|

Wada hadalada Coodanlle oo la sheegay inaan loo dhameyn.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Cayn gaar ahaan kuwa colaadu saameysay ayaa la sheegay inaan laguba casuumin nabadeynta ka socota tuulada Coodanlle, deeganada aan looga yeedhin wax garadkeedii waxa ka mid ah deeganadii ugu danbeeyey ee dirirtu ka dhacday iyo dilalka qorshaysan, sida Horufadhi, Gocondhaale, Ceegaag iyo deegano kale oo dhamaatood ay colaadu si weyn u saameysay.

Dadka deeganadaas ayaa 3 maalmood ka hor dagaal xabad la isku adeegsaday ku galay deegaanka Gocondhaale oo ka tirsan degmada Horufadhi. Xidhiidh aanu la sameynay waxgrad iyo odayaal ku sugan deeganadaas ayey ku shegeen inaan haba yaraatee waxba laga soo ogaysiin wada hadaladaas, ayagoo ku gaabsaday in reer Buuhoodle oo kaliya iyo Habarjeclo Galbeed ay shirayana, isla markaana aysan jirin Ergo gobolka Cayn masasha oo halkaas tagtay.

Dad badan ayaa tuhun ka qaba wada hadalaas oo la sheegay inaysan dhamaystirnayn, walow dadku u baahan yahay nabad waarta, hadana waxa dadka dhaliilayaa ay sheegayaan inaan si buuxda looga diyaar garoobin dhinaca gobolka Cayn, arintiina lagu koobay oo kaliya degmada Buuhoodle oo deeganada kale aan waxba laga weydiin.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=720

Posted by on May 29 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Wada hadalada Coodanlle oo la sheegay inaan loo dhameyn.”

  1. Walaale wuxuu Yuri odaygii cali waqaaf teg Celina moog waa adeer salaad dhaladhoobe adeer hashu maankayga gadee ma masaar bayliqday halkaas sida wax ugasocdaan hawada sare Baan kalasoconaa nabadna waa lama diidaan laakiin ???? Loomadhama Hadaan maqalo allow sahal amurahan ododayo loowaayey adeer anoo raamaleey geelayga dhex jiifa xabadii iigutimi coodinle iyo kalshaale baadaminaya snm na baaraan bay rabaasayAan maangaran sida caawa wax umuuqdaan inaan snm isgafayno buuhoodlana Walee uun waalabadii oRod ee khaatumostd waalamahuraan waaceelkii laas caanood iyo dhamaan dhulkoo lasifeeyo taasbaa nabad waarta kalshaale buuhoodle iyo togdheerba Dani badidoontaa

Leave a Reply

Recently Commented

  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.