|

Garaad Abshir oo Cadho kaga baxay magaalada Widhwidh Saaka.

Garaad Abshir Salaax oo ka mid ah Garaadada ugu waa weyn deegaanada Khaatumo ayaa saaka ka jarmaaday degmada Widhwidh ee G/Cayn. Garaadka ayaa Widhwidh u joogey inuu ka sifeeyo kooxo ay isku qoys yihiin oo qaylo dhaan uga timid, kuwaasoo sibirta ku xidhay maamulka Somaliland iyo horgalada Laascaanood haysta.

Garaadka ayaa arintan isku taxlujiyey inuu ku dhameeyo sulux, isla markaana awoodiisa isugu geeyey in xubno uu ka mid yahay Diiriye Maxamed Ali Buley oo adeerkiis ah uu uga dhaadhiciyo inuu Widhwidh ka baxo, dhibaatadana ka daayo magaalada iyo sumcadeeda, balse taas ayaa noqotay mid Garaadka aan laga hoos qaadin. Garaadka ayaa dadka hadalkiisa ka hor yimid isla markaana taageerada u muujiyey Diiriye Halaag waxa ka mid ah Caaqil Ahmed Maxamed Ali Bulay oo Garaadka adeerkiis ah isla markaana Diiriye walaalkiis ah, Garaadka ayaa sheegay in hadeey sidaas tahay uusan asaguna Widhwidh oo aan Khatumo ahayn joogeyn.

Wuxuuna saaka u guureeyey magaalada Balicad oo uu saldhigan doono, waxayna u muuqataa in magaalada Widhwidh u rahman tahay xubanaha Siilaanyo ee Laascaanood jooga, oo ayaguna ku sii talaalan horjoogayaasha maleeshiyaadka. Qurbajoogta Widhwidh ayaan doorba ku lahayn magaalada, oo sida muuqata haatan ay maamulaan maleeshiyaad Somaliland ka mushahar qaataa.

Isku soo wada duubo, go’aanka Garaadka ayaa u muuqda mid geesinimo ah, mar hadii uu garab u waayey in Widhwidh lala xoreeyo, qurbajoog iyo gudajoogba wuxuu mudan yahay amaan inuu ka baxo Widhwidh saaka.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=1914

Posted by on Jun 27 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.