|

Warsaxaafadeed: Inta badan Xisbiyadda Soomaaliya oo ka soo horjeestay go’aankii Dibudhaca Doorashada, kana digay Kororsi.

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa waxay ka soo horjeesteen go’aankii Labada Gole ay ku gaareen in doorasho qof iyo cod aanay dalka ka dhici Karin.

Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay muddo dheer raadinayeen inay qiil u helaan muddo kororsi aan sharciga waafaqsaneyn inay sameystaan.

Hadaba War saxaafadeed oo uu ku saxiixnaa Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed Nuur Bocor Jeelle ayaa sidan u qornaa:-

Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed            Council for Somali Political Parties

Anagoo ah Isbaheysiga Asxaabta Siyaasada Soomaaliyeed, waxaan muddo dheer la soconay in Xukuumadda iyo Baarlamaankuba raadinayeen in ay qiil u helaan muddo kororsi aan sharciga waafaqsaneyn, ayna ku xadgudbeen Dastuurka ay sheegeen in ay ku shaqeynayaan Qodobka 22-aad farqadiisa 1 & 2.

Labada Gole ee Dowladda waxay ku heshiiyeen in aysan suurogal ahayn Doorosho 2016 ka dhacdo Dalka, mana sheegin Hay’adaha Dowladda ee badali doonaa qaabka lagu soo dooranayo, halkaas waxaa ku qarsoon muddo kororsi, taas oo ay ka gaabiyeen Fulinta waajibaadkoodii shaqo ee ay Shacabka u balan-qaadeen in ay fulinayaan.

Baarlamaanka wuxuu diiday in uu anxisiyo Sharciga Asxaabta iyo Maxkamadda Dastuuriga ah oo muddo dheer hor-yaalay, asxaabtuna kala shirtay Baarlamaanka, taasi waxay muujinaysaa in ay doonayeen sii jirtaankooda iyo muddo kororsi, si ay u sii lug-gooyaan Umadda Soomaaliyeed.

Ma jiro wax balan-qaad ah oo ay fulisay Dowladda ama Baarlamaankuba marka ay shirayaan 3-meelood 2-meelood ayaa ka maqan Shirarka caadiga ah intoodii badana waa Qurbo joog oo aan wax xiriir ah la lahayn dadka Dalka ku nool oo ay matalaan.

Maamul Goboleedyada qaar-baan dhisnayn kuwa dhisana khilaaf baa kala dhaxeeya Dowladda Dhexe oo ay Shirarka uga maqan yihiin, loomana sameyn xuduudihii kala xadeyn lahaa Maamul Goboleedyada, arrintaasi waxay dhaawac weyn ku tahay Jiritaanka Dowladda Dhexe iyo Qaranimada Soomaaliyeed.

Doorosho waa dhici kartaa, waxayna ka dhici kartaa Deegaamada Dowladdu gacanta ku heyso oo ay Caasimadu ugu horeyso iyo Maamul Goboleedyada dhisan, sidoo kale Gobolada aysan ka dhici karin Doorasho waxaa loo sameyn karaa Xeer u gaar ah ama Nominate, haddii ay taasi suuro-gali-weydo waxaa la sameyn karaa sida qaabkii hore ee lagu dhisay Dowladda hadda jirta oo ah qaab Beeleed.

Guddiyadda Madaxa banaan ee la rabay in la dhiso xili ay wax qaban karaan lama dhisin hadda waxay dhisteen Guddi u gaar ah Dowladda Dhexe oo aanay kala tashan Maamul Goboleedyada dhisan, qeybaha Bulshada, misna iyagii dhistay ayaa aami-waayay oo ku dhawaaqay in aysan doorasho dhici karin.

Haddaba, labada Gole ee Dowladda waxaan ugu baaqeynaa in ay ka laabtaan go’aanka aan dariiqiisii loo marin ee sii kala fogeynaya Shacbiga Soomaaliyeed.

Sidaasi darteed, waxaan leenahay lama aqbali karo hal maalin in ay kororsadaan Shacbiga Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa in ay ka feejignaadaan dibin daabyada Dowladda waqtigeeda sii dhamaanayo oo ay xajistaan Midnimadooda iyo Qaranimada Umadda Soomaaliyeed, Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in aysan u ogolaan muddo kororsi, maadaama mudadii hore ay ku lumiyeen isqab-qabsi dhexdooda ah oo aanay waxba u qaban Dalka iyo Dadka

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=3548

Posted by on Jul 31 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.