|

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaal Khasaare dhaliyey oo ka dhacay Gumburka & Qoriley dhexdooda.

Ka dib weerar culus oo ka yimid dhinaca deegaanka Mudug oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka ka soojeeda beesha Cumar Maxamuud ayaa waxa ka dhashay khasaare nafeed, ciidamadii duulaanka ahaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen dadka deegaanku ayadoo la isla galay gobolka Mudug, gaar ahaan duleedka deegaanka Magacley, waxana wararkii ugu danbeeyey sheegayana in ugu yaraan sadex qof ay ku naf baxeen dagaalkaas.

Waxana la sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay yihiin maleeshiyaadkii ka soo duuley dhanka Mudug, halka mid kalena ka soo jeedo deegaanka. Shalayna weerar ay ku qaadeen deegaanka Gunburka maleeshiyaadkani ayey ku dhaawaceen wiil yar oo 3 sano jira, kaasoo lagu dabiibayo Laascaanood walow kelyihiisa dhaawac weyni gaadhay.

Dagaalkan ayaa dadka deegaanku sheegeen inuu ka danbeeyey mid la siyaasadeeyey, isla markaana labada beelood ee walaalaha ah ay isku dirayaan dad u shaqaynaya labada maamul ee isku hadafka ah, kuwaasoo doonaya in culays la saaro arimaha xoreynta iyo kuwa kale ee abaabul ee deeganadaasi ka socdey kuna wajahnaa Laascaanood.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=4900

Posted by on Aug 30 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaal Khasaare dhaliyey oo ka dhacay Gumburka & Qoriley dhexdooda.”

  1. su’aal

    xagee mudug iyo sool xuduud ku yeesheen, la garay dhinacaasi iyo itoobiya hadaad ka hadlaysaan,

    laakiin mudug oo ah somalia, xageed xuduud ku yeelateen. illeen sool waxay xudud la wadaagtaa, koonfurta gobolka bari ilaa nuugaal.

    waana kan mapka jamhuuriyadii la isku odhan jiray somalida

    http://www.un.org/Depts/Cartographic/map/profile/somalia.pdf#search=%27somalia%20map%27

  2. Nin reer burco ah ayaa laga hayaa maxaa dhakh Nebiga baratay immika waxaan uga socdaa maxaa halamashle daarood isaaq maqlay kkkkkkkkkkkkkkk

  3. dagaaal iyo xumaaaan bal aan aragno caaanaha iyo wanaaaga ay ka dhamaan/cabaan idooor futoxume iyo mj faaan badane

    colaaaad iyo isku dir faaaiidadeeda dadka reer khaatumo wax ha kasiinina

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Suaal, qaabka dawlada Khatumo, xubnaheeda xilalka ka haya, ma waxay ku wada jooggaan, nidaam iyo...
  • ali: dulqaadkii waa naga dhamaaday, waxay joogta wakhtigii dhegta dhiiga loo dari lahaa majeerteen. wixii dhacaya ha...
  • Ali yusuf: Way Ina qosliyen Borama laga kopigareyey
  • wiil aadan cigale: Dadkii reer Puntland oo walaalihiin ahaa oo maanta madaxwaynohooda soo dhaweeyay ma quuri waydeen...
  • Ceegaag: Turab, Marka xaqiiq laga hadlo cid ammaanani ma jirto reer SSC, ha ahaadeen ISIMMO ama SIYAASIYIINBA ee uu...