puntland iyo Somaliland baa dad laayay! kkk

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Punt land Kolka qudhahaato eenu dagaal ciidan isku waajhaynaa waa kolka uu fikirkaasi qurbaha ka timid ee khaatumo soo af jaranto oo Cali khaliif na saxeexo somaliland inay deegaamadani ka mid ahaanayaan ilal abad

    Dharaartu Cali qalinka ku duugo 100% somaliland baanu raacnay oo ka mid ahaanaynaa ilal abad. Kolkaa weeyei

    Atleast 10000000 oo sano inay somaliland ka mid ahaanayaan waa inuu saxeexo
    weeye

    Haduu Cali taa yeelo waanu la dagaalami punt land sidii laascaanood Iyo si ka fudud baanu gacanta ugu wada dhigi dhamaan sool Iyo bariga fog ee sanaag

    Intaa ka hor sheekadu ma waxba Kama jiraan weeye kkkk

  12. aniga waxay ila tahay oo aan fari lahaa tolkay dhulbahante in puntland faraha laga qaado lana yidhaahdo waxaad dili kartaan dila yaan gamcuhu idin daalin wax allaale waxii ay sameeyaana wanaag lagu dhameeyo
    laakiin loo guntado sidii waxuushta loola jahaadi lahaa sland sheeganaya waxaana ku rajaweynahay in bahararsame hadda ay dareemeen magaciina uu dhamaaday wakhtigiisii oo ahaa ma dareemin
    waxaa la yidhi beryihii hore bahararsame waxay ahaan jireen dadka uGu dagaalyahansan dhul bahante Bi’iWAAYEE REERKA WAX KA BEDALA SIDAN NOLOL MAAHA waar waxaad khilaafteen garaadkii waar waxaad khilaafteen aqoonyahankiinii qayb idinka mid ah waa puntland qaybkalana waa s land ma sidaas baad ku miyir qabtaan hadda bedala magaca

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...