|

Dagaal yahankii Xasan Turki oo Geeriyoodey.

Wararka ka imaanaya koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in uu xalay geeriyooday Sheekh Xasan C/laahi Xirsi oo loo yaqaanno Xasan Turki.
Geerida Xasan Turki waxaa xaqiijiyay ururka Al Shabab.
Idaacad ay leeyihiin al-Shabaab ayaa laga akhriyay taariikh nololeedkiisa.
Wuxuu ku geeriyooday Hargayso yareey oo ka tirsan gobolka jubada dhexe.
Wuxuu u geeriyooday xanuun hayay sanadihii u dambeeyay.
Waxa uu ka mid ahaa odayada dadka jihaad doonka ah,Waxa uuna hawshaas ku soo jiray tan iyo bilawgii sagaashameeyadii.

Sh-Xasan-Turki
Wuxuu ka mid ahaa dadka uu Maraykanku aadka u doondoonayey.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa 2012 sheegtay in ay siin doonto 3 milyan oo doolar cidii keenta macluumad ku saabsan Xasan Turki.
Waxayna la xiriirisay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam.
Horaantii 2008 diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay. Xasan wuxuu ahaa nin aamusnaan u dhashay, isla markaana aan jeclayn inuu ismuujiyo, hunguri siyaasadeed weliguu ma uusan gelin, balse wuxuu ahaa nin aaminsan in shareecada lagu faafiyo dunida oo idil.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=702

Posted by on May 28 2015. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Dagaal yahankii Xasan Turki oo Geeriyoodey.”

  1. Death cult Alshabab still controls and rules vast land of Somalia .

Leave a Reply

Recently Commented

  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?
  • ahmed: ha bakhlayso waa iidoor iyo bakhdiisii adeer adiga oo iidoor ah miyaa imaan kara garoowe adiga biixi toona ma...
  • ahmed: Cid fahamtay ma jirto waxa aad soo qortay oo tirade badan madax iyo majo ma leh