|

Maqaal. Reer Balicad gobonimada iyo wakhtiga dibu habeynta Khaatumo.

Dadka iyo deegaanka reer Balicad waxay muujiyeen ficil gobonimadoon oo dhankooda kaga aadan wakhtigan adag ee Khaatumo iyo shacabka SSC wajaheen, waxay shafka u dhigteen qaybtoodii muhiimka ahayd ee kaga aadenayd xoreynta iyo difaaca deeganada Khaatumo ee cadowga beesha Isaaq iyo waxa ay cagaha ku jiidataa ku hanweyn tahay inay wada hantaan.

Reer Balicad madasha ay shirka u diyaariyeen, heerka sareeya ee meeqaamka iyo qiimeynta leh ee ay u qaabileen waftiga madaxweyne Dr. Ali Khaliif Galaydh iyo wufuuda kale waxay muujisay gobonimada ay caanka ku hayaan reer Balicad oo markale ay hoosta ka xaqiijiyeen, ayagoo markan gartay in doorkoodu yahay mid lama huraan ah meel adagna ay uga soo baxeen lahaanshaha maamulkooda iyo isku xukunka masiireed ee ay lee yihiin.

Deegaankasta oo Khaatumo ah waa muhiim, waana tagan yahay doorkiisii, waxana muhiim in cidkastaa iy deegaankastaa garto in hadii mas’uuliyada iyo halganka qaybtiisa uu qabto in guushu soo deg degayso, lana hanan doono dhawaan ayadoo manaafacaadka laga helana la wada yeelanayo, sharafta, ciziga iyo karaamaduna tahay mid la wadaagayo, halka ceebta iyo dacdaradu maanta guud ahaan shacabka Khaatumo wada haysato in lagu sugan yahay magaalo madaxdoodii Laascaanood.

Dardaregelinta iyo dibu habeynta Khaatumo ee lagu guda jiro maalmahan madaxweynuhuna horkacayo waa arin u wada taala reer Khaatumo oo ay ugu horeeyaan mas’uuliyiinta xilka haya hada, kuwaasoo horkacaya shacabka gudaha oo hada badankiisu u eg inuu bislaaday fahmeyna, cadowga iyo toogtiisa durugsan ee dhagarta badan, waxa la gelaya wakhti Soomaali ay wax qaybsanayso si kastaba ha u qaybsatee, waxana la joogaa wakhtigii jaliyaduhu dhankooda la jaan qaadi lahaayeen dhaq dhaqaaq iyo dhiidhiga guda joogta, si taageerada qurbajoogtu wax tar u noqdo waa inuu hada la jaanqadaa dhaq dhaqaaqa gudaha iyo hawlaha adag ee madaxda Khaatumo oo iskaashanyaan wadaan, taasoo noqon doonta mid midho dhasha sida ugu dhakhsaha badan.

Barnaamijkastoo dawladdu keento hadaan la isugu tegin oo laga midho dhalin dedaalkeenii hore ayaa wiiqmaya, waxana kobcaya fursadhaa maamulka nabadiidka ah iyo maleeshiyaadkiisa , halka maamulka kale ee dad doonka ahina uu asaguna fursad taasoo kale ah helaayo.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=4694

Posted by on Aug 26 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.