|

Faallo: Maxay wadaagaan,W/Q S. Hashi Dheere.

Dadyoowga Aadanuhu markeey dal wadaagaan, qaarkood waxay leeyihiin wax kale oo daka ay l isku yihiin sii dheer, qaarkalena waa ku kala durugsan yihiin, dunida inta badan dalalka ka jira waxay u badan yihiin Qoomiyado, kala qola ah, kala diin ah, kala Af ah, isla markaana kala dhaqan ah.

Waxase mideeya, dal ka kooban xuduud, Calan iyo dawlad, Soomaalidu waa ka nasiib wacan yihiin intaas aan kor ku soo sheegay inay ku kala duwaanadan balse cagsigeeda waa ku mideysan yihiin, waana ka Mase. Waxaase ka xumaaday imaansigii, ay inteey Eebe ugu mahadnaqaan nimcadaa u gaarka ah ay gacmaha isku dhegi lahaayeen.
Hadana saas oo ay tahay waxa jira waxyaalo kale oo inagu soo biiray, markii hore waxa aad inoo halakeeyey Qabyaalad iyo qolo-qolayn, la isku dulminayo, la isku dilaayo, la iskuna durkinaayo{Dhul riix}, hada waxa masraxa inoo saaran Federaal oo ah hab is maamuleed inagu cusub guud ahan inaga ka umadda ahaan {Soomaali}, dadka qaar waxay qabaan inuu yahay qabiilkii oo la Casriyeeyey, balse taas waxan kaga gamayaa aragtida labada maamul ee Khaatumo iyo Puntland ka kala qaateen dhismaha maamulka Galmudug ee bartamaha dalka Somaaliya loo dhisay{Mudug iyo Gal-gaduud}.

11654104_10153176323159342_736956468_o (1)

Wer wer, walaac lagu ladhay, hadalo dhiilaysan oo aan dhegaha Soomaali xabad ka daashay u rooneyn, cagajugleyn cadho ku dahaadhan tahay, ayaa dhanka Garoowe judhiiba ka soo yeedhay, taasoo ka dhigan inaan laga soo dhaweyn maamul ahaan{PL} maamulkaas dhismay.

Dhanka Khaatumose yididiilo Soomaalinimo, hufnaan hadal caafimaad qaba, ka maydhnaan cudurka Qabiilka ee la qabyaaladeeyey, soo dhaweyn loo arkay wax u kordhay umad , walaalo Soomaaliyeed ah, marxabeyn Kargacalayd ayaa ka soo yeedhay, sida laga dheehanayo HADALKAN..

Maxay wadagaan:

Umaddi waxay wadaagto waxa ugu fiican sadexda shay ee ay dadkani Soomaaliyeed guud ahaan wadagaan, Diin, Dal iyo Af, Waana inta Allaah u asteeyey Soomaali, balse labadan maamul/ ama dad, waxa ka dhexeeya mid ay inta badan Soomaalida kale kaga caagan yihiin, waa laba dad oo u badan Xoolo dhaqato/Raacato ama reer Beede. Waa laba dad oo Mase ka ah nacaybka Gumaysiga, taariikh la ogyahayna ku leh, waa laba dad oo neceb Quudhsiga,{Nin Dalegmay kuma darine”}. Waa laba dad oo xidhiidh gaar ahaaneed uu ka dhexeeyey intii Soomaalidu Uskumatay, waa labada dad oo Aamisan midnimada Soomaaliya, waana kuwa ugu danbeyn doona Soomaalinimada, uguna horeeya hada iyo hadhawba.

11654104_10153176323159342_736956468_o (1)

Ugu danbeyn ku Gawrac hadalka labadooda Calan ayaa mataano ah, waxayna ku wada mataanoobeen midabka calanka Soomaaliya oo loogu roonaaday in Buluuga iyo cadaanka laga haqabtiro, halka Cagaar aynaan shaqo ku lahayn laga buuxshey maamulada kale, waa makhraati sida ay xigta ugu danbaysa ugu yihiin calankan Buluuga ah iyo Soomaalinimada, ayaga isa sifeeyey Khaatumo State iyo Galmudug State, ee anigu waan uun sharaxay. Intaas waxii ka badan ee xidhiidh, wada shaqayn, is walaalsi aan ku dhisnayn qabyaaladda lagu Khasaaray waxan u dhaafaya madaxda, indheer Garadka iyo hormuudka labada maamul.

W/Q Salmaan Hashi Dheere

Email: Xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=1972

Posted by on Jun 28 2015. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Faallo: Maxay wadaagaan,W/Q S. Hashi Dheere.”

  1. guuuuuul maaamulka GALMUDUG

  2. waasaas waxaan wadaagnaa daacadnimada hadalkacad iyo soomaalinimada wadanijacaylka iyo dhamaan dareenka kafog munaafaqnimada iyo dadnimadasoomaaliyeed viva allsoomaaliya

  3. ku daroo cadawgaaga cadawgiisuna dee waa saaxiibkaaaaa kkkk.

  4. Ma garab Ka helaa is lee dihiin kuwo iyagiiba wareersan oo meel ay u socdan
    Aan garanayn mise pland ku xumeeya bay Ka tahay xaashi dherow
    Suaashu waxay tahay Somalia 25 sano yaa la sugaayey yaase caasumadii
    Bahalo galeen Ka dhigay , Mj iska dhicin baa jar uga boodeysan
    Somalia oo dhan Mj wax Ka qaadi wayday saa habar gidir oo maanta waxba isla hayne

  5. ASC QORMADAAN AMA FAALADAN QIIMAHA BADAN AAD AYAY II TAABATAY RUNTII WAXA ALAYIRAAHDO WADANI AMA DACAADNIMO DIINTAADA DADKAAGA DEEGAANKAAGA DALKAAGA WAA LOO DHASHAA EE LA ISKAMA DHIGI KARRO CAAWA WAA BILL SOON RUNTII FAALADA OO KALE IN YAR AYAA SOONALI MAANATA AY KU HADHAY AMA DADKII XAMBAARSANAA WADANIYADDA WAX DHINTAY WAX DALAABAY WAX KUFAARI DULDAGTAY WAX LA UGAASANAYO AYAY NOQDEEN LAAKIIN ALAH AYAA KHEYRE IYO XORIYAD BUUXDA KA RAJEYNEYNAA IYO DALKEENAA OO GAALDA IYO CAWAANTOODA LAGA XOREEYO ALAAHU AKBAR SOMALI OO ISLAAM AH XOR AH SHARCIGEEDA ISLAAM YAHAHY AALOOW ITUSS OO IGAARSII

  6. Qormo qiimo leh iga dheh.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...
  • Ceegaag: Asc. Baarlamaankii baa garsoorkii iyo maxkamadihii doorkoodii qaatay! Waa meel ay u dhammaatay, bal waxaa...
  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...