|

Maqaal: Wasiir Odawaa Hiilkaagu waa mid Qaran oo qiimeyn mudan.

Taariikhda Soomaalidu waa is rog rogtaa, dadka Soomaaliyeedna waxay lee yihiin habeen, mana waayaan halyeey meel uun buuxsha, dad badan ayaa sas ka qabey inay jiraan dhalin da’daas ah oo qaadan kara mas’uuliyad heer wasiir arimaha gudaha ah oo ah wasaarada ugu balaadhan qaranka Soomaaliyeed.

Waxa muuqatay in Wasiika Arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane C/Raxmaan Maxamed Xuseen{Odawaa} yahay nin dhalinyaro, wadaniyad, aftahanimo, taariikhyahanimo iyo shakhsiyad wanaag isku darsaday.

Doorkiisa dodii u danbaysay ee uu Khaatumo uga hadlay, ma ahayn mid kaliya oo taabanaysa qalbiyada wadaniyada iyo midnimadu ka buuxdo ee reer Khaatumo, balse waa mid guud ahaan ruxday maskaxda qofkastoo Soomaalinimo sax ah ku raad lee dahay.

Wasiirku hadalkiisa wuxuu dhextaal uga dhigay in cidkastaba wax diidan tahay, kelmeda kaliya ee aan odhan karo waa lama ilaawiin inkastoo hadalkiisa oo dhan uu ahaa mid macno weyn leh, waa hadalkii ahaa” Dadkan waxa loo dhibaateynayaa waa arimo la xidhiidha halgankii iyo Jihaadkii ay   beerka u dhigeen Gumaystaha”’, war hooy Soomaaliyeey hadalkaasi waa hadal maskax aqoonleh ka soo maaxday waa hadal fog, dabcan dhibaatadani waxay salka ku haysaa qari iyo rubuc ka hor halgankii dhulkaas ka bilowday.

Odawaa

 

Waxana weli dadkan dhib ku haya dadkii markaasna Gumaystaha la jirkooda ahaa, waa dadkii wadooyinka tusayey, waa dadka horqaadka u ahaa, waa kuwii dalkeena in Gumaystuhu sida uu rabo ka yeelo u fududeeyey , saldhigyada, heshiisyada iyo Mucaahidooyinka la galay.

Kuwii oo isla gumaystihii laftiisii taageero ka helaya dunidan casriga ah, ayaa markan doonaya inay qolana dadka kala jarto, ayagoo raacaya qariiradii ‘Sir-koodiii, iyo qolo doonaysa inaan la helin dawladnimo adag oo Soomaaliyeed oo laga haybaysto, iyo Reer Khaatumo oo warankoodii gabaskooda la horjooga, hiilna ka helay Wasiir Odawaa.

Hadalkaasi waa mid facweyn, balse hadiiba reer Khaatumo u dhabar adaygeen ilaa dayuuradihii Furuqa iyo sunta Nukliyeerka watay ee lagu garaacay, ma’aweysan ku simi karin midnimada inteey xoogaysanayaan wadaniyiin C/raxmaan Odawaa oo kale ah oo Soomalinimo dhadhan leh dhalinyarana u dheer tahay la soo guuxaya. Waxa abaal iyo xasuus mudan doorkiisii shirkii Turkey uu ka qaatay, kaasoo Soomaalidu ay ugu Lib iyo xushmad hayaan. Asagoo markii ugu horaysay muujiyey awooda dawladnimo ee Soomaaliya iyo dawladda dhex ee uu masalayey.

Ugu Danbeyntii Odawaa Mustaqbalkiisa siyaasadeed, kiisa Soomalinimo, waajibaadkiisa Mas’uuliyadnimo, intaba wuxuu saaray kaffed iyo miisaan, waxaana muuqatay uuna Soomaaliweyn u muujiyey tayadiisa iyo caqligiisa garasho ee wadaniyada lagu ladhay, taasoo ka dhigan inuu noqon doono nin ruux lagu Hirto oo dadka Da’diisa ah ay u hertaan, mas’uuliyiinta kalena dhiirasho noocaas ah baa laga doonayaa, Cuquuqda Soomaaliyeedna inay u ilaashaan sida wasiir Odawaa oo kale.

W/Q:  S hashi Dheere.

Xaashi2008@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=668

Posted by on May 28 2015. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Maqaal: Wasiir Odawaa Hiilkaagu waa mid Qaran oo qiimeyn mudan.”

