|

Daawo- Jaamacadda Ilays oo laga daah furay Laascaanood -Sawiro+Video.

Furitaanka Xafladda Jaamacada Umadda ILAYS National University ayaa maanta ka dhacday hotel mustaqbal ee magaalada laascaanood waxaana ka soo qeyb-galay boqolaal iskugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada degaanadda sool sanaag iyo cayn iyo waliba degaano kale oo kamid ah degaanada soomaalida.

Hadalo kooban oo ku saabsan furitaanka Jaamacada Umadda ILAYS National University iyo waxyaabaha ay oga duwantahay jaamacadaha kale ee dalka ka soo jeediyay mas,uuliyiinta jaamacadda oo ku dheeraaday qaab cusub qalab cusub ay ku soo kordhiyeen waxbarashada heerka jaamacadeed.

HALKAN KA DAAWO QUDBADAHA IYO XAFLADDA…

 

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Proff C/Risaaq Lafoole oo ka soo qeyb-galay furitaanka jaamacada umadda ayaa soo dhaweeyay jaamacadaha sanadkan ku soo badanaya magaalada laascaanood wuxuuna balan qaaday inuu la shaqayn doono hormarinta waxbarashada degaanadda sool sanaag iyo cayn

Gudoomiyaha dallada waxbarhada Ilays isla markaana ah Aaas aasihii Jaamacadan Proff Abdisalan Maxamed Xuseen Tunkub ayaa ka warbixiyay heerarkii ay soo martay waxbarashada maantana uu keenay jaamacad cusub oo wax badan ka badali doonta hormarka deegaanka

Xubnihii kale ee Xafladda ka Hadlay Waxaa ka mid ahaa; Aqoonyahan Jaamac C/Laahi Caydiid oo ka tirsan Bahda Waxbrashada iyo maamulka Machadka Daraasaadka Islaamka ee Alfurqaan Intitute wuxuuna xusay inay soo dhaweynayaan Jaamacada cusub ee Ummada Ilays oo uu sheegay inay tahay Jaamacad wax badan kusoo kordhinaysa baahida loo qabo Barashada Cilmiga Computer Science-ka, isagoo mas’uuliyiinta Jaamacadda ku boorriyay inay ku ballaariyaan Jaamacadda guud ahaan dalka.

Dalladaha Waxbarashada  gobolka bahda qalinmaalayasha gobola Sool , Culimaau’diin Aqoon-yahanno, ururrada dhalinyarada,iyo kuwa Bulshada, Haween iyo marti-sharaf kaloo farabadan ayaa dhamaantood waxay amaaneen Jaamacada Umadda ILAYS National University oo goobta ku soo bandhigay waxbarasho casri ah oo ay u gooni tahay jaamacadda Umadda.

Ilays1 ilays2 ilays3 ilays4 ilays5

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=5348

Posted by on Sep 11 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo- Jaamacadda Ilays oo laga daah furay Laascaanood -Sawiro+Video.”

  1. Waxaan hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaa ina Prof. Abdisalam Mohamed Xuseen (Tunkub) iyo dad gacanta ku siiyay iyo hirgeliyo Jaamacadda Ilays. Waxaan hubaa inay wax badan ku soo kordhindoonto degaanka. Alle dadaalkiisa ha ku garab qabto.

  2. Waa soo dhaweynaynaa taasaa la dhahaa horumar iyo isku tawhi balse jid yar oo cashuurtii aan ka ahayn hal percent in horumar lagu sheegaa wax maahaa.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.