|

Daawo- Abwaan Yuusuf Suuslle oo Gabay Saameyn badan leh soo bandhigay-Video.

Abwaanka wayn ee Yuusuf Suusle ayaa wuxuu soo saaray Gabay Cusub oo la magac baxay XOOR SHINI HELAY, Waxaana Gabaygan inta badan Lagu xusay Xubnaha u shaqeeya maamulka Hargeisa ee kasoo jeeda deeganada khaatumo, Waxaana uu gabayga intiisa badan ku socdaa Saleebaan Xaglotoosiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abwaanka ayaa wuxuu gabayga kusoo bandhigayaa Taariikho hore oo dhacay,  Kuwa cusub, Sidoo kale waxaa gabayga Abwaanku ku xusayaa Rag badan oo caan ka ahaa Buuhoodle iyo sidii ay ka yeeli lahaayeen Dhuuni Raaca maanta dadka qaarkiis ay daba Ordayaan.

Sidoo kale Abwaanka ayaa wuxuu gabaygiisa uga hadlayaa dhibaatada iyo cunsiyarada Xubnahan kasoo gaadhay maamulka hagariesa, Siday ugu Sharaf Beeleen, Isagoona ugu danbayn ku sheegay “Rag uumbaad sidii xiin finiin u xakamaysnaane, ka xareedi meel lagu xamdiyo xaniyo laaluushka”

ABWAANKA

1 xaglatoosiyoow gabay markaan u xusbadaynaayo
2 hadba kii la xiisaynayaan xaraf ku duugaaye
3 nin waluba xanbuu leeyihiyo xogiyo taariikhe
4 adigana dhammaan waa xafiday tii laguu xulaye
5 xujo iyo dacwaan kuu sidaa aan xaddi lahayne

6 xeerkiyo ciqaabtaadibaa xaakimo horyaale
7 xabaal iyo ninkeedays hurranoo waa xaq geeriduye
8 raggii ceebta kaa xidhi lahaa waa xag aakhiro,e
9 xaajigii caddaa lama tuseen xoon midiidinahe
10 xinne waa ka dhiidhiyi lahaa xaaladdaa ugube

11 xanaaq kululihii ina colaad oo xukuma beesha
12 xirsi kuguma leelleeliyeen xero ma yeedhaane
13 xafti waranka baaruud nin ogi waa xantanayaaye
14 xuluulaystuhuu goyn lahaa xawl mariiddada,e
15 hurgun xiiray xiis iyo mixile xaashi iyo hiirad

16 xildhibeennadii joofay baan xay midna ahayne
17 xilkas iyo maggayniyo garbood xaas wal waal madhaye
18 waa duul xarraan qaad waliyo xaabo nooshahaye
19 kuwa haatan kugu xeeran baan xaaja gal ahayne
20 xabbadkaa laguu dhigi lahaa meel xaraarinahe

21 xasan iyo durraan kuuma dhalin xubinle miisaane
22 xodhxodhliyo cismaan baan lahaa waa xarrigayaane
23 labaduba inay ku xistiyeen yaa xaqiiqa ahe
24 xagjir iyo dhanbuu kaa ahaa xamaqi gaandaaye
25 sidii xooma geel oo dhashuu ku xigsin maalaane

26 xaskuumbuu galaa maalintuu kaa xantoobsado,e
27 mana oga xanshaashaqa socdiyo xeesha daba taale
28 amba kuma xaqirin maalintaad xiimaye ahayde
29 waataan xurmeeyaay lahaa waa xornimo doone
30 xubbigiyo kalsoonida muddaan kuu xabeebsadaye

31 nin xagaayo moodaan ahaa xays gu,yoo da,aye
32 xoor shiinni helay bay ahayd xuguguftaadiiye
33 illeeen xabagbarshiyo awlalbaa xarafna kuu yaallay

34 jeeroo mindida xiiraysaa xaabiso unuunka
35 xiddigaha ma eegaan wan wayn xaadirka indhuuye
36 adiguna ragbaad u xaglisaa kuu xabaal qoda,e
37 xabbadah kuwii dhac wadnaha kaga xeraynaayey
38 xarakada shabaabiyo sidii xuutigaw dile,e
39 miyay adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

40 arabsiyo xanuunkii dorraad xaaddu ku istaagtay
41 ee uu xaraarada qalbigu sii xammili waayay
42 xawayaanki cunay waa ogayn xaydarkii magane
43 miyay adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

44 sumalkii idaa xaylin jiray waa xammuurane,e
45 marhaddii xilligi haysimada xamilka loo siibo
46 xaadhsii malloolliga hirdida xayta mayraca,e
47 xangaruufo lama doonayiyo xagasho naageede

48 xambaarada markii lala fuqiyo xamagga miidaanka
49 halkii baashe lagu xoomayaad xaadir ku ahayde
50 miyay adigu kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

51 isagoo xafiis dawladiyo xarunti hoos jooga
52 oo xaariskiyo gaadhka iyo xoogguba ilaasho
53 nimankii fu,aad ku xafaree xaadiska u jiidhay
54 miyay adiga kuu xlanayaan waabad ku xigtaaye?