  1. wasiir odawaa aad iyo aad baan ugu faraxsanahay hadaan nahay daraawiishii ladagaashay gumayste yaashaashii kusooduulay dhulkeena halqarni mudo lagajoogo waad lasocotaan ingiriis iyo talyaani boortaqiis iyo amxaar ishuwanaa inay dhulkeena iyo dadkeena xaaqaan oolaayaan oo nagumaystaan taas oo noola muuqatay wax xaaraana maqdacaa inlaqaato waxaan nagalay dagaal dheer oo dadbadan iyo duunyobadan laguwaaayey waxaa cadowga noogadaraa umadasomalida nala ahayd qaarkeed oonoqday horgaladii gumaysigii ingiriis iyo talyaaniga fajiismooska ahaa kuwaas oo ilaamanta loogataag la yehay inay aqoonsadaan inay soomaali yihiin soomaalina kudhintaan difaacdaana dhulkooda iyo karaamadooda taas bedelkeeda ilaahay amarkii waakuwa maanta doonaya inay dhulkii iyo dadkii kahadhay mujaahidiintii daraawiisheed ee xoriyada dalkeena iyo dadkeena LOOSOOHALGAMAY inay marlabaad gumaysigii lahoosfadhiistaan inay waxkuyeelaan waakuwa sool sanaag iyo cayn udiidan inay mustaqbalkooda katashadaan waxan umadasoomaaliyeed iyo dawlada federaalkaba ogaysiinaynaa in dhulkaas iyo dadkaas khaatumostd mooyee aan cidkale iyo maamulkusheeg kale oo U adeega danoqaasa oo QABIIL IYO DANO QAASA OO GUMAYSI DOON IYO SINBAATI GUMAYSI LOOHAYO ILAAQIYAAMAHA AY SOOWADA FADHIISTAAN MIISKA LAYSKUXISAABINAYO WASIIR KA ARIMAHA GUDAHA WAA GEESI GEESIDHALAY OO QARAN IYO QABIIL KALASAARAY WAA WASIIR INLAHELO SAGOOKALE GOOR HORE LOOBAAHNAA INTA KUWII KAHOREEYEY MUNAAFAQNIMO IYO EEX FULANIMO LOOGATAAGLA AA GUUL IYO GOBANIMO WAARTA DHAMAAN UMADASOOMAALIYEED IYO DHULKEEDA VIVA ALL KHAATUMOSTD OFSOMALIYA

  2. wellsaid

  3. WAA MAHAD ILAAHAY IN UU SOOMAALI KASOO BAXO QOF SIDA WASIIR ODAWAA OO ILAAHAY UU SIIYEY CILMI AQOONEED CAQLIBAAHSAN DADNINMO WADANANIMO HALYEEYNIMO SOOMAALINIMO WAXGARADNIMO ILAAHAY HAKAAXIFDIYO CADAWGA SOOMAALIYEED WAXUU DOONO HA,AHAADO WAXAAN KUU DAR DAARMAYAA MAS,UULIYADA AAD HEYSID INAAD ALLAH UGU BAQDID MEELKASTA AAD JOOGTID DUNIDA ADIGANA ALLAAH AYAA ADUUNYO IYO AAKHIRABA KU XIFDINAY IYO EHELADAADA AAMIN YARABI TANLABAAD WAAD INAAD KUDADAASHAA INAAD DIYAARISID DHALINYARO SIDAADOO KALE WADANKAAN BADBAADIKARA OO AAD BARTID MACNAHA WADANIMO IYO QIIMAHA AY LEEDAHAY WAAYO KUNKII QOYBA HAL QOF AYAA LAGA HELAYAA FAHMAYA MACNAHA AYLEEDAHAY WADANANIMO AAD UDHIMATID DADKAAGA DIINTAADA DHULKAAGA MARKA WAAD INAAD XOOGA SAARTAA INAAD SOO SAARTID DHALINYARO ADIGOO KALE AH SI MUSTAQBALKA WADANKA LOO HELO GOOD LEADERS WADANKEENA WAA DAHAB LAAKIIN NO LEADERS OO WADANI AH AFKEY KAGA HARTAY DADKA MAANTA NOO TALIYA LAAKIIN ILLAAHAY HURDADA HAKA KICIYO AAMIN

  4. WASIIR ODAWAA. Cadowgaa hajabo SOOMAALINA ILLAAHAY SABABHAKAAGA DHIGO INAAD BADBAADISID WAAYO WAXAAN U BAAHANAHAY NIN WADANANIMO LEH WAXGARADNA LEH LEADER SKILLS NA LEH SIDA ADOO KALE THANKA FOR YOUR SERVING OUR COUNTRY

  5. Qaa maqaal tooboon waana mudan yahay mudanuhu

Leave a Reply

Recently Commented

  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?
  • ahmed: ha bakhlayso waa iidoor iyo bakhdiisii adeer adiga oo iidoor ah miyaa imaan kara garoowe adiga biixi toona ma...
  • ahmed: Cid fahamtay ma jirto waxa aad soo qortay oo tirade badan madax iyo majo ma leh