|

Maqaal: Xuska Gobonnimada Iyo Gabyaagii.

Kolkay joogto maalmaha Juun iyo Luuliyo, waxaa xusuusta dadka maanta jooga ee Soomaaliyeed ku soo dhacaysa maalmihii gumeysigu calan iyo dal inooga tegey ee uu xornimo gacmaha noogu shubay. Maaha mana ku haboona in xilligaa aan sheeko ku sheego ama aan wixii laga dhaxlay gobonnimadaa qalinka kula meereysto, waxaase ila wacnaatay in aan wadaagno qayb ahaan suugaantii iyo mahadhadii ay kaga hadleen gobonnimada abwaannadii geyiga kuwii xilligaa indhaha bulshada ahaa.

Waa bilowgii xoriyadda ee inta laga awood roonaaday 1921kii guutadii Daraawiishtu ay soo baxday mirihii ay beereen, waa 1954 iyo SYL. Waa markii ay soo baxeen suugaan yahanno kale   oo maansada waddaniga ah, tiir dhexaad u noqday, iyaga ayaynu eegi doonnaa,maaddaama dareenka ay jeerkaa cabbireen ay ku guuleysteen.
Bal dhugo kolkii ay dawlad Soomaaliyeed noo dhisan tay, ee ay saddex sano jirto maxaa Ilaahay ha u naxariistee,  Aadam Carab, ka keenay erayadan:
“Sidii baa dalkii naga maqnaa, muran u joogaaye
Sidii buu makhluuqii u yahay, magan Amxaaraade
Marsadii Jabbuutaanba weli, sow mihiib kicin”
Waa shalay wey ahayde maantana sow ma’aha.
Isla xilligaa Rabbi isna ha u naxariistee halgamaagii Cali Xuseen Xirsi, waa kii lahaa:
“Arbiyo laguma oga geesi aynaba’e
Iniinaha kelyaha iyo wadnahaa iini kaga taalle
Aanada tolkoodaba uga roon uumiyaha kale’e
Maxaan ararta kaga daalayaa ereg la noo gooye!”
Gabaygan oo Gobonnimo la yidhaahdo waxaa tiriyay Alle ha u naxariistee gabyaagii Cali Cilmi Afyare, sida magaciisa ka muuqata waxa uu tiriyay abwaanku dharaarihii xornimada, hase tiriyee waa gabay weli daarran, kolka loo eego qaab saadaalin ah, waa gabay isugu jira dhaliil guubaabana wata, digniin iyo la talin. Anna aan xuska gobonnimada kaga qayb qaato.
Arartiisa kaddib waxa uu ku xejinayaa wax u sheegid iyo bal in la dareemo hadalkiisa:
Nin dudumo wacdiyay waa daliil, inuu ku daalaaye
Danqan mayso Soomaalidaan, diiri lahaaye
Dubaaqa iyo laabta iyo dheguhu, uma duleelaane
Sayidkii baa damac dawladnimo doonay, loona dacareeye
Wax dhan buu dagaallamay, intuu diiday gaalada’e
Dabkuu shidayay waagii haddaan, duulla ka habaabin
Dalkan aynu leennahay waqiis, lama dulaaleene
Dayr laguma ooteen kuwii, diirka ii xigay
Dubaakhooyinkii lagu dhuftay iyo, dakharkii loo geystey
Docka weerarka iyo markuu, bahalku dooxaayay
Soomaali baa ugu darrayd, daalinkii cunay
Idinkaa duleelanahayee, dirir itaalkiisa
Goortuu dangabay waa isagii, sii dabeyshaday.
Intaa haddii uu yidhi waxa uu ku xejinayaa oo uu dhaliilayaa, siyaasiinta mooday dawladnimadu in ay tahay magac uun, in ay tahay reer iyo qabiil, gobonninamadu waxa ay tahay, sida ay Soomaalidu u dacdaraysan tahay iyo ummadaha asaagooda ah halka ay gaadheen
Nimankii dayacan dawladnimo, kuma dakeeyaane
Dulli bay mutaan iyo ninkale, in uu dumaalaaye
Daldaloolka cadawgoodu waa kii, ku diirsadaye
Diihaalka bixi waayay iyo, diifta nagu raagtay
Dirdir iyo qabiilnimo haddii, dibadda loo tuuro
Oo daacad loo wada socdoo, lagu dikeynaayo
Gobonnimada dararteedu waa, in ay ku deeqdaa!
Dayaxaa cirka iyo reerahaa, degeya guudkeenna
Digsigaa lalaaya iyo sancada, dunidu dhiilootay
Dadku waxay ku gaadheen aqoon, duruktay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan, iyo dacas mahaysaane!
Durdurka iyo webiyaasha wada, dareeraaya!
Dibaddaad ka baridaan waxaad, daanka gelisaane!
Daartii guduudneyd raggaan, ugu daryeeleyney
Dibutaatigii eednay iyo, doorashadii jaane
Dib inoo celiya tobonkii sano?, ee ay dallacnaayeen
Daraawiishta iyo ciidankii, dumiyay oo tuuray
Duco tan ugu weyn iyo salaan, baan u dirayaa
Waakaa dalayskii ifka iyo, nuurkii daahiray.
Markaa ayuu abwaanku soo koobayaa gabaygiisa oo digniin iyo iyo la talin ayuu dawladda ugu deeqayaa
Digniinse waxaan u idhi hadal yaroo, ugu danbeysiiyay
Guddiyeey docdiinaa khalqigu, wada dayayaaye
Dusha waxaad ku qaaddeen culeys?, deyn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow, la isku daadihine!
Haddaad idinku dalab yeelataan, kala did weeyeene!
Dulaal baa arlada meeraya iyo, daalin weyraxaye!
Deriska iyo shisheeyuhu kuway, soo dirsanayaan!
Darxumadeenu waa maalintii, la isku keen diro!
Nin darmaan la tegey raacdo, waa dabagalaysaaye!
Doqontii dhegweyn baan ogeyn, debinka hoos yaalle!
Dareen baa ku jira meel galbeed, daab ku leeyahay!
Diyaar waxaad u noqotaan inaad, difaacdaan cadawga!.
Alle ha u naxariisto dhammaantood, waa kuwii u god galay xornimada iyo gob ahaanshaha dadkooda, waa kuwii daafaca dhulkooda u dhintay laguna baabi’iiyay.
W/Q: Cabdullaahi Cabdulkariim.
Nakiirabdi@gmail.com.
Hanbalyo Xuska Maalmaha Xoriyadda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=1908

Posted by on Jun 27 2015. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maqaal: Xuska Gobonnimada Iyo Gabyaagii.”

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...