55 xarbigiyo dagaalkii burce,e la isku xayraamay
56 xamaamada yiroowiyo markii xasta loo qaatay
57 nimankaan xabbado dhawra odhan waa xulkii qarane
58 miyey adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

59 hadday xeeriyaan dhaqanka waa laysugu xidhmaaye
60 nin xishoonayaa inan la yaal waa xushmayn jiraye
61 ismaaciilba xaasuu qabiyo xaali kuma dayne
62 miyay adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

63 xinjirta iyo dhiiggii mataan waa xasuusnahaye
64 waatay xagaa hore dhigeen xagida ceel dhaabe
65 abti kuma xurmayniyo hadduu xidid la noolaaye
66 miyay adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

67 rakalaan sidii loogu xalay cidiba xaalayne
68 xajiin godoble buu iiga tegey xaaji saadleba,e
69 xalwad uga macaanaa kuwii xiir is yidhi looge
70 miyay adiga kuu xilanayaan waabad ku xigtaaye?

71 xilka qaranka saar baan lahaa waa xejinayaaye
72 xamar iyo kismaanyaan lahaa wuu xukumayaaye
73 xadheere xeebaha qandala xaabo iyo geeso
74 meesha iyo xaafuun ninkaan uga xadraynaayey
75 ee aan ninkaan u xafladayn xawdh la daba joogay
76 ee aan xariirta huwiyee ku xarragoonaayey

77 maruumbay islaamo u xardheen xuubki caarada,e
78 xaadhxaadhatiyo buu u galay xabagle iidoore
79 xiniyaha lagaa jeex muxuu dhiiqo ku xamaartay

80 xaawalay hinaastiyo dhakool xadisma dhaamaane
81 labadaba xinkiyo buuqu waa duul xasaradeeye
82 xaaraan la kala boobayuu xaynbale arkaaye
83 markaasuu xabeeb qaylo dheer xiiqay keligiiye
84 isagiyo xumboogii indhiyo xaabsadiyo dawdar

85 iyo xaaduqii shalay taleex nagu xasuuqaayey
86 nin waluba lafbuu xaganayaa xaarwada agtaale
87 cad waraabe ka xishoonayey xuunsho la cunaane
88 ximaar waluba waa soo ciyaa xaab markuu cuno,e
99 miyaa aniga lay kala xigaa waa xammaal cadawe

100 xarumaha dhulkaagoo rag kale kugu xaduuraayo
101 in sokeeye loo xaydan yahay waa xigma la,aane
102 adigiyo cambaashaha xargega xaydha ka hiraabtay
103 ee weli ka xarakaadayaa waa xad gudubteene
104 xawdheer ma gaamgaambiyeen xiiranii yimiye

105 xuddun iyo negaad wayne iyo ximanka laascaano
106 waatay xaraasheen nugaal xeedha goysyaduye
107 adna hawd xoraysaa la yidhi oo xirsi u jooge
108 markaad xuur ahayd iyo haddoo xaaddu ku caddaatay
109 halkii lagugu xaasaamin jiray xaasid haw noqone

110 waxba hadalku yuu xawli dheer ila xawaarayne
111 halka ay xuduuddeennu noqon aan ku soo xidho,e
112 adoo tacabki ciise,e xasilay ka xajo mooyaane
113 oo xoolo booliya ku tegin xaramki mooyaane
114 xalaaloobimaysodoo waxbay kugu xambaareene

115 mar haddaadan xeerkii tollimo igu xaq dhawraynin
116 oo xagarsarara wayniyo shaxdii xalay ka guuraysay
117 oo cadawga kii ugu xumaa iila xulufaysay
118 xabashida lugdhuub soo wadiyo xayle kaa mudane
119 xidheedhkeenna go,ay waa midaan xal igu laabnayne
120 raguumbaad sidii xiin finiin u xakamaysnaane
121 ka xareedi meel lagu xamdiyo xaniyo laaluushka

By Abwaan Yuusuf Suusle

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=6147

Posted by on Sep 29 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo- Abwaan Yuusuf Suuslle oo Gabay Saameyn badan leh soo bandhigay-Video.”

  1. Gabayga meelo badan baad khaladdeen sida:
    37. Xabadaha kuwii DhALAC wadnaha kaga xareynaayey (wuxuu u jeedaa kornayl dhalacii madaxtootada lagu dilay)
    56. Xamaamada Yiroowiyo markii MAXASTA loo qaatay
    73. XARARDHEERE xeebaha Qandala XAABBO iyo Geeso
    Iyo meelo kaloo saxid u baahan baa ku jira ee dib u saxa gabayga.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Ceegaag. Duq birqaaye, waa naanays wanaagsan. Ishaad ka riday, Somaliya waxa ka hadhay inta...
  • Rasta buuni: Burco miyaad iskala jeclaatay in wax lugu kufsado..burco dhakhtar ayaa loo keenay meesha lugu kufsaday...
  • Ceegaag: Horta wax deked Somaliyed la yidha ma jirto, wayo deked walba qabiil baa mulkiyay. Sidii loo yiri ciidanlii...
  • Jamaal: Hhhhhhhh baleeg waxaad news joogna dhigeysid
  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...