|

Shirkada Hass Oo Genefka Ku Dhufatay Dhul Siyaasadaysan Oo Shirkada Telesom Ku Deeqday

Shirkada Hass Petroleum gaarahaan qaybta u qaabilsan Taakulaynta ee Hass Foundation oo kaashanayasa Hay’adda Care International ayaa dhagax dhigtay xarun waxbarasho oo ka koobnaan doonta dugsi hoose mid dhexe iyo mid sare.

Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom oo garabsanaysa saamileyda kasoo jeeda gobolka Sool ayaa isku dayday inay siyaasadeeyaan hawlaha lagu hormarinayo waxbarashada gobolka, iyadoo xubin ka mida xubnahaasi uu shaaciyay inuu dhul ugu deeqay dhismaha loo samaynayo xarunta Las’anod School Acedamy.

Gudoomiyaha Shirkada Hass Cabdinaasir Cali Xasan ayaa genefka ku dhuftay inuu ogolaado dhulkaasi siyaasadaysan, waxaana uu sheegay inaysan qorshaha ugu jirin in cid kale oo aan ahayn hay’adda Care ay la wadaagaan dhulka iyo tabarucaadka ku saabsan xarumahan waxbarashada ee ay dhisayaan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, ayaa si aada usoo dhaweeyay talaabadaasi geesinimada leh ee shirkada Hass ay qaaday, waxaana shirkada telesom oo garabsanaysa xubnihii shalay galab magaalada yimi oo ay isku xidhanyihiin kooxda Beesha Caalamka ay dhibaatooyin ku hayaan bulshada reer Laascaanood.

Waxaana kooxdan beesha calaamka iyo xubnahan saaka dib uga noqday magaalada ka dhaxeeya xidhiidh qoto dheer, oo salka ku haya cunaqaybataynta bulshada iyo inay meel walba iyo waxqabad kasta oo la fulinayo ay dhinaca iska laalaadiyaan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=1956

Posted by on Jun 28 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...
  • Ceegaag: Asc. Baarlamaankii baa garsoorkii iyo maxkamadihii doorkoodii qaatay! Waa meel ay u dhammaatay, bal waxaa...
  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...