|

Warbixin: Ujeedada Siilaanyo iyo wasiiradiisii faraha badnaa ee booqday Laascaanood.

Dhawaan waxa Laascaanood  soo buuxdhaafiyey koox uu hogaaminayo Odeyga da’da ah ee Siilaanyo, kaasoo watay inta badan kooxdiisa wasiirada, ee maamulkiisa Hargaysa.

Hadaba culyaska intaas le eg ee kooxdan ayaa shabakada Horufadhi ku ogaatay inay keentay culyas kaga yimid deeqbixiyayaasha oo uu malaayiin dollar maamulkiisu kaga cunay inay horumarinayaan deeganada SSC ee ay haystaan, waxaana la sheegay in warbixinihii ay gudbinayeen 5 sano ee u danbaysay ay ku sheegayeen inay dhulka Khaatumo geliyeen malaayiin Dollar oo ahayd lacagihii loogu soo dhiibey.

Kuurgalida iyo dabagal dheer ayey beesha caalamka u gudbiyeen maamulka Khatumo State, ayagoo ku qanciyey in lacagahaas aysan Hargaysa iyo Burco soo dhaafin, waxana waraaq tafaasiil ah loo direy kooxda Hargaysa oo lagaga codsanayo inay keenaan cadeynta iyo xisaab celinta dhaqaalihii xooganaa ee ay deeganadaas ku qaateen, taasoo natiijadeedii noqotay inay tuulooyin xeebaha ku yaala oo aan kaba tirsaneen dhulka SSC ay sheegeen inay gasheen lacagihii.

Deeqbixiyayaasha caalamka ayaa jawaabtoodii noqotay in xisaab celin iyo Kaashkii la siiyey dib looga rabo maadama aan la geyn dhulkii loogu talo galay Sool , Sanaag iyo Cayn, waxaana arintaasi ay keentay inay hada ku hamabaraan, ayadoo lacagtaas badankeedii lo isticmaalay hub maamulka Somaliland iibsaday iyo dagaaladii Kalshaale ka dhacayey oo ay ku fan gareeyeen.

Magaalada Laascaanood ayey haatan ka wadaan waxay ugu yeedheen wadooyin, taasoo ah 2KM , ayadoo arin lagu qoslo ay ku tilmaameen xeeldheerayaashu in laba KM oo qof ganacsade ah sameeyn karo lagu tilmaamo waxqabad.

Kooxihii kala duduwanaa ee Laascanood ku soo dhaweeyay ayaan haba yaraatee waxba kala socon siyaasadda iyo sawiradda laga qaadanayo, ayagoo aan waxba ka ogeyn waxyaalaha dunidu maanta kala ceeshayso, iyo in deegaankooda malaayiin Dollaraadka Amerikaanka ah lagu qaatay, laguna Laaluushayo waxii magacooda lagu helay.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=3556

Posted by on Jul 31 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Warbixin: Ujeedada Siilaanyo iyo wasiiradiisii faraha badnaa ee booqday Laascaanood.”

  1. DADKA REER LAASCAANO HADAY HORUMAR IYO CADAALAD RABAAN HALA LA SHAQEEYAAN MAAMULKODA KHAATUMO STATE OF SOOMALIA WALAAHI AYADA AYAA KU FILAN WAAYO BIYO SACABADAADA AYAA LOOGA DHARGAA NINA INTA UU KUU JIRO KUUMA SOO DHAAFO AMA SI KALE HADAAN U IRAAHDO SHISHEEYE {SOMALILAND} WAX IDIIN QABAN MAYSO DHULKA KHAATUMANA MAANTA WAA DHULKA UGU HORUMARKA IYO DHAQAALAHA LIITA EE DHAMAAN GOBOLADA SOOMAALIA TAAS MACNAHEEDU MAAHAN IN ADUUNKU UUSAN WAXBA SIIN DHULKA REER KHAATUMO EE WAA LACUNAY DHAQAALIHII ADUUNKU DADKA DHULBAHANTE UGU TALAGAY ISQAAQ AYAANA KU HORUMARSADAY MAGAALOOYINKOODA ISLAMARKAANA CUNAY EE DHULKA HALA XOREERO FADHIGA HALAGA KACO WAXA DHIBKAAS INOO GAYSANAYSANA WAA BEEL INA LAMIDA OO AAN WAXBA INA DHEEREYN

