|

Khudbaddii Prof. Cali Khaliif Galaydh ka jeediyey Cadaado 24kii July, 2015 : Faalo.

Khudbaddii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ka jeediyey madasha caleema saarka Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Maamulka Gobolada Dhexe ee Cadaado ma ahayn khudbadiisii u horeysay ee uu kaga hadlo qadiyadda dadka reer Khaatumo iyo midnimada Soomaaliya.

Tobanaan khudbadood ayuu arrimahaas kaga hadlay isagoo dalka gudihiisa iyo dibediisaba ku sugan. Khudbadani waxay kuwaas hore kaga duwanayeyd iyadoo magaalada Cadaado kulmisay saddex arrimood oo aan Professor-ku hadda ka hor goob keliya ka wada helin si uu badheedhihiisa u soo bandhigo. Saddexdaas arrimood waxay ahaayeen:

 

1- Iyadoo ay madasha joogeen Madaxweynihii dalka iyo wasiiro iyo xildhibaano ka socda Dawladda Dhexe iyo madax ka socota maamulada qaarkood.

 

2- Iyadoo ay goobta ku sugnaayeen madax-dhaqmeedkii iyo wax-garadkii kale ee Gobolada Dhexe iyo kuwo ka yimid gobolada dalka qaarkood iyo dad weyne fara badan oo degaanka ka soo jeedaa.

 

3- Iyadoo munaasabaddu ahayd mid lagu caleema saarayo madaxda maamul goboleed cusub oo abuuridiisa ay qayb libaax ka qaateen Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dalku.

4- Xubno ka socday beesha Caalamka oo ayaguna ka makhraati noqonday furiintaas dhulgariirka ahayd ee Soomaali quluubteeda wax ka bedeshay.

 

Waxa Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh sheegay in wafdiga Maamulka Khaatumo ka socdaa Cadaado u yimid si uu maamulka cusub ugu hambalyeeyo kuna booriyo dadka Gobolda Dhexe wax-qabadkooda. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxda kale ee Qaranka uga mahad-celiyey kaalintii lama illaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhisidda maamul goboleedka cusub iyo maamuladii ka horeeyey ee Jubba iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in koonfurta Soomaaliya dadku ku sheekaysto in mar haddii la dhisay maamulka Gobolada Dhexe waxa keliya ee hadhay ay tahay in Hiraan iyo Shabeelada Dhexe maamul loo sameeyo sidaasna ay ku dhammays-tirmayaan maamuladii gobolada dalka oo dhammi.

 

Isaga oo aan cidna toos u cambaareyn waxa Professor-ku sheegay in cidda fikirka noocaas ah qabtaa ka hadlayso gobolada koonfureed oo keliya. Wuxuu madasha ka sheegay in dadka reer Khaatumo ee dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn muddo labaatan sano ah dhiigoodu u daadanayey si ummaadda Soomaaliyeed uga madax-bannaanaato gumaystayaashii dalka kala qaybsaday oo shanta xero u kala ooday. Wuxuu shirka ka sheegay in kuwii gumaystaha gacanta siinayey ee askarta u ahaa waqtigaas ay hadda daadinayaan dhiigga dadka reer Khaatumo iyo Maakhir iyo Awdal oo dhammaantood {iyo badida dadka kale ee waqooyiga Soomaaliya} ka soo hor jeedaan kala go’a dalka. Wuxuu goobta ka sheegay in kala go’a Soomaaliya uu koonfur ka socdo maadaama, sida muuqata,  reer konfureedku aaminsanyihiin kuna hadaaqayaan in waxa keliya ee hadhay ay tahay Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo maamul loo sameeyo si habkii federaalka ee Soomaaliya u dhammaystirmo.

 

Hadalkaas Madaxweynaha Khaatumo dhego-gariir ayuu ku ridey madashii shirka iyo cid kasta oo khudbadda warbaahinta ka dhegeysanaysay. Madaxweynaha Soomaaliya iyo dadkii kale ee reer konfureed waxay mar keliya dareemeen khaladka ay ku jireen. Waxay ogaadeen inay si dadban uga qayb qaadanayeen kala goynta dalka iyo taageeridda Soomali-diidka.

 

Dareenkaas waxa ficil celinteedii goobtii judhiiba ku soo bandhigay Madaxweynaha Soomaalida Xasan Sh Maxamuud oo sheegay in midnimada Soomaaliya tahay lama ruxaan iyo lama taabtaan. Hadda ka hor waxa Madaxweyne Xasan Shiikh sheegi jirey in midnimada Soomaaliya muqadas tahay. Markan wuxuu odhaahdaas ku daray in dawladda u madaxda u yahay tageerayso dadka reer waqooyi ee midnimada aaminsan una halgamaya. Waxa hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya looga fadhiyaa “taageero” la taaban karo oo aan hadal ku ekeyn. Allaw yaan waaga waraabe cunin.

 

Axmed Tabaatiig

e-mail : ahmed_tabaatiig@yahoo.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=3448

Posted by on Jul 28 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...