|

Daawo: Ardayda Daraawiisheed ee Suudaan oo si weynu xusay 26ka June{Sawiro}.

Xuska Maalinta xornimada oo lagu qabtay suudaan

Waxaa  xaflad dabaaldeg ah oo si heer sare ah loo soo agaasimey laguna xusayey 55 guuradii kasoo wareegtay maalinta calanka soomaaliya ahna maalintii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee soomaaliya ee ingirrisku gumaysan jirey lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacadda caalimaga ah ee afrika (Africa internatiol university) ee caasimada khartuum ee wadanka suudaan.

Xafladan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey labada urur ee mataanaha ah ee URURKA ARDAYDA DARAAWIISHTA SOOMAALIYEED EE SUUDAAN (SODESCO) iyo URURKA ISKU-XIDH  ARDAYDA SANAAG. Labadan urur ayaa aalaaba xiligan oo kale si wada jir ah u qabta xaflada 26ka  juun.

Waxaa xafladan kasoo qayb galay boqolaal arday soomaaliyeed oo gabdhiyo wiilalba leh ee wax ka barta jaamamacadaha wadankan suudaan iyo jaaliyada soomaaliyeed,waxaa sidoo kale goob joog ahaa safaarada soomaaliya ee wadanka suudaan iyo midawga ardayda soomaaliyeed ee suudaan, ururo iyo marti sharaf kaloo badan. Waxaana lagu soo bandhigay barnaamijyo isugu jira taariikhdii halgankii gobonima doonka soomaaliya gaar ahaan kuwii uu hogaaminayey Sayid maxamed cabdalle xasan ee daraawiishta iyo sidoo kale halgankii ururkii SYL iyo midawgii labada gobol ee soomaaliya, sidoo kale ciyaaro hidaha iyo dhaqanka soomaaliya, heeso iyo riwaayad.

Waxaana ugu horeyn kasoo qayb galayaashii soo dhoweeyey xoghaya guud ee ardayda daraawiishta ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha ururka  Cabdalle Yaasiin Kurbe. Sidoo kale waxaa hadalo kala duwan kasoo jeediyey dadkii kasoo qayb galay xafladan oo uu ugu horeeyo qunsulka soomaaliya ee Suudaan mudane ibraahim guure maxamed isagoo u tacsiyeeyey geesiyaashii u soo halgamay calanka soomaaliya sheegayna inay guteen waajibkoodii balse aysan helin waxay mudnaayeen, sidoo kale wuxuu sheegay inaan la ogalaan dooniin ciddaan wadan calanka buluuga ah ee soomaaliyeed.

Waxaa ugu danbayna shirka soo xidhay gudoomiyaha ururka isku xidhka ardayda sanaag Ducaale xaaji Ducaale.

xus2 xus3 xus4 xus5 xus6 xus7 xus8 xus9 xus10

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=2023

Posted by on Jun 29 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.