|

Daawo-Kulankii Balaadhnaa ee wasiirka xidhiidhka caalamiga ah, Jaaliyadaha & Qorsheynta & Bulshada Columbus-Sawiro.

Shirweynaha safarka Waqooyiga Amerika ee uu horkacayo wasiirka Xidhiidhka caalamiga ah, Jaaliyadaha iyo Qorsheynta ee dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State Dr. Maxamed Ibraahim Duaalle{Aftaag} ayaa mid ka mid ah kulamadii ugu waa weynaa ka dhacay magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, Kulankan oo isugu jirey soo dhaweyn wasiirka iyo kala warqaadasho ayaa waxa ka hadlay madaxda , sida Saraakiil, Madaxdhaqameed, Aqoonyano iyo madaxda sar sare ee gudida Jaaliyada ee Gobolka.

Waxa ugu horeeyn Aayadaha Quraanka kariimka ah, halkaas ku daah furey Sh Kayse Xasan Golongol, asagoo Aayadka Eebe ku soo qaatay muhiimada uu lee yahay wada tashiga ku salaysan dulmi la’aanta.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo ee gobolkan Mudane Cali Garaar ayaa daahfurka shirka oo boqolaal qof joogeen qudbad daaran halkaas ka soo jeediyey, wuxuuna si weyn ugu soo dhaweyey gobolka iyo Jaaliyaddaba Wasiirkooda oo hawlaha adag ee shaqo ku maraya Qaarada Amerika gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Canada.

Waxa Sidoo kale hadalka iskaga danbeeyey Gen. Ahmed Mohamed Abdi{Ahmed Shukri{, Odey Abdullaahi Nuur {Faracadde}, waxgarad iyo odayaal kale, kuwaasoo dhamaantood wasiirka ku soo dhaweeyey gobolka, isla markaana bogaadiyey shaqada qaran ee dalkiisa, deegaankiisa iyo umadiisa uu u hayo. Labada Odey ayaa si isku mid ah wasiirka iyo weftigiisa ugu soo dhaweeyey magaalada, isla markaana Gen. Ahmed Shukri ayaa sheegay in wasiirku yahay dadka wax u bartay Khaatumo iyo Soomaali, isla markaana ay ka rajeynayaan inuu ka midho dhaliyo xil weyn ee uu umadda u hayo.

Waxa dhinacooda kaalin weyn cayaaray haweenka ayadoo halkaas ay qudbad iyo gabayo xigmadaysan ka soo jeediyeen haweenku, ayadoo Aamina Saleebaan Maxamuud{Maraweyn} ay halkaas qudbad qiiro badan leh ka soo jeedisay, ayadoo wacad ku martay inay gurigeeda hantida ah ee ugu weyn ay ku wareejin doonto Khatumo hadii xoreynta la bilaabo, Abwaanadda weyn ee Faadumo Cali Sahal{Darwiisho} ayaa gabay qiimo badan oo ay uga warantay taariikhda dheer ee halgan ee Qoyska reer Ducaalle Aftaag halkaas ku soo bandhigtay.

Abwaan Abdelsamiic Xasan Boobe ayaa dhankiisa soo bandhigay gabayo wax ku Ool ah.

Ugu Danbeyntii qudbad si weyn loo wada sugayey, hanatayna sacab iyo dareencelin weyn ayuu halkaas ka soo jeediyey Wasiirka Arimaha debeda, Xidhiidhka Jaaliyadaha iyo Qorsheyntu Dr Maxamed Ibraahim Ducaalle{Aftaag}, wuxuuna wasiirku ka sheekeyey in sadexda qaybood ee wasaaradiisu ka kooban tahay ay yihiin sadex waaxood oo midkasta muhiimadeeda, waajibaadkeeda iyo mas’uuliyadeeda lee dahay, midkastana wax weyn laga qabtay in laga shaqaysiiyo, wasiirka oo qudbadiisa ay kolkastaba hadheenayeen sacab iyo soo dhaweynta shacabku, ayaa aad ugu dheeraaday wax qabadka arimaha debeda, guulaha la gaadhay, mashaariic xoogan oo soo fooleh, iyo dedaalka hadhsan ee hawl sanadeedkan oo ah mid wasiirku sheegay in la afar jibaari doono.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale ka waramay shirka Balicad, asagoo sheegay inay halkaas dedaal xoogan ka wadaan Madaxweynaha khaatumo Pro. Ali Khaliif Galaydh, Ku xigeenkiisa Mudane Abdull Cagalulle, golayaasha wasiirada iyo barlamaanka oo madaxdiisa wata, wuxuuna shirkaas ku sifeeyey mid dawladdu ay ku dardargelinayso waajibaadkeeda , isla markaana talada ku baahinayso lana wadaagayso shacabka iyo madaxdhaqanka ee Khaatumo oo sida wasiirku sheegay shirka doorweyn ku leh.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii diirada ku saaray qudbadiisa oo dheerayd arimaha midnimada, wadajirka iyo iskaashiga dadweynaha reer SSC ee Khaatumo iyo dawladda lafteeda, wuxuuna sheegay in ta guusha lagu gaadhyaa kaliya ay tahay Midnimada, asagoo hadalkiisa Kolkastaba dhextaal uga dhigayey.

Isku soo wada duuboo shirweynaha Columbus ku qabsoomay aya ahaa mid Wasiirku sidoo kale uu boodhka uga jafay qalbiyada jaaliyadda asagoo ku booriyey inay hawlihii ay hayeen laba jibaraan si loola jaanqaado shaqooyinka adag ee gudaha ka socda. Wuxuu dhalinyarada reer Khaatumo ee Maraykanka ku dhaqan isla markaana wax bartay ugu baaqay inay ka qayb qaataan doorashooyinka dalkan ka qabsoomaya sanadka danbe, si buu yidhi ay umadda ay la dhaqan yihiin wax ula qaybsadaan u noqdaan kuwa dalkoodii wax tari kara Jaaliydaha SOomaaliyeedna wax u uga goyn kara dawladda Maraykanka.

Min1 min2 min3 min4 min5 min6 min7 min8 min9 min10 min11 min12 min13 min14 min15 min16 min17 min18 min19 min20 min21 min22 min23 min24 min25 min26 min27 min28 min29 min30 min31 min32 min33 min34 min35 min36 min37 min38 min39 min40 min41 min42 min43 min44 min45

 

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=4802

Posted by on Aug 29 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo-Kulankii Balaadhnaa ee wasiirka xidhiidhka caalamiga ah, Jaaliyadaha & Qorsheynta & Bulshada Columbus-Sawiro.”

  1. Maansha allaah,
    noolaada, midnimaa Danteenu ku jirtaa.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...