  2. maamulka somaliland keliya muu qaadan caawimadii loogu tala ģalay goboladaa SSĆ ee maamulka puntland-ba wuu ku a jiraa labadaa maamul ayaa ka la qaybsada..wuxuu siilaanyo la kolosh kolosh lahaa xitaa fiisihii maraykanka ayaa loo diiday

    Şi kastaba ha ahaatee ninka ragii haduu tashan waayo waa loo talin,,,waxaa kaloo soomaalidu tidhaahdaa ninkii seexday ayaa sicii dibi dhalay..ilaahow rag xumada ñaga saar Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

  3. Maan garan!!! waxa dhuloos ayaan daradooda cid kale u saarayaan, waligood ceel may qodan, waddo ma ku hamiyin, dilaay iyo yaa reer hebellaay mooyee wax kale ma yaqaaniin, waa reer baadiye qurunna, waa nimanka tolkood iyo jaarkoodda cadawga u yaqaan, siday ku horumarayaan.

    Tijaar ma leh, xeeb ay degaan ma jirto, halka rabbi ku beeray waa oomane. Waa raacato, ari iyo geel daba galla, qodaalka maba yaqaaniin. Waxa ayna rabaan inay faanaan!!!!!!!.

  4. Adigan Dareenkiyo kugu Raacay Dookhee. !!!!!!!!

    http://youtu.be/j-Vdp78fwso

    Tubeec

  5. Uk’s prime minister David Cameron who I thought methodical politician described illegal immigrants As (swarms ) yacayaan. These immigrants are escaping from the poverty, prosecutions, and deserve to be given a shelter . !!!!!

    I believe in there will be a day that illegal westerners migrate to Africa . Africa and Somalia are full of resources. We will exploit our resources and people’s Africa shall prosperous and succeed .

  6. Qoraha maqaalkan ma jaamacada Saaxdheer buu ka soo baxay! Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay inuu ka dib markuu baadhitaan dheer sameeyay uu ogaaday xogta Axmed Siilaanyo iyo wasiiradiisu Laascaanood u tageen. Lacag la “cunay” buu sheegay oo hada deeqbixiyayaashu ku haystaan Somaliland!!!

    Waxaas oo xoga hadaad hayso maxaad meesha cadayn u soo dhigiwayday???

    Bal waxa saxafiga isku sheegaya bilaahi calaykum u fiirsada waxan uu soo malmaluuqay.kkk

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Anigu waxan la yaabanahay kharashka faraha badan ee ah cashuurtii dadka masaakiinta ah laga ururiyey inlayn inlayn gacma hoorsigii aduun weynuhu beri hore ayuu ku baxaya safarka dheer ee laascaanood ilaa Ceerigaabo tirada sidaas u badan ee wasiirada ah ee luudinaya raqayo siilaanyo oo tiisiiba cuslaysey,ayadoo la leeyahay cisbitaalkii guud ee HARGEYSA ayaa bukaan jiifkii ku jirey DIRXI ku galay.Bal hada billaahi calaykum dadkiina islaamka ahow arintaas idinku wax ka djhaha.

  8. Cagey bila macnow cimriga allah baxsha waa deeq allah kusiiyay somalina waligeed talo oday bay ku noolayd ee talo caruureed laguma guurin cali khalifna waa isku xili wana saxib waxad uga marmi waydey waa talo aad ku ogtahay silanyona lascanod waa lagq doortay inuu wax uqabtana waa rabaa ninkii ka wasakhee is lahi waa yeelkii wadadii ceerigabana waa socotaa oo xaqbuu uleyahay inuu ogado oo indhihisa ku soo arko bal cali khalif ilaa 1970’s kii masul biu ahaye waxuu sool usoo qabtay sheeg aan ahayn caruurtaydu wax habarato kuwiinuna hadhinten

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...